Fu’aad Shongole waxaa uu sheegay in Axmed C/salaam oo mar raisul wasaare ku xigeen ka ahaa dowladii C/laahi Yuusuf uu ku jiro burburinta waxa uu ugu yeeray ‘jihaadka’ isagoo la kaashanaya ururka Ahlu Sunna taasi oo ula jeeday heshiiskii bil ka hor dalka Ethiopia ku dhexmarey dowlada ku meel gaarka iyo ururka Ahlu Sunna oo labaduba Shabaab dagaal kula jira. Fu’aad Shongole waxaa uu dhinaca kale soo hadal qaaday go’aankii dhowaan Al Shabaab ku mamnuucday idaacadaha BBC iyo VOA oo ka mid ah kuwa ay dadka Soomaalida ugu dhegeysiga badan yihiin, wuxuuna sheegay in go’aankaasi ay u qaateen si ay uga hortagaan mu’aamarad uu sheegay inay wadaan idaacadahaasi. Wuxuu ku eedeeyey Yuusuf Garaad (tifaftiraha BBC-da) iyo C/raxmaan Yabarow (tifaftiraha VOA) inay yihiin dad u shaqeeya gaalada oo dagaal kula jira Islaamka, sida uu hadalka u dhigay Fu’aad Shongole. Fu’aad Shongole ayaa taageerayaasha Al Shabaab ku gubaabiyey inay iska ilaaliyaan wax uu ku tilmaamay ‘kala qeybin’ lagu sameeyo iyo inaysan maqlin propagandada uu sheegay inay wadaan kooxaha iyaga ka soo horjeeda. Hadalka Fu’aad Shongole oo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab ugu waaweyn ayaa ah kii ufu horeeyey oo lagu gaaleysiiyo masuuliyiin hay’ado warbaahineed oo Soomaali ah. Waxaana la ogsoon yahay in Fu’aad Shngole uu ahaa ninkii sanadkii 2006 ku dhawaaqay inay diinta ka bexeen madaxdii iyo guud ahaan shaqaalihii dowlada ku meel gaarka xilligii madaxweyne C/laahi Yuusuf. Haddaba maxay adiga kula tahay?
SOMALILANDHORTA
Home
Mission
Articles
Literature
Photo Gallery
Archives
Contact us
Administration
Webmaster
Feedback
Guestbook
Audio
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
BBC 7:00
Focus Of Africa
Radio Horyaal
Radio Waaheen
VOA - 7PM
VOA - 8PM
Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI