Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
FAA’IIDADA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN

Hadaynu is nidhaahno ka sheekeeya fadaa,isha ama ajarka laga helaayo soomka bisha ramadaan maaha mid aynu soo koobi karnno balse wax ka mida ayaynu ka sheegi doonaa in shaa alaah,sababta aan u doortay inaan ka hadlo mawduucanna waxay tahay waayo waxa jira dadbadan oon fahansanneen faa,idada ay laydahay soomka bishani iyo ujeedada loo soomaayo sidaa awgeed ayaa qofku markuu fahmo sheega faa,idadiisa iyo waxa laga helaayo ee ajara iyo manfacaa ayuu ku dhiiranaan karaa inuu ficil la yimaado.

Hadaba faa,idooyinka bishani ay laydahay iyo fadaa,isheeda waxaa ka mida walaal.

1. Bisha ramadaan waxaa la furaa albaabada jannada waxaana la xidhaa albbaabada naarta ,sidoo kale waxaa la kantiinadeeyaa ama la xidhaa shayaadiinta,taasina waa fursad qaaliya oo loo baahan yahay in laga faa,idaysto.

2. Bisha ramadaan waxaa ku jira habayn ka khayrbadan kun habayn ,habaynkaasina waaa habaynka laytul qadriga,waana habaynkii la soo dajiyay quraanka kariimkaa markaas habaynkan camalka saalixaa ee la qabto ilaahayna kaa aqbalo wuxuu ka khayrbadan yahay camaladaad soo qabanaysay kun habayn.

3. Bisha ramadaan dadka sooman malaa,ikta ilaahay ayaa u ducaysa ilaahaynna u barida inuu u danbi dhaafo adoomihiisa sooman.

4. Bisha ramadaan alla baryiga ilaahay la baryo waxna la waydiisto waa mid la aqbalo,hadaba walaal inagoo ka faa,idaysaneena fursadaa qaaligaa yaynaan kala bakhaylin inaynu u soo ducayno ummada islaamkaa,iyo inuu ilaahay nasrigiisa u soo dadajiyo.

5. Soomka bisha ramadaan wuxuu kaa ilaalinayaa naarta inaad gashid wuxuu yidhi nabigaynii suubanaa c.s soomku waa gaashaan bimacnaa waa mid kaa ilaalinaaya naarta ilaahay

6. Soomku waa wadadii kugu ridaysay jannada wuxuu yidhi rasuuulku s,c waxaa jannada ku yaala albaab la yidhaahdo RAYAAN oo ay kagalayaan dadka soomani maalinta qiyaamaha cidkalena aanay san ka galayn iyaga mooyaane marakay wada galaan dadka soo soomi jiray ayaa la xidhaa cidkalena kama soo gasho albaabkaas jannada .

7. Abaal gudka soomka ilaaahay mooyaane cid ogi ma jirto ajarka loogu abaal gudaayo qofka soo soomi jiray ilaahay ayuunbaa qiyaasi kara sidaa awgeed ayuu yidhi rasuulku c,s isago ilaaahay inooga soo warinaaya wuxuu yidhi ilaahay xadiis qudusi,camalkaste oo uu sameeyo ina aadem isaga iska leh soomka mooyaane anaa leh anaan ka abaal marinaaya . sidaas ayuu ilaahay uugu balan qaaday qofka soo soomi jiray sababtuna waxay tahay waxay yidhaahdaan culumadu acmaasha kale oo dhan waxaa gali karta ustusnimo iyo riyaa soomka mooyaane isaga magasho ustusnimadu .

8. Soomka bisha ramadaan waxay sabab u tahay inuu ilaahay kuu danbi dhaafo oo uu ku cafiyo siduu sheegay nabigu c.s wuxuu yidhi rasuulku, qofka sooma bisha ramadaan isagoo aaminsan waajibnimadeeda ilaahay dartiinna u soomaya waxaa laga dhaafaa danbigiisii hore oo dhan.

9. Soomku wuu kuu shafeeca qaadayaa maalinta qiyaamaha erggo ayaanu kuu noqonayaa siday inoo sheegtay axadiistu wuxuu yidhi rasuulku .soomka iyo quraanku labadooduba waxay erggo u noqdaan adoonka, soomku wuxuu ku doodaa ilaahayaw waxaan u diiday adoonkan inuu wax cuno iyo inuu wax cababa maalintii markaas ilaahayaw aniga dartay ku dhaaf .quraankuna wuxuu ilaahay kula doodaa ilaahayaw waxaan u diiday inuu habaynkii seexdo markaas aniga awgay ku dhaaf ,sidaas ayay uugu shafeeca qaadaan ciddii ka soo samaysatay aduunka.

10. Gabagabadiinna xittaa soomka waxaa laga helay arima badan oo caafimaad ahaan u fiican ama wuxuu dawo ka noqday xanuuno badan sida la ogaaday markii cilmi baadhis lagu sameeyay , taasina waxay sii aakidaysaa hadalkii nabigu yidhi c.s sooma waydun caafimaadine , markaas xanuunada uu dawada ka yahay soomku way badan yihiin waxaana ka mida inuu dheefshiidka caloosha ama mishiinka caloosha ee wax ridqa siiyo awood ka ilaalisa xanuunada ,sidoo kale wuxuu soomku ka ilaaliyaa qofka xanuunada ka dhasha baruurta iyo misaanka culus sida xeedhowga wadnaha iyo dhii karka iyo xanuunada kale ee wadnaha ku dhaca , iyo xanuuno badan oo kale ayuu dawo ka yahay soomku sida lagu ogaaday cilmi baadhis imika, waxaanaad uuga noqonkartaa kitaabka maqiciisu yahay ,soomku waa mucjiso cilmiya ,oo ku qoran af carabi .waxaana qoray ,c/ jawaad saawi .ilaahay walaal bishan barkaysan khayrkayda ha ina siiyo kuwa uu naarta ka xoreeyana ha inaga dhigo. wallaahu aclam.

Abdiqaadir Aaden X. Cilmi
Hargeisa /Somaliland
jiilaani2@hotmail.com


 








 





 





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp