SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Wednesday 21 July 2010
Wefti culus oo Faransiisa oo booqday maxaabiista budhcad-badeedda & Aataarta qadiimiga ee Laas-geel July 21st, 2010 Comments Off Hargeysa, (Somaliland.org)- Madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa shalay qaabilay wefti uu hogaaminayo Safiirka Faransiiska u fadhiya Djibouti Dominique Decherf. Weftigan Faransiiska ahi markii ay socdaalkaas ka soo noqdeen, waxay kulan la yeesheen Madaxweyne Siillaanyo. “Aad baanu ugu faraxsanahay weftigan ka socda dawladda Faransiiska imaantinkiisa. Maslaxadda ka dhaxaysa labada waddana waanu ka wadahadalay. Xidhiidhka labada waddana waanu sii xoojin doonaa, insha allaah.” Ayuu yidhi Madaxweynaha la doortay Md. Siillaanyo ka dib kulankoodii. Waxaana kulankaa kala qaybqaatay Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE. Weftiga Faransiiska oo shalay dalka soo gaadhay, ayaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International, waxa ku soo dhaweeyay Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska, Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee talada dalka ku guulaystay. Weftigan ayaa ka hor intii aanay kulanka la yeelan Madaxweyne Siillaanyo waxay gelinkii dambe ee shalay booqasho ku tageen Jeelka Mandheera iyo goobaha taariikhiga ah ee Degmeda Laas-geel. Isla markaana waxay Jeelka Mandheera ku booqdeen Maxaabiis u xidhan falalka Budhcad-badeednimo, kuwaasoo ay saddex xubnood oo ka mid ah maxaabiistaas kulan la yeesheen. “Saddex maxbuus ayaanu ka aragnay, saddexddaas oo aanu u dooranay da’da iyo meelaha ay u kala dhasheen. Waxaanu dooraay kii ugu da’da yaraa oo 19 jir ah, ka ugu wayn oo 45 jir ah iyo mid dhexe oo 22 jir ah. Waxaananu sidaa u samaynay inaanu ogaano cidda ay ka kala socdaan. Puntland waxaanu ka qaadanay 2 qof (kii 19 jirka iyo 45 jirka), halka ka 22 jirka ahina uu ka soo jeedo Muqdisho, kaasoo Muqdisho ka yimi 2007 waxana uu ku noolaa Boosaaso. Ilaa 50 qof oo maxaabiistaas ah ayaanu waydiinay wax dhibaatooyin ah inay la kulmaan ‘maya,’ ayay yidhaahdeen, weftiguna aad bay uga heleen,” sidaa waxa yidhi Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska. Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Djibouti oo shalay qolka nasashada garoonka diyaaradaha ee Cigaal ugu waramay Taleefishanka SLNTV, waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho hambalyaynta labada madaxweyne ee talada la kala wareegaya iyo u kuurgelista xaaladdaha dalka yaala. “Haa. Waa markii ugu horaysay ee aan imaado Somaliland tan iyo intii doorashooyinku dalka ka dhaceen,” ayuu yihi Safiirku oo intaa ku daray, “Waxaan halkan (Somaliland) u imi sidii aan ugu hambalyayn lahaa Somaliland doorashooyinkii xorta ahaa ee heerka caalami ahaa ee dhacay iyo inaan u hambalyeeyo labada madaxweyne ee talada la kala wareegaya oo aan uga hambalyaynayo natiijooyinkii soo baxay iyo siday u aqbaleen.” Safiirka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi, “Waxaan Somailand uga sidaa Dawladda Faransiiska iyo Baarlamaankaba hambalyo, isla markaana maadaama oo ay Somaliland tahay mid xasiloonideedu muhiim u tahay gobolkan Geeska Afrika, isla markiiba waanu ka wadahadli doonaa wada-shaqaynta aanu la yeelanayno.” Weftigan uu hogaaminayo Safiirku waxa ka mid ah xubin baarlamaan oo xukuumada Faransiiska iyo Baarlamaankooduba ay u soo xil-saareen soo ururinta sidii loola dagaalami lahaa ama horumar looga gaadhi lahaa budhcad-badeedda. Somaliland.org Wararka Somaliland wararkasomaliland@gmail.com Source Ogaal





Source:Ogaal




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp