XIKMADDA TODOBAADKA

 

Wareysi Balaadhan Oo Ay Somalilandhorta La Yeelatay Aw-Salla-Waat Bulsho Sawire - Qaybtii 3-aad


March 24, 2009

 

Su'aal: Gartay. Intaanad halkaa ka gudbin bal kooxdan Almadar la odhanjirrey si kooban waxoogaa iiga taataabo, da'deyda maqal un bay ku tahaye .

Jawaab: Waataan hore kuugu sheegay. Dugsiyadii dalka laga furay bilowgii 40-kii waa ragiii ka soo baxay. Dep (Waxaha), Dowlada ee kala duwan, sidey u dhanyihiin weyka shaqeyn jireen. Nolosha dalka ee guud si buuxda ayey uga muuqdeen. Masraxa intii aaney walaalaha Hargeysa soo bixin, iyagaa ka muuqday. Riwaayadihii ay matali jireen Afcarabi, Ingiriisi iyo Somaali weyku matali jireen iyada oo ay dadaalkaa hoggaaminayey Marxuum Yuusuf Xaaji Aadan, wada jir ayey Masraxa Somaliland seeska ugu dhigeen. Ciyaarta kubada cagta iyo xeegada oo sanadkii 2 goor laga qaban jirrey Somaliland, kooxaha tartamaya, ee ka kala socday degmooyinka Somaliland, aadbey uga muuqdeen, iyada oo kooxahaa kala duwan midkastaba ciyaaryahano iyaga katirsani ay ka muuqdeen .

Su'aal: Siyaasada iyada ma ka muuqdeen?

Jawaab: Bartamihii 5-aadkii amma waxoogaa kahorba markii uu xoogeystay dhaqdhaqaaqii siyaasiga ahaa ee dalku waxay bilaabeen inney kukala biiraan xisbiyadii dalka ka furmay ee u halgamayey Madaxbanaanida dalka .

Su'aal: Si dee bey hawlahaa uga muuqdeen.

Jawaab: Gudiyadii sare ee xisbiyada hoggaaminayey ayey rag iyaga kamid ahi galeen, jaraa'idkii dalka ka soo baxayey ayey noqdeen kuwii soo saarayey ee qorayey .

Su'aal: Halkeed nimankaa kaga hadhay waadigii nimankaa u shaqeyn jiraye .

Jawaab: Ma anaa ka hadhayba? Dhalinyaradii xisbiyada gashay ee firfircooneyd ayaan ka mid noqday.


(LASOCO)

 



 

 



 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].