Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, 29 April 2010
Lamaanihii Ingiriiska oo Laga Soo Kexeeyey Xarardheere iyo Al Shabaab oo Dooneysa inay La Wareegto

Gaalkacyo (RBC) Burcad badeeda gacanta ku heysa lamaanihii Ingiriiska ee ay afduubeen bishii October 2009 ayaa lagu soo waramayaa inay kala soo bexeen degmada Xarardheere oo ay horey ugu heysteen lamaanaha Paul iyo Rachel. Warar RBC ka heley dad ku sugan degaank ayaa xaqiijiyey in habeenkii Isniin ee toddobaadkan ay burcad badeedu gaari kaga soo qaadeen Paul iyo Rachel meel ku dhow Xarardheere oo ay ku heysteen ninka iyo haweeneydiisa Ingiriiska u dhashay, waxayna la tageen meel aad ugu dhow duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka dib markii ay soo safreen masaafo dhan illaa 200 KM. Nin ka mid ah dadka degaanka oo RBC ka codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa ku waramay in kooxda burcad badeeda ay go’aansadeen in lamaanaha ay geeyaan meel aamin ah oo ay ku sii heysan karaan iyagoo ka cabsaday in maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku soo siqaya Xarardheere ay kala wareegaan lamaanaha. Nin magaciisa ku soo koobay Maslax Yare oo hormuud u ah kooxda afduubka u heysata lamaanaha ayaa u xaqiijiyey RBC inay hadda joogaan meel aamin ah, isagoo intaa ku daray in go’aankan ay gaareen galabnimadii Axada ka dib markii ay ogaadeen in Al Shabaab ay degaanka ku soo wajahan tahay. Sida wararkan na soo gaaraya ay sheegayaan waxaa aad u liidata xaalada caafimaad ee lamaanaha oo horeyba u ahaa dad waayeelo ah, waxaana na loo xaqiijiyey in Paul oo ah seyga ay heyso xumad (qandho) muddo saddex maalmood ah. Lamaanaha afduubka loo heysto looma sheegin in laga soo wareejiyey degaankii lagu hayey, waxaana si kedis ah baabuur loogu soo qaaday xilli habeenimo iyagoo aan ogeyn halka ay u safreen. Ninka magaciisa ku sheegay Maslax Yare oo RBC u sheegay inuu hadda joogo duleedka Gaalkacyo ayaa ku adkeystey inasan sii deyn doonin lamaanaha illaa ay ka helayaan lacagtii madax furashada ee ay dalbadeen, taasi oo gaareysa $2.5 milyan (labo milyan iyo bar doolarka Mareykanka ah). Toddobaadkan bilawgiisii ayaa maleeshiyaadka Al Shabaab waxay siu aad ah ugu soo dhowaadeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaasi oo ah fariisinka ugu weyn ee ay burcad badeedu ka duusho isla markaana ku heysato dadka iyo gaadiidka ay soo qafaashaan. Warar aan ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in maleeshiyada Shabaab habeenimadii Talaadada ay galeen degmada Xarardheere hase ahaatee ay ka soo bexeen dhowr saacadood ka dib. Waxaana hadda ay ku sugan yihiin meel ku dhow degmada. Kooxihii burcad badeeda iyo gaadiidkii ay halkaasi ku heysteen ayaa isaga baxay xeebta Xarardheere iyagoo ka cabsi qaba in Al Shabaab ay soo weerarto. Waxaana maraakiibta ay halkaasi burcad badeedu ku heysatey ka mid ah markab laga leeyahay Libya oo hub u siday kooxda Xuthiyiinta Shiicada ee ka dagaalanta dalka Yemen. Dhaqdhaqaaqa maleeshiyada Al Shabaab ay ka wadaan degaankaasi ayaa loo maleynayaa inay daba joogaan markabkaasi hubka u sida Xuthiyiinta oo ay doonanyeen in burcad badeeda ay ka siidaayaan. Laakiin burcad badeeda ayaa markabkaasi geeey meel ku dhow xeebta degmada Hobyo oo aysan Shababku joogin ka dib markii ay ka soo carareen Xarardheere. Dhinaca kale, RBC Radio ayaa ogaaday in Al Shabaab ay dadaal ugu jirto sidii ay gacanta uga saari lahayd lamaanaha Ingiriiska ee ay afduubka u heysteen, si ay iyaga dhinacooda ugu gorgortamaan, hase yeeshee kooxda heysata lamaanaha ayaa kala soo baxsaday Xarardheere, waxaana la ogeyn sida ay ugu suuroobi karto arintaasi. Dad wargal ah oo ku sugan degaanka oo RBC xiriiro kala duwan la sameeyey ayaa ku waramay in saraakiil sare oo ka tirsan Al Shabaab ay xitaa isku dayeen in qaab wada hadal ah ay burcad badeeda uga qaadaan lamaanaha iyagoo u ballanqaaday lacag gaareysa $200,000, isla markaana lamaanaha Paul iyo Rachel ay ku wareejiyaan saraakiil sare oo ka tirsan Al Shabaab. Burcad badeeda ayaa sidoo kale Al Shabaab u balanqaaday inaaysan qaban doonin oo ay si nabadgelyo ah ku joogi doonan degaanka haddii ay ogolaadaan dalabka Xarakada Al Shabaab. Balse kooxda burcad badeeda ee afduubka u heysata Paul iyo Rachel ayaa ka diiday dalabkaasi waxayna ku adkeysteen inay lamaanaha ku siideyn dooni lacag ka yar tii ay horey u dalbadeen ee dhan $ 2.5 milyan. Waxayna arintaasi sababtay in Al Shabaab ugu goodiso burcad badeeda inay xoog u isticmaali doonto, haddii aysan u hogaansamin dalabkooda. Paul iyo Rachel oo ah nin iyo xaaskiisa u dhashay dalka Britain ayaa burcad badeedu soo qabsatay bishii October 2009 xilli ay dalxiis ku jireen, waxaana lagu soo afduubay dooni nooca dalxiiska ah oo ay lahaayeen iyagoo marayey xeebaha Seychelles. Burcad badeeda ayaa markaasi weydiistay madax furasho dhan $7 milyan hase yeeshee dowlada Ingiriiska ayaa diiday inay wax lacag ah bixiso iyadoo taasina sabab uga dhigtay inay dhiirigelin u noqon karto afduubyada ay burcad badeedu u geysteen muwaadiniinta kale. Xaamud Sheekh Xasan RBC Radio
Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp