SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Tuesday, Aug 31, 2010
August 31, 2010 Siilaanyo oo Buriyay Balanqaadkiisii Furista Ururada Siyaasadda Madaxwayne Siilaanyo iyo Xisbiyada oo u Tafo Xaydan dib u dhigista Doorashooyinka Golayaasha

Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay kulan lagaga hadlayay waxa laga yeelayo wakhtiga doorashada golayaasha oo kaabiga inagu soo haysa kula yeeshay Madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qasriga Madaxtooyada .

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Somaliland Mud. C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse). Kaasoo lagu sheegay in ay isla qaateen in dib loo dhigo Doorashooyinka isla markaana u saaray Gudi ka soo talo bixisa mudada uu dib u dhacaasi qaadanayo

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan

“Kulan balaadhan oo maanta ka dhacay Guriga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha JSL, madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Dorashoyinku, ayaa si guud layskula waafaqay in aanay sababo badan awgood aanay suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii uu qaranku talo uga yeelan lahaa doorashooyinka goleyaasha ee kaabiga inagu soo haya, ayey madaxdu ku lafo gureen duruufta dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka, gebagebadiina waxa la isku raacay in ay madaxda sadexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ka soo talo bixiyaan wakhtiyada ku habboon iyo duruufaha kale ee ku gedaaman doorashooyinka , sida shuruucda ay badhkood qabyo yihiin.

Xubnaha ka qayb galay kulankan waxay kala ahaayeen sidan:- Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo )

  1. M/wayne ku-xigeenka JSL Mudane: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici)
  2. Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux
  3. G/ xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Mudane: siciid Jaamac Cali
  4. G/ ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax
  5. Gudoomiyaha Komoshanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed
  6. Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka maxamed axmed Xirsi Geele
  7. iyo laba Xubnood oo kale oo komishanka Qaranka ah oo kala ah
- Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil - Faarax Abiib Aadan
  1. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe
  2. G/ xigeenka Xisbiga UCID Aadan maxamed Mire Waqaf
  3. Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen
  4. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi
  5. G/ ku Xigeen Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdi Qaadir
  6. G/ ku xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan Talyanle
  7. Xog-hayaha Guud ee Xisbiga kulmiye Kayse Xasan Cige
  8. Madaxwayne ku-xigeenkii Hore JSL Axmed Yuusuf yaasiin (UDUB)
  9. Wasiirkii Hore Maaliyada Cawil Cali Xuseen Xisbiga ( UDUB )
  10. Gudoomiha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac
Talaabadan ayaa ah mid burinaysa Rajadii laga qabay in Xukuumada Siilanyo ay ka soo bixi doonto waajibaadka Dastuuriga ah ee Horyaala ee ahaa inay Doorashooyinka hadhsan Dalka ka hir galiso, isla markaana waxay muujinaysaa inay soo ifbaxayaan walaac laga qabo in Xukuumada siilaanyo fulin doonto balanqaadyadii ay ummada ugu baaqaysay wakhtigii ololaha kuwaasoo ahaa inay qaban doonto Doorashooyinka isla markaana ay furi doonto Ururada Siyaasada.

Hasayeeshee waxay arrintani u muuqataa inuu siilanyo la soo baxay balanqadyadii uu ummada u balanqadayay wax ka duwan, kuwaas oo la hadal ahayay inaanu marnaba kaga dhabaynayn tusaale ahaan Xogaha soo ifbaxaya waxa ka mid ah tuhumo is tarayay oo sheegayay inuu is hoose ugu Sheegay Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Mucaaridka ah inuu u kordhin doono wakhtiga ay sii fadhiyayaan kuraasta si uu ugu adkaysto awoodiisa Madaxwayne nimo oo ay meesha uga baxdo hadii Doorasho la qabto inay soo badalaan Xildhibaano ka soo hor jeeda taasoo caqabad ku noqonaysa, sida oo kale waxa cadaatay inay soo baxday inuu jiray qorshe hoose oo dib loogu dhigayay Doorashoyinka Deegaanka oo Sanadkii Tobnaad maraya taasoo looga baahnaa Madaxwaynaha inay noqoto in muhiimadiisa koobaad madaama oo uu labada Xisbi ee kale kaga duwanaa aragtida ah in la furo Ururada Siyaasada, taasoo





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp