Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Friday, 5 March 2010
Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Addis Kula Kulmay Sarkaal Sare oo Ka Socda State Departmentka Posted by admin on Mar 5th, 2010 and filed under News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
Waaheen (Hargeysa) Warsxaafadeed ka soo baxay Xafiiska safaarada Somaliland ee Dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirka Arimaha Debada ee Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale Kulan la yeeshay Wefti uu Hoggaaminayo Mr. Karl E. Wycoff, oo ah Ku Xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee dalka Maraykanka isla markaana qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika iyo Badhtamaha Afrika.

Warsaxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexan yahay Safiir Ku Xigeenka Safaarada Somaliland ee Addis ababa Md. Ayaanle Salaad Diiriye ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:

Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland, Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa kula kulmay Magaalada madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa 3/3/2010-ka Huteelka Shareton ee Addis Ababa Wefti ka socda dawlada Maraykanka oo uu Hoggaaminayo Mr. Karl E. Wycoff, oo ah Ku Xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee dalka Maraykanka isla markaana qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika iyo Badhtamaha Afrika.

Shirkaasi oo qaatay saacad iyo badh ujeedadiisa ugu weyni waxay ahayd u gogol xaadhka Wefti ka socda dawlada Somaliland oo dhawaan Booqasho rasmi ah u tagi doona wadanka Maraykanka iyaga oo marti qaad rasmi ah ka helay xukuumadda Maraykanka.

Wasiirku wuxuu warbixin dheer ka siiyay Weftiga Maraykanka xaalka guud ee dalka khaasatan dhinacyada nabadgelyada,horumarka, Geedi socodka dimuqraadiyada iyo taabo galka dawlad wanaaga.isagoo u caddeeyay Weftiga in xidhiidhka Somalilad iyo Maraykanku yahay mid soo jireen ah oo soo taxnaa illaa 1991-kii intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda waxa uu Wasiirku ku adkeeyay weftiga dawlada maraykanka in la gaadhay wakhtigii la sii adkayn lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal, maraykankuna uu gacan mug leh uga geysan lahaa dhinacyada gaar ahaan: dublamaasiyadda,Horumarka iyo Geedi Socodka Dimuqraadiyada..

Waxa kale oo uu Wasiirku ku adkeeyay Weftiga in kulamada dhawaan ka dhici doona dalka Maraykanka ee labada dhinac ay noqon doonaan kuwo dhala natiijo midho leh oo wax ku ool ah.

Waxa dhinaca Weftiga Maraykanka Mr. Mr. Karl E. Wycoff, uu u xaqiijiyay Wasiirka in Maraykanku aad ula dhacsan yahay Hoggaanka xukuumadeed ee Somaliland, shacbi iyo xukuumadba waxqabsigooda, isagoo caddeeyay in xidhiidhka labada dal yahay mid aad iyo aad isu soo tarayay muddo dheer, lana gaadhay wakhtigii xididada loo sii adkayn lahaa iskaashiga labada wadan oo ku dhisan (Matual Interests). Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Kulamada soo socdaa ay noqon doonaan kuwo midho dhal ah.

Waxa kale oo uu Mr. Mr. Karl E. Wycoff, sheegay in joogtaynta kulamada labada dal ay noqon doonaan kuwo sii socda.
Kulankaasi waxa Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland iyo Karl E. Wycoff ku weheliyay Safiir Ku Xigeenka Safaarada Somaliland ee Addis ababa Md. Ayaanle Salaad Diiriye, Ambassador John Yates, Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Itoobiya iyo Mr. Kirk Mc Bride, oo safaarada Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Siyaasada iyo dhaqaalaha.

Wasiirku wuxuu soo gaadhay Itoobiya 2-dii bishan isagoo ka soo kicitimay Magaalo madaxda JSL ee Hargeysa, iyadoo aan hore loo iclaamin safarkiisa.”


Source: Waheen




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp