Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, 1 April 2010
Madaxweynaha Dalka Itoobiya oo ka Hadlay Doorashooyinka Somaliland iyo Argagixisadda Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, madaxweyne Sheekh Shariif iyo madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland oo kulamo gooni-gooni ah la yeeshay madax iyo masuuliyiin ka Tirsan Itoobiya Addis Ababa (Jam/ENA)- Madaxweynaha dalka Itoobiya Girma Woldegiorgis, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo iskaashiga la dagaalanka argagixisada ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Sida xalay lagu faafiyey waakalada wararka Itoobiya ee ENA, madaxweynaha wadanka Ethiopia oo shalay qaabiley wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxa uu ku nuuxnuuxday sida loogu baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Waxa kale oo madaxweynaha Itoobiya Girma Woldegiorgis ku baaqay in sare loo qaado dedaalada lagaga hortagayo falalka argagixisadda ah ee ay labada dawladood iska kaashanayaan, isaga oo madaxweyne Girma Woldegiorgis Somaliland u rajeeyey inay qabsato doorashooyin guulaysta. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa isaguna madaxweynaha Itoobiya u sheegay in Somaliland ay ka socdaan hawlo iyo dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo qabsoomida doorashooyinka, waxaanu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay xidhiidhka fiican ee ka dhexeeya Itoobiya iyo in la sii xoojiyo xidhiidhkaasi qotada dheer. Waxa warbixinta lagu faafiyey wakaalada wararka Itoobiya ee ENA lagu sheegay in dawladda Itoobiya aanay aqoonsanayn madaxbannaanida Somaliland, iyada oo intaa ku dartay in Cabdillaahi maxamed Ducaale wasiirka arrimaha dibedda Somaliland loo magacaabay 5 Augost 2006. Dhinaca kale, waxa iyaguna magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya booqasho ku tagay madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kuwaasi oo shalay halkaa ku yeeshay kulan foolka-fool ah oo ay ka shaqaysay dawladda Itoobiya. Sida uu sheegay Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah mas’uuliyiinta Puntland ee la socota madaxweyne Faroole, waxaa labada madaxweyne yeesheen wadahadal muddo saacado ah socday oo lagu soo afjaray khilaaf in muddo ah u dhexeeyey oo ka dhashay kulan ay hadda ka hor ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxa kale oo Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole intii ay Addis Ababa joogeen la kulmeen masuuliyiin Itoobiyaan ah oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibedda Mr. Seyoum Mesfin, iyaga oo ka isla soo qaaday xaalada Somaliya iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa ka midho dhalinta dedaalada nabadaynta ah ee hadda Socda. Sida ay faafisay wakaalada wararka Itoobiya, waxa madaxweyne Sheekh Shariif uu isla shalayba dib ugu laabtay Somaliya, iyada oo ay sii sagootiyeen wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Itoobiya Maxamuud Dirir iyo saraakiil ka socday wasaarada arrimaha dibedda Itoobiya.
Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp