Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Naadiga Akhristayaasha Timacadde Oo Soo Bandhigay Buugoodii Koowaad
October 31, 2009


Naadiga Akhristayaasha ee Timacadde Readers Club, ayaa Buugoodii ugu horeeyay Habeenki Xalay ahaa ku soo bandhigay Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley. Buugan oo uu soo diyaariyay Saciid Khaddar Cabdillahi ayaa ahaa Buuga Magaciisu yahay Diiwaanka Maansada Timacadde kaasi oo uu qoray C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

Xaflada soo Bandhiga Buugan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xaliib), Guddoomiye ku xigeenka Gobolka C/rasaaq Sheekh Aden Cali, Maayarka Caasimada Gobolka Aaden Muxumed Bade, Xildhibaano ka socday Golaha Deegaanka Gabiley,Marwo Maryan C/laahi Suldaan Timacadde, Guddoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi, Masuuliyiinta Naadiga, Culimo iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Isku duwaha Naadiga Timacadde Mustafe Cabdikariin Cali (Mustafe Future) oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ujeedadii loo aas aasay Naadiga oo uu ku sheegay in ay ahayd markii ay arkeen Baahida loo qabo in Gobolka laga sameeyo Naadi ay Dhallinyaradu wax ku akhristaan kana bartaan, kuna soo bandhigaan buugaagta. Waxa kale oo uu ka sheekeeyay waxyaabaha u qorshaysan mustaqbalka in ay qabtaan, waxaanu xusay inay tartan aqooneed lagu dhiiri galinay dhalinyaradda gobolka, iyo inay Naadiga usamayn doonaan Maktab wax lagu akhirso oo ka qayb qaadata howlaha horumarinta Gobolka.

Soo Bandhigaha Buuga Saciid khaddar Cabdillahi ayaa isagu u soo bandhigay Buuga si aad u balaadhan uga sheekeeyay Taariikhda iyo Murtidii Abwaan Cabdillahi Suldaan Timacadde.

Saciid, waxa uu si qoto dheer uga hadlay Taariikh Nololeedkii Qoraaga Buuga Boobe Yuusuf Ducaale. Waxa kale oo halkaasi ka akhriyay qaybo ka mid ah Maansooyinkii uu ku caana baxay C/laahi Suldaan, sida, Gabayadii ay ka mid ahaayeen Dugsi Ma leh Qabyaaladi wax ay dumiso mooyaane, Kaana Siib Kanna Saar iyo Gabayo kale. Sidoo kale, waxa uu iftiimin balaadhan ku sameeyay Shaqsiyada Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde, isaga oo xusay in uu ahaa, Abwaanku qof aad u Maskax badan oo aad iyo aad u fikir dheeraa Dadkana aad uga horeeyay isla markaana waxyaabihii uu ka hadlayay 1960-kii maanta la arkay. Saciid Khadar waxa kale oo uu intaasi ku daray In C/laahi Suldaan uu ka baxay guud ahaanba Dadka Somalida ah meel kasta oo ay joogaan ee aanu ahayn shaqsi taagnaa heer Gobol. Waxaanu kula dardaarmay Dhallinyaradii ka soo qayb gashay in ay wax akhriyaan si ay wax u qori karaan.

Waxana ugu danbayntii halkaasi lagu waydiiyay Soo Bandhigihii Buuga oo ahaa Saciid khaddar Su’aalo aad u tiro xiiso badan oo soo jiitay dhamaan dadkii ka soo qayb galay, waxaana uu ka jawaabay dhamaan su,aalihii laga waydiiyay buuga uu soo akhriyay.

Ka hor intii aan la bilaabmin soo soo bandhigida Buuga waxa halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi ( Xaliib), Maayarka Caasimada Gobolka Gabiley Aaden Muxumed Bade, Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi waxaanay dhammaantood muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin soo bandhiga Buuga iyo qaabka wanaasan ee ay Dhallinyaradaasi u soo agaasimeen Barnaamijkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Aw Cabdi( Xaliib) ayaa sheegay in ay Maamul ahaan soo dhawaynayaan Naadiga isla markaana diyaar ula yihiin wax kasta oo karaan kooda ah oo ay u baahdaan. Diyaarna ay u yihiin in ay Markooda ka qayb qaataan Soo bandhiga Buuga.

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Marwo Maryan Cabdillahi Suldaan Timacadde oo ah Curadii uu dhallay Alle ha u Naxariistee C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) waxaanay ka warantay Taariikhdii Aabaheed iyo in uu ahaa Nin ka baxay guud ahaanba Ummada Soomaaliyeed. Waxa ay sheegtay in Aabaheed aanu qoyskiisa uga tagin wax Maal ah hasa ahaatee, uu uga tagay Magac taasi oo ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay. Waxaanay u soo jeedisay dhammaan ka soo qayb galayaashii gaar ahaan Masuuliyiinta Gobolka iyo ta Xukuumaduba in ay ku dadaalaan sidii loo waynayn lahaa Shaqsiyaadka Ummada Taariikhda ku leh. Waxa kale, oo ay u soo jeedisay in Dadkii ay ka tageena wax loo qabto.

Munaasabada bandhiga buuga oo aan hore Nooceeda Gobolka loogu qaban ayaa soo jiidatay dhamaan dadweynihii ka qayb galay iyo maamulka Gobolka oo si diiran usoo dhaweeyay Naadigan Cusub iyo barnaamijyada Aqooneed ee uu ku soo kordhiyay Gobolka.

Bandhiga buugan oo ahaa kii ugu horeeyay ee naadiga Timacadde ku qabtaan Gabiley, buugaasi oo waliba uu soo bandhigay markii ugu horeysay Nin Suxufi ah ayaa si aad u heersaraysa looga soo dhaweeyay guud ahaan magaalada Gabiley.

Ugu danbayntii waxaa Madasha Shahaado Sharaf lagu Gudoonsiiyay Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale oo isagu Qoray Buugan Diiwaanka Maansada Timacadde, inkasta oo Boobe Safar ku maqnaa balse waxaa ugudoomay Gudoomiyaha Naadiga mahdi Sh.Cabdi oo qoraagu u wakiishay inuu u gudoomo.

Musatafe Abdikariin ali (mustafe Future)
TRC Coordinator
timacaddereaders@hotmail.com





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp