Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Friday 25 June 2010
Laba Mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Xisbiga UDUB ugu jira Golaha Wakiilada oo sheegay in ay Taageeradoodii ku wareejiyeen Xisbga Kulmiye Xildhibaanada Cali Aareeye iyo Xildhibaan C/kariim Aw Cali Shabeel oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Somaliland ayaa Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay Xildhibaanada Cali Aareeye iyo Xildhibaan C/kariim Aw Cali Shabeel oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Somaliland ayaa Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay Taageeradoodii iyo Cududoodiiba ay ku biiriyeen Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye. Labadan Xildhibaan oo ka tirsanaa Xildhibaanada Aqalka Wakiilada ugu jira Xisbiga Muxaafidka ah ee UDUB ayaa Sababta ay sidaa u yeeleen ku sheegay Xisbigoodii oo fadhiistay dhaq dhaqaaqna aan lahayn. Waxa ay labadooduba sheegeen in Xisbigu aanu ka danbayn oo aanu waxqabad yeelan wixii ka danbeeyay geeridii Xoghayihii hore ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale, oo ay ku soo hadheen kaliya Madaxwaynaha iyo ku Xigeenkiisa oo guddoomiye iyo ku xigeen Xisbiga ka ah. Labadan Xildhibaan oo Maanta Shir jar’aaid ku qabtay Hoolka Shirarka Golaha Guurtida Caasimada Hargeysa ayaa ugu baaqay Taageerayaashooda inay maalinta Sabtida ee codbixinta doorashada Madaxtooyada codkooda siiyaan Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE. Xildhibaan Cali Aareye, ayaa sheegay in uu ka mid yahay Xildhibaanada Xisbiga Udub u soo baxay hasa ahaatee aanu garanayn meel uu kaga jiro Xisbiga. Xildhibaanku mar uu ka sheekaynayay Q oyska uu ka soo jeedaa Siyaasad ahaan halka ay u jeedaan ayaa waxa uu yidhi “ Anigu reerkayagii siyaasada Xisbiga UDUB way ka soo horjeedsadeen, waxaanay ugu yidhaahdeen anaga ha noo iman adigoo UDUB cod u raadinaya, waxaan ummada reer Somaliland u sheegaynaa in Xisbigii UDUB uu nagu dul baaba’ay oo aanay maanta joogin cid ka qayb gasha tartanka doorashada.” Xildhibaan C/kariim Aw Cali Shabeel ayaa isaguna xusay in Distoorku aanu u ogolayn in ay ku biiraan Xisbi kale, hasa ahaatee, tallaabadoodani aanay ka hor imanaynin Shuruucda iyo qawaaniinta u taal Dalka Somaliland. Arintan ayaa timid iyada oo Habeenkii Xalay ahaa ay Laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Madaxwayne Rayaale ay is casileen kuna dhawaaqeen in ay ku biireen Xisbiga Mucaaridka Somaliland ugu wayn ee Kulmiye. Saciid Khadar Cabdillahi Gabileynews Reporter Hargeisa Office





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp