Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, 1 April 2010
Dagaal Khasaare Dadweyne Sababay oo Galabta Ka Dhacay Waqooyiga Muqdisho Muqdisho (RBC Radio) Ugu yaraan 10 ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay 20 dad ka badana way ku dhaawacmeen dagaal galabta ka qarxay qeybo ka mid ah caasimada Muqdisho. Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada dowlada oo kaashanayey kuwa AMISOM ee jooga Muqdisho iyo kooxaha mucaaradka ayaa ka dhacay degmooyinka Shibis iyo Kaaraan ee Waqooyiga magaalada Muqdisho. Waxaana dagaalka galabta oo ahaa mid xoogan loo adeegsaday madaafiicda culus iyo taangiyo. Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii kooxaha mucaaradka ay weerareen oo madaafiic ku tuureen goobaha fariisimaha u ah ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo ay ku jiraan garoonka diyaaradaha, dekeda iyo aaga KM-4. Ciidamada AMISOM oo taageeraya kuwa dowlada ayaa gaaray xaafado ka mid ah Shibis waxaana la arkayey madaafiic ku dheceysa qeybo kala duwan oo magaalada ka mid ah. Dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ayaa ah rayid ay madaafiicda ku haleeshay guryahooda walow ay jiraan dad meelo ku dhow goobaha dagaalka ku dhintay. Dhakhaatiir ka tirsan isbitaalka Madiina oo ka mid ah goobaha la geeyey dhaawacyada ayaa xaqiijiyey in dadka la geeyey isbitaalka ay u badan yihiin haween iyo carruur ay rasaasta ku haleeshay guryahooda waxaana dadkaasi qaarkood dhaawacyadooda ay yihiin kuwo culus. Intii uu dagaalka galabta socday waxaa jiray madaafiic si aan kala joogsi lahayn loogu garaacayey qeybo kale oo ka mid ah magaalada, taasi oo sii kordhisay khasaaraha uu sameeyey dagaalka. Goob joogayaal ayaa u sheegay RBC Radio in ciidamada AMISOM ay madaafiic ku tuureen goobo uu ka mid yahay suuqa Bakaaraha iyo degaano ku dhow halkaasi oo looga shakisan yahay inay farsiimo ku leeyihiin mucaaradka. Hawlwadeenada gurmadka deg dega ee Ambulance oo ka hawlgala magaalada ayaa sheegay in meelaha dhaawacyada ay ka soo qaadeen ay ka mid yihiin degaanada Baar Ubax, Carwo Iiidko iyo Labo Dhagax, halkaasi oo ka durugsan meelaha uu dagaalku ka dhacay. Waxaa sidoo kale jira madaafiic kooxaha mucaaradku ku tuureen goobaha ay joogaan ciidanka AMISOM, walow aan la ogeyn khasaaraha au geysteen madaafiicdaasi. Dhinaca dowlada iyo ciidanka AMISOM kama aysan hadlin dagaalka galabta. Sidoo kale kooxaha mucaaradka ayaan wax faahfaahin ah ka bixin dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay. Waxaa uu dagaalku ku soo boogmay iyadoo uu galabta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ka soo degey madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka yimid dalka Djibouti.
Source:RBC Radio




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp