Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Wednesday, 24 March 2010
Hargeysa(Waaheen) - Xaflad lagu xusayay maalinta Qaaxada Adduunka ee caalamka ayaa maanta lagu qabtay Cisbitaalka qaaxada ee Magaalada Hargeysa.

Xafladaasi oo aanay ka soo xaadirin masuuliyiin badan waxa ka soo qeyb galay Wasiirul dawlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada Md. Axmed Cali Shire, Xidhiidhiyaha xanuunka qaaxada ee Wasaarada Caafimaadka iyo qaar ka mid ah bukaan socodka dawada ka qaata cisbitaalka TB-da ee Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Cisbitaalka Qaaxada ee Magaalada Hargeysa Dr. Cismaan Cabdi Maygaag, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in xanuunkan oo ka mid ah cudurada faafa laga bogsoodo hadii qofku iska baadho oo uu dawada si joogto ah u qaato waxaanu yidhi “Xanuunkan qofka ilaahay ka kicinayaa waa xanuun dawo leh oo dawadiisa oo bilaash ah dalkeena oo dhan laga heli karo. Waxa weeye in dadweynuhu markay qufacaan muddo sadex todobaad ah waa inay goobta ugu dhow ee cisbitaal qaaxo ku yaalo ay iska baadhaan haddii laga helo dawadii ayaa loo bilaabayaa. Marka qofka dawada loo bilaabo ee uu qaatana ma sii fidinayo xanuunkii waana laga bogsoodaa.”

Agaasimuhu wuxuu sheegay in bulshadu ay takoorto qofka uu ku dhaco xanuunka qaaxadu waxaanu yidhi “Bulshadeenu sas ayay ka qabaan xanuunka qaaxada waxaanu aragnaa marka qof uu xanuunkii ku dhaco ee uu dawadii qaato ee uu bogsoodo bulshadii naxariis dambe qofkii uma laha oo ma aqbalayaan inuu sidii hore ula noolaado. Waxaan bulshada u soo jeedinayaa inay aqbalaan dadkii xanuunsaday oo aanay fogayn.”

Agaasimuhu wuxuu u mahad celiyay hawl wadeenada cisbitaalka ka hawl gala oo uu ku tilmaamay geesiyaal “Waxaan hambalyaynayaa shaqaalaha geesiyaasha ah ee maalin walba dadka xanuunkan qaba baadhaya ee dawaynaya iyadoo aynu ognahay inuu xanuunkani neefta xataa lagu kala qaado.”

Wasiirul dawlaha Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Md. Axmed Cali Shire, oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay inay wasaaradiisu dedaal u galayso sidii loo xakamayn lahaa xanuunka qaaxada, waxaanu u mahad celiyay Haayadaha caalamiga ah ee taageera cisbitaalada qaaxada ee magaalooyinka dalka.

Wasiirul dawluhu wuxuu sheegay in horumar balaadhan laga sameeyay cuqdadii laga qabay xanuunka TB-da waxaanu soo jeediyay in bulshadu ay iska baadhaan si aanay u sii sadhayn qoysaskooda iyo bulshada kaleba.

Dhinaca kale, Xidhiidhiyaha Xanuunka Qaaxada u qaabilsan wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Ismaaciil Aadan, oo xafladaasi ka hadlay ayaa soo bandhigay dadka ay ka daweeyeen xanuunkan. Waxaanu yidhi “Boqolkii kun ee qof ee reer Somaliland ahba 222 Qof ayaa qaba xanuunka Qaaxada waxaanu xanuunkaasi ka dhashay nafaqo darrada iyo balwadaha. Waxa dalka ka furan 8 cisbitaal oo TB-da ah waxaana dadka lagaga daweeyaa lacag la’aan. Sanadkii 2008-kii waxa dawada loo bilaabay Sadex Kun, Sagaal Boqol iyo Sagaashan Qof, sanadkii 2009-kiina waxa loo bilaabay oo dawada qaaxada qaatay Afar kun iyo Sagaal Qof.”

Xidhiidhiyuhu wuxuu intaasi ku daray inay sanadkii tagay dadkii dawada loo bilaabay ay bogsadeen 72%, waxaan aan xanuunka ka bogsan 3%, dadkii baxsaday oo iyaga oo dawada qaadanaya waxa weeye 2 % halka ay dhinteen 4.3% qof.

Xafladaasi waxa lagu soo bandhigay bandhig faneed ay aad ula dhaceen dadkii ka soo qeyb galay oo ka turjumaysay astaamaha lagu garto xanuunkan iyo fikirka ay bulshaddu ka qabto.
Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp