Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, 25 March 2010
Qumayo inta aadan qumayo dhihin ayey qumayo ku tiraah(Maah Maah Soomaliyeed) oo ku wajahan Khawaarijta Alshabaab .

Weligii Ilaaheey Sheekh Muxyadiin Celi

Khawaarijta Alshabaab oo iyagu aan la aqoonin waxa aay Caabudaan isla markaana la wada og yahay in aaneey laheyn Dhaqan Islaam Dad badanina tuhunsan yihiin in aay Caabudaan Usaama Bilaadiin ayaa Waxeey Burburiyeen Qabrigii Weligii Ilaaheey Aabbihii ummadda Soomaaliyeed Sheekheenii Sheekh Muxyadiin Celi Allaha ka raali noqdee , iyaga oo ku andacoonaya in Qbriga sheekhu ahaa mid la Caabudo.

Sheekh Muxyadiin Celi Allaha U naxariistee Halkaan laguma soo koobi karo Doorkii uu ku lahaa Fidinta Diinta Islaamka isaga oo aay dadka oo dhami isugu mid ahaayeen sida laga dheehan karo Waqtigaan Xaadirka ah Mowlaca Sheekha oo aay ku dhan yihiin Xer ka kooban Dhammaan Qabaa´ilada Soomaaliyeed , taas oo ku tusineysa ama ka Markhaati kaceysa in Sheekh Muxyadiin Celi ahaa Aabbihii Ummadda Soomaaliyeed ee islaamka ah , Dadka oo dhamina isugu mid ahaayeen sida caadada u aheydba Dhammaan Mashaa´ikhda Somaaliyeed Kuwoodii dhintay iyo kuwa hadda nool ee ku Abtirsada Ahlusunna Waljamaaca.

Waxaa Xusid mudan Haddii aay Khawaarijtu ku cibra qaadanayaan Halkii aay is la haayeen la baxa Lafihii Sheekha in aay ugu tageen Dhagxaan iyo waxyaabo kale oo argagax geliyey Khawaarijtii ku howlaneyd faagista Qabriga sheekha.

Haddaba Khawaarijta Shabaab oo la isku raacsan yahay in aay iyagu Caabudaan Khawaarijka weyn ee Usaama Bilaa diin ayaa waxeey u maleyaan in Ummadda oo dhami sidooda oo kale Ilaah geyrkii Caabudaan , taasina Soomaali horay ayey uga Maahmaahday oo waxeey tiri (Qumayo inta aadan Qumayo dhihin ayeey Qumayo ku tiraahdaa).

Shaarar badane Soomoow iyo Saaxiibkiis Rooboow

Waxaan aad ula yaabay markii aan isna Daawaday Soomoow oo iska dhigaya Nin ka xun Burburinta Qabriga Sheekha , waxaan is weydiiyey Soomoow miyuusan aheyn ninkii Shalay uu Ammaanayey Khawaarijka Dawaca ah ee Rooboow , miyuu sana aheyn Soomoow Ninkii Meelaha la taagnaa Ahlusunna Dagaal kuma jirto oo inkirayey Dhiigga Mujaahidiinta Ahlusunna waljamaaca u daadinayaan Difaaca Diinta iyo Badbaadinta Qubuuraha Mashaa´ikhdooda uu ka mid yahay Sheekh Muxyadiin Celi , Goormuuse Soomoow ka mid noqday Ahlusunna waljamaaca?

Halkaan ka dhegeyso Rooboow oo ku Markhaati furaya Saaxiibkiis Soomoow isla makaana u Duceynaya mar aay u baroor diiqayeen Khawaarijkii Timajilac ee aay Mujaahidiinta Ahlusunna waljamaaca ku khaarijiyeen Deg. Guriceel . Dhegeyso

Ma rabo in aan ku dheeraado Soomoow iyo laba wajiilanimadiisa waayo Ilaahbaa Ahlusunna ka kaafiyey Dhagartiisa , sidaas daraadeed waxaan u maleynayaa in la gaaray waqtigii Kacdoonka Ahlusunna waljamaaca ee Muqdisho , Waxaana Xusuusinayaa Culumada Ahlusunna Waljamaaca ee Banaadir in Dagaaladii Khawaarijta looga Xoreeyey Gobollada Dhexe aay Billaaben

8/Xeroow oo uu ugu weyn yahay 22/Jir Hubna ka watay 7/Qori AK47 iyo hal Kaarabiin , Maantana Iska daa Soomaaliye Caalamkii oo idil ayaa qiray in aaysan jirin Awood u babac dhigi karta Ahlusunna waljamaaca , Awoodda iyo Hubkoodu waa hubkii aay ka furteen Khawaaijta Wax dibad uga yimid ma jiraan Ragga ku dagaalamayana Waa xer Cilmiyeedkii Mowlacyada sida kan Shekh Muxyadiin, marka Guushu Gacantiina ayey ku jirtaahe Reer Muqdishoow Kaca oo la dagaala Khawaarijta , Soomoowna Sirtiina ka ilaashada Khawaarijta ayuu la shaqeeyaahe.
Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp