Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, 25 March 2010
Al Shabaab oo Weli Qabriyo faagid ka wado magaalada Muqdisho

Muqdisho (RBC Radio):-Ururka Al Shabaab ayaa weli magaalada Muqdisho kasii wado Ol Ole baahsan oo lagusoo faagayo lafaha Dad Mashaa’ikh ah oo dhintay muddo 30-sana ah ka hor oo ay aad u Ixtiraamaan Wadaadada dariiqada Suufidayada.

Ciidamada Al Shabaab oo ku hubaysnaa gaadiid dagaal ayaa maanta xoog ku galay Masjidka Macalin Biya Maaloow degmada Howlwadaag magaalada Muqdisho waxaana gudaha Masjidka ku aasnaa ilaa iyo 3-qof oo uu kamid ahaa Macalin Biya Maaloow.

Al Shabaab waxay durbadiiba bilaabeen in ay lasoo baxaan budad iyo baangado loogu talagalay in ay ku Burburiyaan qabuuraha, ugu horayn waxaa dhulka ladhigay dhismaha qabriga Sheekh Biya Maalow kadibna waxaa gudaha qabriga galay dagaalyahan Shabaab katirsan oo banaanka soo dhigay lafaha Sheekh Biya Maaloow.

Sheekh Saacid Karataay oo Shabaab uqaabilsan ladagaalanka waxa loogu yeero “Shirkiyaadka” oo goobta khodbad ka jeediyay ayaa sheegay in ay sii wedayaan Burburinta qabuuraha oo ay sheegeen in ay yihiin Macbadyo lacaabudo. Karataay wuxuu sheegay in ay maanta banaanka soo dhigeen Sedax qabri oo kala ahaa Ilmo saqiir ah oo uu dhalay Biyamaalow Xaaskii uu qabay iyo Macalin Biyamaalow islamarkaana ay lafihii dadkaasi ku aasi doonaan meel gaar ah. Al Shabaab ayaa horay usoo faagtay qabuurihii Sheekh Muxiidiin Celi, Sheekh Cali Cabdulle,Sheekh Aadan Dheere iyo Sheekh Cali Muumin oo dhamaantood ay aad u tixgelin jireen dad Soomaaliyed.
Source:Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Muqdisho Somalia




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp