SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Article Tuesday 3August 2010
Hogaanka la Doortay Yaa Horjoogsanaya?

Ma saaxiibkay Dr.Bashiir Goth mise ……..?

Wadanka Somaliland waxaa soo maray ilaa saddex xukuumadood oo hore. Dhamaantood wax lagu xasuusto way qabteen oo waa tilmaan lagu baadisooco.Dawladii u dambaysay ee madaxweyne Riyaale waxaa aad loogu mahadnaqayaaa doorka qiimaha leh ee ay ka qaadatey hanaanka doorashada iyo dadka oo ay u tilmaantay inaan loo baahneyn qori la adeegsado iyo naf loo qoorgooyo si maamul jira loo badalo.Waxay si fal ahaaneed hogaan ugu noqdeen in warqad lagu rido sanduuq lagu badali karo maamul jira oo dadku u sahay qaateen badalkiisa. Bishii Juun 26dii doorashadii dalka Somaliland ka dhacday waxaa ummadu hamuun u qabtay hogaan cusub oo horumar iyo aqoon wax ku xulasho u horseeda bulshada. Xataa waxay dhaguhu aad ugu dhuun dalooleen weedha ah “ laba walaalo ahina ha noqdaan wasiiree, inay xilka loo igmanayo aqoon u yeeshaan, waxqabadna laga helo”.

Weedhaa kor ku xusan waxaa aad u jeclaystay qurbojooga Somaliland, oo inta badan taageero xoog leh ka gaysatey inuu soo baxo Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo”.Waxaa kaloo odhaahdaa u riyaaqay dadkii dhulka deganaa oo baahi xad dhaaf ah u qabay waxtar iyo horumar loo jeesto, kana daalay halkudhiga ah “Yaa wasiirada noogu jira,halkeese loo dhiibay”.

Maalintii Arbacadii eey bishu aheyd July 28dii,2010 ayuu madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” ku dhawaaqay xubnihii ka mid noqonayey golihiisa wasiirada.Waxaa laga waayey xubnihii ugu sareeyey ee xisbiga Kulmiye inay ka muuqdaan.Qof kasta oo caqli lihi wuu garanayaa inaanay taasi sinaba ku suurtogal aheyn ilaa gorfeyn iyo isku tanaasul la helo.Inkastooy tiro ahaan wasiirada la magacaabey ka badan yihiin tiro talo lagu siiyey,ummadu badi u riyaaqday.Dad yidhi sheegay dhaliinana la hel.Markaad eegto duruufaha ka jira dalka, baahida loo qabo meelo badan in la awdo,iyo horumarka la hiigsanayo ayaa khasbaya in laga badiyo.

Hase yeeshee waxaa dadkii isbadal doonka ahaa ee ka xoroobay qabyaaladu markiiba ay indhaha ku dhufteen inta wajiyo cusub ku jira iyo aqoonta heerka sare ah eey leeyihiin (Phd holders). Waxaa ummadii galay ididiilo ah waa dad aqoona leh ,garanayana horumarku oo loo hawlgalaa faa’iidada ay leeyhay oo wax qabad muujin doona ee ha loona duceeyo halagana warsugo.Waxay tani caawisay in aan budka markaba lala boodin ee la laga koro caadifadii 1960kii innagu kaliftay in si fudud oo indho la’ loogu biiro dalkii Soomaaliya.

Waxaanse amakaag iyo yaab aan la anfariiray markaan arkay aqoonyahan ummada dib ugu celinaya hab doorasho oo la rabo in laga koro.Waxaan filayey in haddii dhaliili jirto ay ku koobnaato qofkaasi aqoon uma laha xilka loo dhiibay ama wasiir hebel horaa loo tijaabiyey oo ri’ waligii caano kama dhiijin.

Waxaan qoraalkan ku soo gabagabeyn lahaa wajiyo cusubna la hel,aqoona lagu ladhyee aynu waqti siino.Meel la rabo in laga korona yeynaan dib u eegin.Qoraalada didmada leh ee la qorayo inaan lagu dagdagin,mudaharaad reer ku salaysana loo hub qaadan waa tuu dalku ku caafimaado,dadkuna wax ku wada qabsadaan. Fu’aad Sh. Bahda Mareegta Farshaxan Http://www.farshaxan.com





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp