Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, 1 April 2010
Isbitaal cusub oo dhowaan laga furay magaalada Laascaanood. Isbitaal cusub oo dhowaan laga furay magaalada Laascaanood Laascaanood-Waxaa maanta laga furay magaalada Laascaanood isbitaalkii labaad ee ay magaaladu yeelato,isabitaalkaas oo ah isbitaal dhamaystiran oo ay yaalaan qalabka caafimaadka oo casri ah. Dr C/rashiid Maxamuud Cali oo ah agaasimaha guud ee dhakhtarka cusub ee magaalada Laascaanood oo maanta u waramay saxaafada ayaa ka warbixiyey hawlada uu qaban doono isbitaalku iyo sida loo qalabeeyey. "Waxa uu ka kooban yahay 25 sariirood oo loogu talo galay jiifka bukaanka,waxaana si khaas ah loo tixgeliyaa dumarka iyo caruurta,wuxuu kaloo leeyahay isbitaalku qaybta dhalmada(Delivery department) oo dhamystiran,oo ku qalabaysan qalab casri ah,oo uu la socdo qalabka Ultra-soundka,oo ay hirgelisay hay'ada Manhal,waxaa kaloo diyaar ah qolkii qaliinka oo ku qalabaysan qalab casri ah,kaasoo lagu sameeyo qaliimada fudud iyo kuwa fududba,waxaa isna diyaar ah shaybaar casri ah,qalabka lagu baadho xaga wadnaha oo uu ku xidhan yahay qalbka kumbuyuutarka,kaasoo si fudud u sheegaya xanuunada wadnaha,waxaa iyaguna dhowaan na soo gaadhi doona qalabka raajadii(X-ray) iyo ambalaaskii isbitaalka"Sidaas waxaa yidhi Dr C/rashiid oo ka waramaya qaybaha kala duwan ee isbitaalku ka kooban yahay "Waxaa iyana qayb ka ah isbitaalkii qaybtii bukaan socodka oo ka jooban 5 qol,oo ay fadhiyaan dhakhaatiir halkaa diyaar ku ah,farmasiigii oo isna halkaas ku yaala oo ay yaalaan dawooyin tayo sare leh,iyo weliba ilaa 15 shaqaale isugu jira Midwife,iyo kalkaaliyaal caafimaad ah(Nurses),iyo weliba sidoo kale shaqqale u qaabilsan isbitaalka arimaha dhaqaalaha iyo maamulka guud."ayuu hadalkiisa raaciyey Dr C/rashiid oo balan qaaday inay dadka reer Laascaanood ka maarmi doonaan inay gobolo kale u aadaan arimo caafimaad,oo ay labada isbitaal ka heli doonaan dhamaan baahiyaha caafimaadka oo dhan. Dr C/rashiid ayaa sheegay inay wada shaqeeyaan dhakhaatiirta kale ee ka hawlgala isbitaalkii hore ee magaalada,oo uu ugu horeeyo Dr Jirde M.Sugule oo hada hawlo dib loogu casriyaynayo isbitaalka ka wada,isagoo dhowaan ka soo guuray dhinaca Hargeysa oo uu mudo dheer ka hawlgeli jirey,isagoo iridaha u soo laabay xarumihii caafimaad ee uu ku lahaa magaalada Hargeysa,si khibradiisa uga faa'iideeyo dadka reer Laascaanood. Dr C/rshiid ayaa sidoo kale sheegay inay wada shaqeeyaan dhakhaatiirta kale ee ka hawlgasha isbitaalada Boorama,Hargeysa,Burco iyo Xamarba,iyagoo kala tashada hadba sia ugu fiican ee la isaga kaashan karo hawlaha caafimaadka.. Si kastaba ha ahaatee isbitaalka cusub ee ay yeelatay magaalada Laascaanood ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatey shacabka reer Laascaanood.
Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp