SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Monday, Aug 10, 2010
Madaneyaasha golaha wakiilada oo maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 14 wasiir oo.. August 9th, 2010 Comments Off Madaneyaasha golaha wakiilada oo maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 14 wasiir oo ka mid ah 20-tankii wasiir ee dhawaan golaha loo soo gudbiyay:- Fadhigan maanta ee golaha wakiilada oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md C/raxmaan Maxamed Muddaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 14 wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada cusub ee uu madaxwayne Siilaanyo dhawaan soo dhisay kuwaasi oo sabtidii todobaadkan uu madaxwaynaha Somaliland u soo gudbiyay golaha wakiilada. Fadhigan maanta ee golaha wakiilada oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro) ayaa waxa ka soo xaadiray fadhigaasi 65 muddane oo ka mid ah 82-ka muddane ee uu golaha wakiiladu ka koobanyahay. Ka hor intii aan codka loo qaadinta ansixinta 14-kan wasiir waxa golaha laga hor akhriyay CV-yada 14-kan wasiir ee maanta la ansixiyay,wasiiradan oo markii la ansixinayay mid walba loo qaaday cod gacan taag ah. Cod u qaadista 14-kan ee la ansixiyay waxa uu ahaa sidan:- 1-Wasiirka Maaliyada Md. Maxamed Xaashi Cilmi, markii la ansinayay waxa goobta ku sugnaa 62 Mudane, waxaana ogolaaday 58 Mudane waxa diiday 2 Mudane, waxa ka aamusay hal Xidhibaan Guddoomiyuhuna muu codayn. 2- Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa isna fadhiyay markii la ansinayay 62 Mudane, waxa ogolaaday 58 Mudane waxa diiday 1 Mudane, waxa ka aamusay 2 Mudane, Guddoomiyuhuna muu codayn. 3-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxa fadhiyay 62 Mudane waxa ogolaaday 60 Mudane. Waxa ka aamusay 1 Mudane, 1 Mudane ayaa diiday Guddoomiyuhuna muu codayn. 4- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Md. Sacad Cali Shire, waxa fadhiyay madasha 62 Mudane waxa ogolaaday 61 Mudane, waxa ka aamusay 1 Mudane, cid diiday may jirin Guddoomiuhuna muu codayn. 5- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, waxa madasha fadhiyay 63 Mudane waxa ogolaaday 59 Mudane, waxa ka aamusay 3 Mudane, cid diiday may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn. 6-Wasiirka Gaashaan-dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami, waxa fadhiyay markii loo codaynayay 63 Mudane, waxa ogolaaday 62 Mudane, cid diiday iyo cid ka aamustaytoona may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn. 7- Wasiirka Cadaalada Prof. Ismaaciil Muumin Aare, waxa fadhiyay 63 Mudane waxa ogolaaday 62 Mudane cid diiday iyo cid ka aamustay toona may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn. 8- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxa fadhiyay 63 Mudane waxa ogolaaday 62 Mudane cid diiday iyo cid ka aamustaytoona may jirin. 9- Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, waxa goobta joogay 65 Mudane waxa ogolaaday 63 Mudane, hal mudane ayaa ka aamusay Guddoomiyuhuna muu codayn. 10-Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. C/Risaaq Ibraahim Maxamed, waxa ogolaaday 63 Mudane waxa 1 mudane ayaa ka aamusay Guddoomiyuna muu codayn. 11- Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada Maxamed Yoonis Cawaale, waxa madasha fadhiyay 65 Mudane waxa ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn. 12- Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Md. Warsame Siciid Cabdi, waxa madasha fadhiyay 65 Mudane waxa ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn. 13-Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe, waxa madasha fadhiyay 65 Mudane waxa ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn. 14- Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa madasha fadhiyay 65 Mudane waxa ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn Xigashso:





Source:Gabilay News




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp