Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, 25 March 2010
Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Kasoo jeeda gobolka saaxil oo Shir balaadhan Ku Qabsaday dalka UK

Caasimada labaad ee dalka uk magaalada Birmingham dhawaan waxaa ka dhacay shirbalaadhan oo ay isugu yimaadeen dhamaan taageerayaasha xisbiga kulmiye

Caasimada labaad ee dalka uk magaalada Birmingham dhawaan waxaa ka dhacay shirbalaadhan oo ay isugu yimaadeen dhamaan taageerayaasha xisbiga kulmiye ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil( beelaha Ciise Muuse).Shirkaas oo si weeyn loosoo agaasimay,waxaa kasoo qaybgalay dadweyne aad u badan oo isugu jira qaybaha bulshadu ka kooban tahay.

Shirkaas oo habsami usocodkiisu ahaa mid qodobaysan,ayaa wuxuu ku furmay jawi degen oo farxadi ka muuqato.Shirka waxa lagu furay aayado quraana ka dib waxaa ereyo soo dhawayna kasoo jeediyey gudidii soo qaban qaabisay shirka.Waxaana ugu horayn ka hadlay Cumar Cabdilaahi Yaasiin oo u mahad celiyey dhamaan dadweynihii kasoo qayb galay shirka.waxaa isaguna ereyo murti,maah maah iyo maansaba leh macna badana xanbaarsan madasha kasoo jeediyey Maxamed Diiriye Nuur (fariid).Sidoo kale waxaa ujeedad shirka laga leeyahay si cad u iftiimiyey Cabdi khalaq Maxamed Sh.Cisman kuna dheeraaday muhiimada uu shirku u leeyahay beesha.Mustafe Shanle oo isagu ahaa mudanihii suurta geliyey madasha shirku ka dhacaayey ayaa isaguna ereyo qiimo leh kazoo jeediyey. Ka dib waxaa si toosa loo guda galay hadafkii iyo ujeedadii shirka waxaana xidhiidhiyihii barnaamijku kusoo dhaweeyey Muj.Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye oo dhawaan kasoo laabtay dalka jamhuuriyada Somaliland.Muj,Cabsiye waxa uu si qoto dheer uga waramay xaalada dalku manta ku sugan yahay guud ahaan iyo gaar ahaan gobolka Saaxil,waxaanu muj.Cabsiiye hoosta ka xariiqay in maanta dalku kujiro xaalad adag oo dhinac walba ah waajib na inagu tahay in loo gurmado Waxaa isaguna shirka khadka telefoonka kaga qayb qaatay Saleebaan Cumar Ku Joog oo kamida waxgaradka beesha waxaanu talo, tusmo iyo tusaalaba usoo jeediyey guud ahaan reer Somaliland gaar ahaana beelaha Ciise Muuse, waxaanu ku booriyey in beeshu si muglehuga qayb qaadato isbedelka dalka.ka dib waxaa isaguna ereyo dardaaran iyo dar dar gelinba leh kasoo jeediyey Axmed Xasan Cali (like),waxaanu ugu baaqay qurba jooga reer Saaxil inay ka qaybqaataan badbaadada dalka iyo dadkaba.Dr Cabdi ciise Maxamed (business),ayaa isaguna ka waramay doorka iyo kaalinta looga baahan yahay qurba jooga . Inj.Cabdi jaamac ayaa isaguna tilmaamay in loo baahan yahay in la mideeyo maskaxda,maalka iyo muruqa beesha lagana hawl galo sidii dhaqaale ololaha doorashada lagu galo loo heli lahaa. Xog badan iyo afkaaro badan ka dib markii la uruursaday waxaa laysku raacay go”aamadan.

1.Waxaa la magacaabay gudi ka kooban sadex xubnood

1.Maxamed Axmed X.Aaden(Daahir)

2.Cabdi Yuusuf Jaamac

3.Axmed Cabdilaahi Gadhoodhle.

2.Gudidaas waxaa loo igmaday inay soo diyaariyaan shirweyne balaadhan oo lagaga arinsanaayo looguna diyaar garoobaayo ololaha doorashada.

3.gudidaas waxaa awood loo siiyey si qaban qaabada shirku ugu fududaato inay gudi hoosaad kala shaqaysa arimahaas u magacaabi karaan magaalo kasta.

4.waxaa laysku raacay in si joogta ah loola xidhiidho wada shaqayna lala yeesho gudida beesha ee dhawaan la magacaabay ee ku sugan jamhuriyada Somaliland.

Ugu dambayn shirka waxaa baaq looga soo jeediyey dhamaan beelweynta Ciise muuse meelkasta oo ay joogaan in ay hiil iyo hooba lagarab istaagaan xisbiga Kulmiye oo ah xisbiga keliya ee kasaari kara dalka maanta duruufaha adage e ku jiro.Intaa dabadeed shirkii wuxuu ku dhamaaday jawi is af garad ah.

Maxamaed Axmed X.Aaden

Xubin gudida fulinta ah kulmiye uk
Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp