Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Monday 14 June 2010
Golaha Xukuumada Puntland oo Kulan Deg Deg ah Ka Yeeshay Xaalada Aamaanka

Garowe (RBC) Golaha xukuumada Puntland ayaa maanta kulan albaabadu u xiran yihiin oo aan caadi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe.

Kulankan oo uu gudoominayey madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sida warar ku dhow ay u sheegeen RBC waxaa looga hadlay xaalada amnige ee Puntland guud ahaan, iyadoo si gaar ah loogu soo qaaday dilkii maalintii dorraad bartamaha magaalada Boosaaso loogu geystey xeerilaaliyihii maxkamada gobolka Bari Col. Cali Jaamac Qalas.

Ma jirin war faahfaahsan oo saxaafada laga siiyey kulanka, hase yeeshee markii uu kulanku dhamaaday oo aan la xiriirnay xubnihii wasiirada ee kulanka ka qeybgalay ayaa RBC u sheegay in kulanka si aad ah looga dooday amaanka masuuliyiinta iyo sida looga hortagi karo dilka bareerka ah ee loo geysto masuuliyiinta dowlada.

Madaxweyne Faroole ayaa si kulul uga hadlay in ciidanka amnigu ay tahay in gacan adag ku qabtaan amniga, wuxuuna madaxweynuhu amray saraakiisha hay’adaha amniga inay wax ka qabtaan amaanka.

Intii kulanku socday waxaa qaar ka mid ah wasiiradu soo jeediyeen in la sameeyo ciidamo gaar ah oo dhar cad ah kuwaasi oo amniga magaalooyinka suga isla markaana si hoose xogta u soo ururiya, hase ahaatee ma cadda in taasi la isku raacay. Waxaa sidoo kale masuuliyiintu dhaliileen dadweynaha oo ay sheegeen inaysan la shaqeyn ciidamada amniga oo aysan soo sheegin marka ay arkaan kooxaha dilalka geysta.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta C/laahi Aswad oo RBC la xiirtay ayaa hadalkiisa ku soo koobay in la isku afgartay kulanka. isla markaana si deg deg ah loo fulin doono talaabooyinka ka soo baxay kulanka. Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo waayadanba masuuliyiinta dowlada Puntland ay hadal hayeen amaanka guud iyo sida wax looga qaban karo, waxaana dorraad xilli maalinimo ah lagu dilay magaalada Boosaaso xeer ilaaliyiihi maxkamada Col Cali Jaamac Qalas.

Ciidamada amaanka ayaan illaa hadda soo qaban ciddi geystey dilkaasi, mana jirto cid lagu eedeeyey inay ka dambeysay.





Source:RBC Radio




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp