Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Wednesday, 24 March 2010
Wefdigii Ka Socday Dawlada Somaliland oo La Kulmay Madax ka tirsan Hay’adda USAID ee Maraykanka

Weftiga Somaliland waxa ay madaxda hay'adda USAID kala xaajoodeen muhiimadda iyo ka wada tashiga sidii hay'addu gacan uga geysan lahayd horumarinta dhaqaalaha Somaliland

Weftigii Xukuumadda Somaliland iyo Golayaasha ee booqashada ku joogay magaalada Washington DC, ayaa bilaabay shaqo hawleedkoodii; iyada oo weftigu la kulmay shalay (23/3/2010) madax sare oo ka tirsan hay'adda USAID ee dalka Maraykanka u qaabilsan Deeqaha Caalamiga ah.

Weftiga Somaliland waxa ay madaxda hay'adda USAID kala xaajoodeen muhiimadda iyo ka wada tashiga sidii hay'addu gacan uga geysan lahayd horumarinta dhaqaalaha Somaliland. Weftiga Somaliland waxa ay madaxda hay'adda USAID u bandhigeen baahida guud ee dalka Somaliland u qabo xagga horumarinta dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha

Ka dibna waxay ay labada dhinac isla qaateen in si deg deg ah looga hawl galo xal u helista dhismaha iyo horumarinta dalka. Waxa sidoo kale, la isla gartay in si dhaqso ah ay hay'adda USAID dalka Somaliland ugu soo dirto hawl wadeenno u gogol xaadha ka baaraandegga wada shaqaynta mustaqbalka.

Weftiga Somaliland waxa ay sidoo kale maanta (23/3/2010) kulan kula yeesheen Guriga Cad (White House) ee waddanka Maraykanka looga taliyo gudiga Madaxweynaha kala Taliya Arrimaha Nabadad Gelyada (National Security Council). Waxayna labada dhinac ka wada hadleen arrimo la xidhiidha nabad gelyada iyo xasiloonida Geeska Africa.

Weftiga Somaliland waxa kale oo uu kulan muhiim ah la yeeshay (22/3/2010) madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka. Weftigu waxa uu si gaar ah ula kulmay madaxda qaabilsan Arrimaha Africa. Kulanadaas weftigu la yeeshay madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Waxa kale oo ka soo qayb galay saraakiil ka kala socday, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hay'addaha u qaabilsan xagga nabad gelyada iyo ka hor tagga falalka argagixisada.

Ugu dambayntii waxa labada dhinac isla qaateen, in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya; iyada oo muhiimad gaar ah la siinayo xaaladda guud ee ka taagan gobolka. Waxayna kulanadaasi ku dhamaadeen is af-garad buuxa. Weftiga oo weli hawlo kale u dhiman yihiin, waxa uu halkaas ka sii wadi doonaa, sidii uu arrimaha Somaliland madaxda iyo hay'adaha Maraykanka uga dhaadhicin lahaa.

Wakiilka Somaliland ee Maraykanka.
Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp