Somaliland Horta Website Somalilandhorta

WARAR WAABSAN

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Gaaricidii Qaza Oo Maraysa Maalintii 20-aad
January 16, 2009

Maanta waa maalintii 20aad intii ay bilowday Israel garaacida Qhaza. Dhimashadu 1000 wey dhaaftay, dhaawacuna 4000 waxbaa dheer; halka dadka barakacay lagu qiyaasay 90 000. Dhismo Qaramada Midoobey ay leeyihiin ayaa qeyb ka mida ciidamada Israel qarxiyeen. Wasiirka Difaaca ee Israel arrintaa raali gelin ayuu kabixiyey isagoo aad uga xun. Bolivia iyo Venezuela ayaa xidhiidhkii diblomaasiga ahaa u jaray Israel weerarkaa ay Qaza ku qaaday owgii. Dhaqdhaqaaqii diblomaasiga ahaa ayaa u muuqda in uu noqdo mid lagu gaadho xabad joojin.

Warar Waabsan
January 16, 2009

Guddomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Md. C/Casiis Samaale ayaa booqasho London ku tegay isagoo ka qay gelidoona shirka Kulmiye ee London.....Guddoomiyaha Xisbigga UCID Md. F.C. Waraabe ayaa Qadar Magaalada Doha booqasho ku soo gaadhey......Ciidamadii Maamulkii horee ee Hiiraan iyo ciidamada Maxkamdaha ayaa ku dagaalamay Kalabaydh. Adeer sax oo geli

Ciidamada Booliska Somaliland Ayaa Ku Guuleystay Inay Soo Furteen Macalinkii Masriga Ee Lagu Afduubay Burco
January 15, 2009

Ninkan Masri oo magacasii la yidhaa Maxamed Mustafa oo ahaa macalin wax ka dhiga dugsiyada dawlada ee Magalaada Burco ayaa muddo saddex cishaba u qafaalnaa dablay aan la garanayn. Dagaal ay ciidanka Boolisku ku qaadeen budhcadii oo ku haystay Ceeldheer meel buuralayda Burco Waqooyi kaga beegan ayey u suurto gashay in ay si nabadgelyo ah u soo furtaan. Wararka halkaa naga soo gaadhaya ayaa sheegay in budhcadii ay baxsadeen isla markaana ay Ciidanka Somaliland ay ku daba jiraan Macalinkii Masriga ahaana la keenay Magaalada Burco.

Guriceel Oo Ay Ahlu-Sunnah Wajamaaca Asshabaab
January 11, 2009

Saaka aroornimadii, weerar xogleh oo ay Alshabaab ku soo qaadeen Guriceel ayaa halkaa lagu jabiyey, iyadooy ay magaaladiina gacanta ku hayaan ciidamada Ahlu Sunnah Waljaamac iyo dadka deegaanka oo is kaashaday laanta afsoomaaliga ah ee BBCdu waxa ay sheegtay inney dhimashadu gaadhayso 30 qof oo ah dhinacyadii dagaalamayey iyo dhaawac tiro badan. Haseyeeshee Sheekh Abdirisaaq Al-Ashcari, afhayeenka Ahlusunah Waljamaaca wuxuu BBCda laanta afsoomaaliga usheegay, in dhinacooda 3dex sheekh ka shihiideen. Waxa uu intaa raaciyey 50 dhalinyaradii quluubta laga xaday oo meydkoodu daadsanyahay magaalada. Waalidiintii dhalinyaradaa dhashay ayuu ka tacsiyadeeyey geeridaa caruurtooda, Ilaahayna waxuu ka baryey kawa aan quluubta laga xadin.

Ma Leef Oo Ha Liqinbaa?
January 10, 2009

Markabkii Sacuudiga laga lahaa, Sirous Star ee shiidaalka badan siday, ayaa shalay lasiidaayey, markabkii Budhcadbadeedii haysatay, madax furasho dhan 3 million oo dollar. Markabkii markuu ambabaxay, ayey budhcadbadeedii doon aad u dheereysa kusoo beegsadeen xeebta Xare Dheere ayey dabeylo kacay doontii dajiyeen. Budhcad badeedii 5 bay badii liqday 2 wey soo dabaasheen lacagtiina inkastooy doonta saareyd markabka dushiisii ayaa lagu qeybsadey. Wax u badbaadey lacagtaa lagaranmaayo. Raggii soo dabaashey mid ka mida ayaa sheegay in doonto xawli aada ku socotey iyagoo ka baqayey in maraakiibta xeebaha ilaalisaa soo weerarto; isla markaa doonto culeys aaney qaadikarin ayaa saaraa, kadibna weyla gadoontay siduu sheegay. Waa leeleel aduunyoo/ waa lugooya doodee ma leefoo ha liqinbaa?

Warar Waabsan
January 10, 2009

Dawlada Ruushka iyo Midowga Yurub ayaa maanta kala saxeexday heshiis laxidhiidha, sidey shariikada Gaas Prom ee shidaalka Ruushka gaaska soo mara Ukraine ay sadexdooda geesood u damaanad qaadi lahaayeen in shidaalkaasi uu dalalka Yurub uu hagar li'i kusoo gaadho.....Israeal wey diidey go'aankii Qaramada Midoobey ee xabad joojinta ahaa xamaasna weli gantaalihii wey tuuraysa dhimashadu xagga Qaza 800 bey dhaaftay....Wefti 4 Wasiir iyo Afhayeenka madaxweynaha JSL ayaa u ambabaxaya Jamhuuryadda Jabuuti.

Zimbabwean Opposition Urged To Join Inclusive Government
January 9, 2009

Chairperson of the Southern African Development Community (SADC) Kgalema Motlanthe, who is also the president of South Africa, has urged Zimbabwe's opposition MDC-T to settle "outstanding issues" with the ruling Zanu-PF after the formation of the envisaged inclusive government, The Herald reported on Saturday. Motlanthe blamed MDC-T for having a "lackadaisical" attitude towards the formation of the envisaged government on Friday." The sooner an inclusive Government is formed, the sooner there can be concerted efforts by all parties to deal with a massive humanitarian crisis.

Qado Sharaf Ay Ku Kulmeen 4 Madaxweyne
January 8, 2009

Shallay ayuu Madaxweyne Bush, qada sharaf u sameeyey madaxweynaha la doortay, Mr. Obama; isaga oo isla markaa, halkaa ku marti qaaday, sadex Madaxweyne oo hore, Mr. Carter, Mr Bush iyo Mr. Clinton. Kulankaas oo kale waxaa ugu danbeeyay 1981 oo isna ay dhawr Madaxweyne iskugu yimaadeen. Mr. Obama maanta tallo aad ayuu ugu baahan yahay, dhinac kasta ha ka timaadee. Dhibaatooyinka uu dhaxlayo ayaa aad u culus gudaha iyo dibadaba. Gudaha dhaqaalihii ayaa ciir ciiraya; isagoon dibadana dhowr dagaal dhaxlaya....Garabkiisa .

SIXID
January 6, 2009

Qeybtii Labaad ee maqaalkii "Somalia maxaa ka soo dhaga weyn ?' Waxa ku soo arooray in Cumar Xaashi Qabo in baarlamaanka impigati doorto ninkii C/Yuusuf badeli lahaa. Arrintaasi khaladbey uga dhacday Somalilandhorta. Wuxuu qabaa C. Xaashi markaan dib ugu noqonay hadaladiisii, in marka isbahaysigu soo xusho xidhmihiisa baarlamanka geleya loo doorto ninkii C/Yuusuf badeli lahaa wasiirka Arrimaha dibada ee itoobiya shalay wuxuu ku dhawaaqay, in Axdi Qarameedka la dhowro uu mudada uu tilmaamayo doorashadaasu ku dhacdo baarlamaanka impigatina uu doorashadaa isagu sameeyo.

Warar Waabsan
January 6, 2009

Dhimashada dagaalka ee Qaza waxa ay maraysaa 600 oo qof halka dhaawacuna gaadhay 2700 qof. Weli lagauma guuleysan xabad joojintii.....sadex nin oo hubeysan ayaa lagusoo qabtay maygaagta oo Hargeysa koonfur ka xigta. Weli baadhid baa lagu hayaa

Gedo Oo Weli Weeraradii Kasocdaan
January 6, 2009

Ciidamadii uu hogaaminayey Bare Hiraale, laguna eedeynayey in ciidamo Ethopia ahi ay lafdhabar u yihiin, ayaa maanta qabsadey Baardheere iyo Diinsoor waxase wararku sheegayaan in ciidamadii ay la dagaalamayeen ay dabo ka wey daarteen oo ay tageen degmada Garbahaarey. Degmooyinkan ay qabsadeen ciidamadan uu Bare Hiiraale hogaaminayo wax dagaal ahi kama dhicin. Isaga oo dadka lahadlaya Barre Hiiraale waxuu ku balan qaaday inney hawsha sii wadayaan.

Weerarka Ah Iyo ............
January 6, 2009

Weerarkii afka ahaa iyo weerar celintii shalay dhexmartay Xukuumadaa UDUP oo dhinaca iyo xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Kulmiye, dadweynaha in badanbaa u aragtay, waxaan loo baahneyn. Dhibaatadii ka dhacday Boohoodle waxaa kali ah ay u baahantahay waa waxan afka qalaad loo yaqaan "Damage Control". Dhibaatadii dhacday ee suura gal matahay in Komishanka, Xukuumada iyo Xisbiyadu in ay isku dayaan in diiwaangelin laga hirgelinkaro Buuhoodle gudaheeda iyadoo laga dhaqaaqayo, qofkii aan rabani yaanu isdiiwaangelin, kii rabase yaanu ka horjoogsan, iyada oo la ilaalinayo kaa rabaa in uu isdiiwaangeliyo iyada oon laga carsha carshayn.

Warar Waabsan
January 5 , 2009

19 budhcadbadeed ah ayey ka qabteen xeebahaa soomaaliya iyo mariin biyoodka cadmeed u dhow ciidan saaraa Markab Fransiis ah.....Looraan Ukundu, Jananka falaagada ah ee ka howlgala bariga Congo ayey maanta saraakiishii ciidankiisu afganbi xilkii kaga qaaday......Dhimashada dadka reer Qaza 500 korbey u dhaaftay dhaawacuna 1500 wuu ka sareeyaa, weerarkii cirka ay Israel ku soo qaaday Qaza waxaa ku biiray weerar cirka iyo badda. Dadaalkii Diblomaasiga ahaa si xabadda lagu joojiyo laguma guuleysan ilaa immika.

Gaadmo Fullanimo Ku Dheehantahay.......
January 3, 2009

Gaadmo fullanimo ku dheehan tahay, ayaa saaka lagu dillay, markii guri daaqadiisa laga soo toogtay, Widh Widh, laba sarkaal oo katirsan ciidanka qaranka Somaliland; kuwaas oo horkacayey kooxdii hawlaha diiwaangellinta halkaa ka hirgelineysay. 2da sarkaal Allah ha u naxariistee waxay kala yihiin, Taliye Guuto Shiine Galaal iyo abaanduulo guuto Yuusuf (Ruush), oo saldhiggoodu ahaa Bali Hadhac. Gacan kudhiiglihii falkaa geystay iyo koox la socotey ooy markey tacshiiradda fureen baxsadey, wararku waxay sheegayaan in lagu raad joogo.

Warar Waabsan
January 1, 2009

4 qof oo 48kii saacadood ee ugu danbeeyay meelo kala duwan lagu kala dilley magaalada Hargeysa ayey BBCdu u eekeysiisey dilal ka dhaca xagga iyo Somaaliya, taliyaha booliska ayaa si wanaagsan uga waramey iney yihiin falal ka dhici kara meel walba.....Dadka tirsan bulshada tumaalaha ee qurbo jooga ayaa ku eedeeyay xukuumada oo ay leeyihiin 70 katisan bulshadooda ayaa gardaro lagu xidhay iyaga oo tirsanay in gardarro lagu xidhay....Waxa bilaabmay hawlgaladii lagu diyaarinayey doorashada Madaxweynaha Impegati oo ay tahay in bil dhexdeed lagu doorto......Israel weli weygaraacaysaa Qaza dhaawicii iyo dhimmashadiina sarey u sii socdaan .



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp