TACSI:
INAA LILAAHI WA INAA ILAHAY RAAJICUUN
January 8, 2009
UDUB UK oo Ummadda Somaliland u soo gudbinaya Tacsi geeridii naxdinta lahayd
ee ku timi Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale
Aniga oo ku hadlaya magacayga, ka gudiga Fulinta , Xubnaha iyo
taageerayaasha Xisbiga UDUB UK, waxaan tacsi tiraanyo leh u dirayaa Ubadkii,
Eheldii, Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan ummadda JSL ee uu ka geeriyooday
Maxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo ahaa halyey Qaran, waxaanan Marxuumka
Ilaahay uga Baryayaa inuu naxariistisa Jannada ka waraabiyo, dhamaanteen
Samir iyo Iimaan inaga siiyo.
Geerida Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale waxaan si gaar ah uga
tacsiyeynayaa dhamaan Xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB meel ay
joogaanba waxaanan ilaahay ka baryayayaa inuu samir iyo Iimaan ka siiyo.
Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale wuxuu ahaa qof wanaagsan oo qaybaha kala
duwan ee bulshada Somaliland qadariyaan waxaanu qayb Libaax ka soo qaatay
dhismaha iyo hawlaha qaranka JSL.
Axmed Naasir Xirsi Maxamed
Gudoomiyaha UDUB UK