Somaliland Horta Website Somalilandhorta

WARAR WAABSAN

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

War Waabsan
July 30, 2009

Md. Xuseen Axmed Caydiid oo Xisbiga Kulmiye u qaaabilsan la shaqaynta Doorashooyinka Qaranka ayaa siday Jariidda Haatuf ku baahisey tirsigeedii 2101 ee 26kii Juulay, 2009 ayaa siidaayey tirooyinka kama dambeysta ah ee Diiwaangelinta sida ku cad shaxdan hoos ku xussan: 586,975 qof oo lagu aqoonsaday farahoodii iyo wajigoodiiba.....66,990 qof oo farahoodii oo qudha la aqoonsaday.......629,686 qof la aqoonsaday wajigoodii oo qudha.......96,787 qof oo duuduub lagu tuuray ka dib markii wajigoodii iyo farahoodii midna la aqoonsan waayay. Wadarta guud ee markaasi soo baxaysaa waxay tahay= 1,220,751 qof.

Warar Waabsan
July 28, 2009

Mrs. Clinton, Wasiirka Arrimaha Dibada ee U.S.A ayaa booqasho ku tegeysa 7 dal oo Africa.....4 Gobol oo kamid ah dalka Nigeria ayey dagaalo ku dhexmareen koox islaamiyaha oo xagjira iyo ciidanka ammaanka ee Nigeria....Bashiir Axmed Maqtal oo asal ahaan kasoo jeeda gobolka ismaamulka ee Itoobiya, haystana Jinsyada Canada, Maxkamadna lagu saaray Addis Itoobiya, kadib markii lagu qabtay dhamaadkii 2006, xadka Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya ayaa la filayaa in 1/08/2009 in xukun lagurido, isagoo lagu eedeynayo in uu ka tirsanyahay ONLF....Qoys Soomaaliya ah oo 7 qof ayaa ku geeriyooday dab qabsaday gurigey ku jireen magaalada Stockholm, Sweden Allah ha u naxariisto.

Warar Waabsan
July 25, 2009

C/laahi Xaaji Cali oo ka tirsanaan jirey barlamaanka Somalia, kuna soo noqday Somaliland, markuu cafis ka helay Dowlada Somalailand ayaa maanta xadhigga laga siidaayey, 6 maalmood markuu xidhnaa isagoo xukuumada Somaliland ay qoonsatey waraysi uu siiyey laanta Af-Somaliga ee BBCda.....Maxamuud Axmedi Najaad, Madaxweynaha Iran, ayaa maanta xilkii ka qaaday ninkuu u magacaabay ku xigeenkiis koowaad, markuu culeyskaga yimi Hogaamiyaha Guud ee Iran oo qoonsaday hadal Israel ku saabsan oo masuulkaasi yidhi....Barnaamij TV, muddadiisuna tahay 24saacadood maalin kasta , kuna hadla Afcarabiga lagana daawandoono bariga dhexe iyo waqooyiga Africa, ayey dowladda shiinuhu maanta siideysey.

Is-rasaaseyn Ka Dhacday Gabiley
July 25, 2009

Rag lagu tuhunsanyahay, in ay kamid ahaayeen dadkii ku kacay, jidad gooyadii, afduubka, dhaca iyo dilkuu ka dhashay laguna tuhmay inney ku jiraan gurri ka mid ah guryaha Gabiley ayey maanta is rasaaseyni, ka dhexdhacday, iyaga iyo ciidamada Bileyska ee Gabiley. Rasaastaasi waxa ay dhacaysay muddo ku dhow 20 to 30 daqiiqo. Dhaawac iyo dhimasho midna lama sheegin, raggii oo aan tiradooda lagarayn ayey u suura gashay in ay baxsadaan iyagoon gacanta lagu dhiggin. Gabiley iyo aagii Ceelbardaale labaduba immika wey degan yihiin, ergediina hawsheedii wey wadaa oy ku jirtaa. Odoyaasha Gabiley oo maanta kulan ku lahaa Gabiley waxa kulankoodaa kasoo baxay, talo ku wajahan sidii arrinta nabad loogu soo dabaali lahaa .

Waxkabadalka Komishanka
July 16, 2009

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya waxkabadalka xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee ay ku adkeysanayaan deeqbixiyayaashu, in uu ku wajahan yahay waxka badalkaasi, Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Kuxigeenka Komishanka. Deeqbixiyayaashu wakhtigii ay arrintaa u qabteen qiyaastii maalin baa ka hadhay. Ilahaa xogogaalkii waxa ay sheegayaan in Madaxxtooyadu u janjeedho in ay xubintii, 2daa xubnood ka mid ahayd ee madaxweynuhu magacaabay in ay bedelka xubintaa ku hawlantahay; halka Kulmiye, inkastoonu awood qaanuuniya u lahayn in uu badelo xubintuu soo magacaabay, uu mabda'a ahaan kasoo horjeedo in labadalo xubintaa uu soo magacaabay.

Warar Waabsan
July 8, 2009

Madaxweyne Obama oo soo dhamaystay booqasho uu mosko ku tegay ayaa kadib markuu soo dhamaysto shirweynaha G8 ay u bilaabmaysaa booqasho uu dalal Africa ku marayo taas oo ka bilaabmaysa Ghana. Waxaa xiiso leh in ay jiraan warar odhanaya haweeneyda Obama, inney kasoo jeedo asal ahaan Ghana......12 doctar (sagaal wiil iyo 3dex gabdhood) Oo ah dufcadii 3aad ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamicada Camuud Boorama......Interpeace oo maanta la shirtay 3da xisbi qaran ayaa u cadeysay in natiijada diiwaangelinta ay shaacin doonto ka hor 27ka July; taas oo la filayo in ay tirtirtay shaki dadka qaar ka qabeen in natiijada diiwaangelinta dib uga dhacdo.

Warar Waabsan
July 4, 2009

Sixid Iran, sida ay qortay jariidada The Guardian ee maanta soo baxday waa nin qudha ninka Maxkamada la saarayaa; kaas oo ka mid ahaa 9 qof oo safaarada ingiriiska kashaqeynjirtey oo loo xidhay wixii ka dhacay doorashada Iran dabadeed. Korea waqooyi ayaa sabtidii tijaabisay 7 Saruuq oo ridadoodu dhexdhexaad tahay (500.00km); taas oo loo qaatay inay tahay fariin siyaasi ah oo ay u dirayso America oo u dabaaldegaysa maalintii qaranimadeeda July 4th.

Warar Waabsan
July 3, 2009

Sara Palin, Badhasaabkii gobolka Alaska, iskuna rashaxday, Madaxweyne ku xigeenka Maraykan iyadoo ka tirsan xisbigga Jamhuuriga ah, doorashadii u dambaysay ee Maraykan, ayaa si lama filaana, uga degtay xilkii badhasaabnimada ee gobolkaa Alaska.....Shaqaalihii maxaliga ahaa ee safaarada Ingiriiska ee Iran ee lagu tuhmay inney qeyb ku lahaayeen qalaanqalkii ku dhacay iran, doorashadii madaxtooyada ka dib ayaa intii la siidaayey mooyee in tii hadhay maxkamad lasoo taagayaa.



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp