Somaliland Horta Website Somalilandhorta

WARAR WAABSAN

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

H A M B A L Y O
March 30, 2009

Dhaam Reer Aw Yuusuf Ducaale iyo intay dhaleen dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxay hambalyo u diarayaan Caynaan Cabdi Yuusuf Ducaale iyo Afraax Yuusuf Maxamad oo ku aqal galay Lonodn bishan March 28-keedii. Labadii isku reeya ee isku raaga ee ubad khayr qaba Allah isagu daro Eebeheen haka yeelo.... Amiin Amiin!

Xaafada Yaaqshiid Ee Xamar Oo Laga Qaxayo
March 29, 2009

Shalay iyo doraad ciidamada maxaakiimta ee raacsan maamulka Sheekh Shariif iyo Meleeshida Xisbigga la magacbaxay XIsbul Islaam ayey dagaalo dhimasho iyo dhaawacba keenay ku dhexmareen xaafada Yaaqshiid. Dhaawacaa iyo dhimashadaa ka sakow, sidey wararku tibaaxayaan, waxaa ka bilaabmay xaafadaa barakac ay dadkii lafohooda la baxsanayaan. Waxaa xusid mudan in ay xaafadaasi kamid ahayd xaafadihii barakaca ka sahlanaa.

Warar Waabsan
March 27, 2009

Mudane Axmed Muuse Geedi ayaa shalay Hargeysa ka degay isagoo Gabiley ku danbeyndoona. Xaalada caafimaad ee uu ku jiro ayaa keentay dalkiisa. Waxaan Illaahay uga baryeynaa caafimaad degdeg ah.....Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha UCID, ayaa isaga oo ka hadlaya, xafladii lagu soo dhaweynayey, duulimaadyada Suhuur Airline ee Hargyesa iyo ADDIS isku xiraya, ku dhawaaqay in Xisbigiisu ogolyahay taariikhda qabashada Doorashooyinka iyo muddo kordhintaba, isla markaana guurtida ku dhiiriyey inney arrintaa dhamayso, haddey dhameyn weydana tibaaxay in ay iyadu masuul ka noqon doonto wixii ka yimaada arrintaa.

Gugii Oo Maanta 1 Ah
March 20, 2009

Maanta, markay saacadu ahayd 2:44pm (galabnimo) ayaa localtimeka Somaliland ayey cadceedu ku sugantay korka Equatorka (Khadka aduunyada kala badha ); Markaasoo gu'gii, xilli ahaan, uu 1 noqday. Roob iyo caano, doorasho xasiloonaan ku dhacda oo horseed u noqota aqoonsiga Somaliland, ayeynu Illaahay ka bariney. Aamiin

Warar Waabsan
March 19, 2009

Wasaarada Arimaha Dibada S/Land, ayaa ku tilmaamtay, war aan waxba ka jirin warkusoo baxay Haatuf oo tibaaxay in shaqaalihii Xukuumada S/Land ee tahriibayay ama doonanayey magan gelyo siyaasadeed, ay kordheen.....Cali Maxamed Yuusuf(Cali Gurey) oo ahaa nin miisaan culus ku lahaa, xisbigga Kulmiye, guddiyada qaranka ee xisbiyadana ka mid ahaa; isla markaana ahaa ragga ugu mayalka adag, markey mucaarado timaado, ayaa maanta shirjaraa'id ka sheegay in uu Xisbigii Kulmiye kabaxay. Talaabadaa uu qaaday wuxuu sheegay in ay ku kaliftay talaadii xisbiga oo shakhsiyado faro ku tiris ah gacanta u gashay iyo xisbigii oon ogaleyn in uu labada xisbi ee kale iyo Komishanka, wada hadal la yeesho si xal loogu helo qabashada Doorashada Madaxtooyada.

Warar Waabsan
March 18, 2009

Mayoro Somaliland iyo 3 nin oo matelayey ganacsi , ayaa dalka ku soo laabtay markay Diridhabe Etheopia, soo dhameysteen shirar shaqo ooy halkaa kula yeesheen masuuliyiin heer degmo iyo heer gobol ah...Weftigii Fransiiska ahaa ayaa Berbera maanta booqasho ugu baxay....Lacag ah noodhadhka $500ka ah, Bank ka Somaliland kusoo daabacay England ahna lacagta Somaliland ayaa maanta bankiga Soomaliland lagu xareeyey....Xukunkuu Madaxweynaha Madgaskaar ciidanka ku wareejiyey ayey ciidankiina ku wareejiyeen hogaamiyihii mucaaridka.

Warar Waabsan
March 17, 2009

Golaha Wakiilada ayaa bilaabay in uu si kulul uga doodo Miisaaniyadii 2009....Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) Tifatiraha Yool ayey Maxkamada Gobolka ku xukuntay 5 billood oo xadhiga markii lagu eedeeyey warbeen inuu sheegay....ShaqaalihiiCaalamiga ahaa ee lagu afduubay Waajid oo lasii daayey

Warar Waabsan
March 16, 2009

Wefti Somaliland kasocda ayaa ka qaybgalay shir ganacsi oo ka dhacay jabuuti; kaas oo rugaha ganacsiga fransiiska rugta ganacsiga ee jabuuti ay ku marti qaadeen Madaxa rugta ganacsiga somaliland iyo ta jabuuti....3 nin oo u shaqeeya UNDP iyo WFB ayaa Waajid lagu afduubay....Iftikhaar Mohamed Chaudry gudoomiyihii hore ee maxkamada saree ee Pakistan, ayaa bishan March 21 xafiiskiisii Fariisanaaya taas oo soo afjartay mudaharaad gilgiley Pakistan....Xaalada Madgaskar ayaa qasan markuu madaxweynihii tagey Qasar caasimada ka baxsan, hogaamiyihii mucaaridkuna, diidey aftidii kana codsadey Madaxweynaha in uu xilkii ka dego.

Alxisbal Islaami Oo Qayb ka ah Dagaalada....
March 15, 2009

Afhayeenka Alxisb Al Islaami ee Xamar, ayaa ku dhawaaqay, in ururkoodu, qayb ka yahay, dagaalada ay Alshabaab kula jiraan Ahlusanaanh Waljaamaca; kana socda immika agagaarka degmada Ceelbuur. Dagaaladaas oo illaa shallay socday. Dagaaladaasi waxay la xidhiidhsanyihiin, dagaalo hore oo kooxda alshabaab ay kaga itaal roonaadeen, Ahlusunnah Waljamaaca Dhuuso Mareeb iyo Guriceel; kuwaas oo ay maamulkooda immika gacanta ku hayaan Ahlusunnah waljamaaca.

Warar Waabsan
March 14, 2009

Marxuum Looshade, oo maanta xabaalaha qaranka lagu aasay Allah ha u naxariistee, iyadoo aaskiisii xoog looga soo qayb galay....Gabadh Muna layidhaa oo laga soo mustaafuriyey Mareykan ayaa Djabuuti, Somaliland iyo Somaliyaba laga diiday.....Madgasker ayaa Madaxweynaha iyo ninka mucaaridka hogaaminaya loolankoodii, halkii ugu sareysay gaadhay oo laga baqayaa in ay ciidamadu xukunka ku ruqaansadaan ama aqy xasiloonaan daro guud dhacdo.....Al Bashiir , Madaxweynaha Sudaan, ayaa aqbalay innuu ka qaybgalo shir madaxda muslimku iskugu imanayaan Qatar. adeer sax oo geli adeer 2da article midna emailkuu ku jiraa midna qarankala bax esp kulmiye kahadlaaya.

Wefti Dowladda Ingiriiska......
March 12, 2009

Wefti dowladda ingiriiska ka socda oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya kana midyahay sarkaal Wasaarada Arrimaha Dibada, ayaa ku sugan Hargeysa. Weftigu ilaa imika waxa uu la kulmay 2-da shirgudoon ee 2-da Gole, 3-da xisbi iyo dhowr urur oo rayid ah. War rasmi ah kana soo baxay weftiga majiro, laakiin waxa jira warar oranaya in weftigu ka walaacsan yahay khilaafka kulul ee ka dhex oogmay xukuumada, Komishanka iyo Kulmiye, kaas oo ku saabsan dib udhaca Doorashada Madaxtooyada.

Warar Waabsan
March 12, 2009

Dowlada Itoobiya ayaa Addis ka bilowday inney diiwaangeliso Soomaalida qaxootiga ku joogta; kuwaas oo lasiindoono card aqoonsi....Golaha Amaanka ee Africa ayaa 3 bilood u kordhiyey ciidamada AMISOM, ilaa inta golaha amaanka ee Qaramada Midoobey uu suura galinayo sidii ciidan siyaada ah loogu soo diri lahaa Soomaaliya....Madaxweyne OBAMA ayaa walaac ka muujiyey ururada madaniga ahee Daarfuur dawlada Suudaan ka eriday, markii Madaxweyne Albashiir xadhigiisa lagu dhawaaqay.

Mohamed Farah oo nuqday European Champion in Torino 2009
March 8, 2009

Orod hayan Mohamed Farah oo nuqday European Champion in Torino of Italy European indoor Atlentic 2009, Charming success, he is talented young man in United Kingdom athletic team. we are proud of him. The performance of the day belonged to Mo Farah, who sliced a huge 6.52 seconds off the British 3,000 metres record he set in Glasgow just three weeks ago, setting a new mark of 7min 34.47sec, the third fastest in the world this year, to underline his golden credentials.

Al-Shabaab...Nabiga Salla-LLaahu Calayhi Wa salam.... Lama Xusi Karo!!!!
March 5, 2009

Wararka laga helayo Kismaayo, Beydhaba, Baardheere iyo degmooyinka Alshabaab gacanta ugu jira, wuxuu ururkaasi amar ku bixiyey, in aan meel laga dhigi karin xuska dhalashada Nabigga (SCW), taas oo aqlabiyadii dadku ay liqi laadahay. Baardheere wararka ka imanayaa waxay sheegayaan Masjid ay ku cibaadeysanayeen Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca, in ciidan ururkaa xagjirka ah ka tirsani ay rasaas la dhaceen, Ahlusunah Waljamaacana ay hubka qaateen, siduu sheegay sheekh shalay u waramay VOA-da hore ururkaasi waxa uu u ugu kacay Xabaalo dummin iyo faagid.

Baladweyne Ayaa Xalay Lagu Dilay Sheekh Ahlusunna Ah!
March 5, 2009

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in xalay salaaddii cishaha ka dib dil toogasho ah loogu geystay nin sheekh ah oo ka mid ah culumada Ahlusunna Waljamaaca. Warku wuxuu intaa ku daray in magaaladu aad u kacsantahay oo shacabku gadoodsanihiin laakiin uusan isagu helin akhbaartii oo dhammaystiran. Maleeshiyada gobolka qaar haysata ayaa isku dayeysa inay dajiyaan laakiin uu hadda xaalku yahay arrin murugo iyo xasaasiyadeed.

Warar Waabsan
March 2, 2009

Warar Waabsan Taliyihii ciidanka Gini Bisaaw, xallay markii ladiley, ayaa muddo yar kadibna la dilay Madaxweynihii Gini Bisaaw....Sarakiil tiraba 50 ku dhow ayaa maanta, meydkoodii, lagu tukadey garoonka kubada ee magaalada Deka. Bangala-desh kuwaas oo ay dileen Ciidanka Xuduudku.....Lacag gaadhaysa 4billion iyo nus oo dollar,ayaa shir ay kasoo qeybgaleen, 75dawladood, loogu yaboohay dib-u-dhiska QASA.



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp