SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Monday, Aug 30, 2010
Dadwaynaha gabilay umay dooran axmed siilaanyo inuu xilal ku taxo ee waxay u doorteen inuu wax ka qabto horumarka gobolka gabiley

waan garan karaa dad badan inay is waydiinayaan yaa gobolka metelaya haddiiba aanay cid kasoo jeedaa aanay ku jirin dawlada marka laga reebo wasiirka

Dadwaynaha gabilay umay dooran axmed siilaanyo inuu xilal ku taxo ee waxay u doorteen inuu wax ka qabto horumarka gobolka gabiley.

Shakhsi xil loo magacaabo waxaa igala qiima badan gobolka oo horumarkiisa kor loo qaado.

Waxaa mahadleh ilaahay (sw) bil ramadaan ayaynu ku jirnaa waliba maalmihii u danbeeyaye ilaahay in khayrkeeda ina siiyo AAMIIN dhaha.

Waxaa maalmahan soo baxay hadalo odhanaya dadwaynaha reer gabilay oo saluug ka muujiyay xilalkii afartanka korka u dhaafay ee uu dhawaanta magacaabay madaxwaynaha Somaliland mud: Axmed Max’ed Siilaanyo.

Waxaa iska cad in wali ayna inaga bixin nidaamkii qabiiliga ah ee reer waliba doonayay inuu ka dhex muuqda saaxada siyaasada, waxaan u haystay in dadku waxoogaa qaan gaadheen (mature) lakiinse wali waxbaa u dhiman, waan garan karaa dad badan inay is waydiinayaan yaa gobolka metelaya haddiiba aanay cid kasoo jeedaa aanay ku jirin dawlada marka laga reebo wasiirka arimaha dibada , su’aashu waxay tahay wasiirka laga soo magacaabo gobolka ama DG –gu ma wuxuu wasiir u yahay ama DG u yahay gobolkii laga soo magacaabay oo kaliya mise Somaliland oo dhan ayuu metelaa? Waxaa xusid mudan in dawladii rayaale ay ku jireen masuuliyiin badan oo kasoo jeeday gobolka gabilay waxaadse is waydiisaa maxaad kaga soo hor jeesatay ee aad u dooratay kulmiye? Ma xilalka ayaa kugu yaraa mise gobolkaagii ayaa daayacnaa oo dawlad wax ka qabata ayuu waayay sidaa daraadeed ayaad uga soo hor jeesatay oo aad ku dooratay kulmiye? Muwaadin waxaa wacan inaad fikirkaaga balaadhis oo aad wax badan is waydiisid, ugu horayn waxaad is waydiisaa madaxdii gobolka gabilay kasoo jeeday ee dawladii Rayale maxay kusoo kordhiyeen gobolka gabilay, maxay ka qabteen caafimaadka, maxay ka qabteen waxbarashada, maxay ka qabteen beeraha, guud ahaan maxay ka qabteen baahiyaha kala duwan ee gobolka hadheeyay. Jawaabta adaan kuu daynaa waliba qolyahiina shiishkoodu haysto xilalka dawlada.

Maanta gobolka gabilay uma baahna in shakhsiyaad xilal loo magacaabo, dadwaynaha gabilayna uma dooran axmed siilaanyo inuu xilal ku taxo ee waxay u doorteen inuu wax ka qabto horumarka gobolka gabiley, axmed siilaanyo waxa looga fadhiyaa balamihiisii ahaa inuu baahida iyo daayaca ka muuqda gobolka wax ka qabto taasina haan dhawrno.

Aniga shakhsiyan xil loo magacaabo shakhsi kasoo jeeda gobolka gabilay waxaa igala qiimo badan gobolka oo horumarkiisa kor loo qaado, laga shaqeeyo dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, beeraha , wadooyinka, airportka iyo wixii kale ee laga qaban karaba oo ay shaqo abuurisi ugu horayso, taasi ayay dadwaynaha gabilay ugu codeeyeen xukuumada hada talada haysa taa marka laga waayo ayaa lagu canaanan karaa ama mucaaridnimo la bilaabi karaa lakin inta ka horaysa waxaan shacabka kula talin lahaa inaanay degdegin oo ayna dheg u dhegin dadka wax ma garatada ah ee dantooda iyaga oo ka hadlaya iska dhigaya qaar afka gobolka gabilay ku hadlaya macnawiyan ha u qaadan in lagu xaqirayo haddii xil lagaa siin waayay dawlada ee cadaalad iyo wax qabad ayaa ina deeqa.

Ugu danbayntii waxaan kula talin lahaa inta caqliga la saaxiibka, inta aqoonta leh iyo inta danaynaysa horumarka gobolka gabilay inay ka shaqeeyaan sidii baahiyaha gobolka ragaadiyay wax looga qaban lahaa waliba waxaa ila qurux badan in ururka horumarinta gobolka gabiley ee hada jira gacantana ku haya dhismaha dhakhtar iyo jaamacada la balaadhiyo oo la xoojiyo oo laga dhiho mid u adeega horumarka gobolka gabiley oo la xisaabtama dawlada lakin yaynaa wasiir iyo wax la mid ah u calaacalin horaynu u eednee.

Abdi yousuf kahin





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp