Somaliland Horta Website Somalilandhorta

WARAR WAABSAN

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Dhamaadka May Iyo Doorshada Madaxtooyada
February 28, 2009

War ay hore u heshay Somalilandhorta oo tilmaamayey in laga yaabo, inla qabto doorashada Madaxtooyada, dhamaadka Bisha May 09 ayaa u muuqda in uu soo jeedin ahaan miiska usaara maanta, marjey 3dexda xisbi qaran iyo Inter-pece, arkey maanta shir ay albaabadu u xidhanyihiin ku yeesheen Maansoor. Waxaa xusid muddan in Komishanku Golaha Wakiilada toos ugu sheegay inaan doorashadii Madaxtooyada aan laqabankareyn 29 March, iyada oo sababtu ay tahay hawlo farsamo iyo kharashkii oo laga sugayo deeqbixiyayaasha. Wakiiladii 3 xisbi ee shirka maanta ka qaybgalay waxay lasoo tashanayaan xisbiyadoodii.

Warar Waabsan
February 26, 2009

Madaxweyne Rayaale ayaa la filayaa labadan Todobaad ee soo socda innuu London booqasho u tago; taas oo ahayd in ay dhacdo December 2008, laakiin ay qaraxyadii Hargeysa ka dhacay ay dib u dhigeen.....Dagaaladii Xamar oo galay maalintii sadexaad iyadoo maanta uu Sharmaarke kasoo degay xamar.

Sahan Isku Dhacay......
February 25, 2009

Sahan ka kala socday laba beelood, waqooyiga Gabiley iyo Baki ayaa maanta isku dhacay halkaa oo dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba gaadheen. Gurmad xoogan oo nabadeed ayaa halkaa u amba baxay maantaba, kaasoo xukuumada guurtida, madax dhaqameedyo iyo waxgarad kaleba ka kooban wax dagaal ah oo immika socdaana majiro.

Warar Waabsan
February 24, 2009

Bisha cas ee Imaaraadka ayaa Somaliland usoo dirtay 20 container oo ay dayuurad gaar ahi siddo, kuwaas oo ka kooban qalab caafimaad oo marka dhakhtarka Hargeysa lasiiyo waxa uu u baahanyahy Cusbitalada kale ee goboladana qalabkaa la gaarsiin doono.....Dagaalka ka qarxay maanta Xamar ayaa dhimasho iyo dhaawac fara badanba lahaa kaas oo ka qarxay xaafada Hodan.

Warar Waabsan
February 23, 2009

-Khilaafaadkii ka dhex oogmay Golaha Guurtida maalmihii dhawayd, xubnaha Golaha Guurtidu weyka heshiiyeen oo wey soo afjareen......Sheekh Shariif oo maanta Xamar kasoo degay ayaa cambaareeyey weerarkiui shalay ciidamada Brundi lagu qaaday ee ay ku dhinteen 11 kamid ah 15na ku dhaawacmeen kuwaas oo dhaawqcoodii loo qaaday Neirobi. Isla maanta ayuu dagaal ku dhexmarey, Xaafada Boondheere, magaalada Xamar ciidamo katirsan maamulka iyo kuwo ka tirsan Maxaakiimta kaas oo dhaawac iyo dhimashaba keenay.

GUDOOMIYAHA Komishanka Ayaa 3 Xisbi......
February 22, 2009

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ayaa 3 Xisbi, warsaxaafadeed kooban oo maanta la baahiyey, uga digey hadalada iyo dhaqdhaqaaqyada xamaadeysan ee ay maalmahan ku kacayaan, iyada oon weli lagaadhin, wakhtigii Ol olaha Doorashadu uu bilaabmi lahaa. Hadalo hore oo gudoomiyaha ka soo baxay ayaan ka madhnayn, waano uu ku waaninayey, sida warsaxafadeedka ku qoraa in ay dadka dejiyaan oo ay ka waantoobaan weeraro afka ah oo ay isweydaarsadaan taas oo laga yaabo in ay khalkhal aan loo baahneyn abuurto dalka dhexdiisa .Weli hawshii SERVERka ayaa socota oo la sugayaa nitiijadeedu .

Warar Waabsan
February 15, 2009

Madaxweyne Rayaale ayaa maanta u magamacaabay Wasiirudawlaha Arrimaha Dibada Axmed Aadan Ismaaciil oo ahaan jirrey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Guud halkuu u magacaabay Maxamed aw Cabdi Sheekh (Xirsi) Wasiiru Dawlaha Wasaarada Hawlaha Guud.....Aw Barkhadle, ayaa maanta laga furray, Warshad soo saari doonta, waxyaabaha la cabo ee fudud sidda Cola, Sprite, Apple iyo biyaha nadiifta ah.....Goobjoogayaal reer Canada ah ayaa ka soo qayb geli doona barnaamijka goobjoogayaasha caalamigga ahi kaga soo qaybgelayaan doorashada Madaxtooyada....Baraka Obama ayaa soo booqanaya Canada oo ay dadweynuhu si xooga usoo dhaweyndoonaan.

Sheekh Cali Warsame Iyo Shirka Culimada Ee Xamar
February 14, 2009

Shirka maanta uga furmay Cullimada Musaalaxada iyo Sixida Magaalada Muqdisho tiro 100 ku dhow oo cullimo Soomaaliyeed ah ayaa ka qeybgelaya. jUeedada shirkunaa waa sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa maamulka cusub iyo xoogagii kasoo horjeeday shareecadana loogu dhaqmi lahaa. Siduu Sheekh Axmed Salaad sheegaay oo ragga shirka hoggaaminaya ka mid ahi Gobolada waqooyi waa siduu hadalka u dhigaaye inuu shirka kasoo qeybgalay Sheekh Cali Warsame waxaa kalee intaa raaciyey sheekh isna reer Laascaanood ihi inuu shirkaa kasoo qeybgelay.

Warar Waabsan
February 13, 2009

Siyaasi ka tirsan Free Party oo Holland ka jira oo sameeyay Film Islaamka kasooo horjeeda ayaa London loo diiday inuu yimaado.....International Care sarkaal ka tirsan iyo nin ilaaladiisa ka mid ahaa ayaa ku dhintey gaadhii kula qalibmey tuulada Cali Xirsi deegaanka saraar.....Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke ayuu shariifku u magacaabay inuu hoggaamiyo maamulkuu madaxda kayahay.

Warar Waabsan
February 12, 2009

7 nin oo lagu tuhmay inney faraha kula jireen falal budhcad badeednimo ayaa lagu qabtay guri Berbera ku yaala iyaga iyo Qoryo , Rasaa iyo Toog ay adeegsan lahaayeen. Degdeg aa maxkamada loo soo taagay, waxaaney kasoo jeedaan dalal ay Somaliland jaarka yihiin oo aanay belaysku magacaabin.....KULMIYE wuxuu ku eedeynayaa xukuumadda inney ku jirto abaabul xilka lagaga tuurayo Gudoomiyaha Guurtida....Sheekh Mukhtaar Roobow afhayeenka Alshabaab wuxuu maanta shir jaraa'id ku sheegay in aanu lakulmin lana kulmeyn Sheekh Shariif, jihaadkana aysii wadayaan.

Dekeda Mog Oo Maanta La Garaacay
February 12, 2009

Dekeda Muqdisho ayaa saaka hoobiyeyaal lagu garaacay, kadib markii uu dekeda ku soo xidhay markab u rarnaa ciidamada AMISOM. Waxaa halkaa ku dhintay 3 ka mid ah dadka dekeda ka xamaasha 7 qof oo kalena wey ku dhaawacmeen. Waxaa halkaa lagu hakiyey shaqadii ka socotay dekeda hawlgalkaana waxaa sheegtay Alshabaab. Sida ay AMISOM ay sheegtay markabku daawooyin iyo raashin ayuu u siday AMISOM laakiin Alshabaab sida uu sheegay afhayeenkoodu waxay leeyihiin qalab military ayuu siday.

Xiisadkaoogan Bakool Iyo Dagaal Ka Dhacay Mesegeway
February 11, 2009

Warar iskasoo daba dhacaya ayaa sheegaya in Bakool, gaar ahaan Xudur iyo agagaarkeeda, ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan; kuwaas oo kala ah Alshabaab iyo ciidamadii maamulkii Beydhaba iyo Bakool ee hore u xukumayey goboladaa. Wararku waxa ay sheegayaan in xildhibaan Saransoor uu hogaaminayo ciidamada Alshabaab u diyaar garoobaya. Duqeyda gobolada culumada iyo waxgaradka ayaa ku jira sidey waanwaan uga dhexdhalin lahaayeen labadaa dhinac. Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan degaanka masegeway iyo Asshabaab oo isku dhacay, ayaa halkaa lagu dilay sarkaal ka tirsan Asshabaab iyo nin illaaladiisa ka mid ahaa.

Maxjarkii Berbera Oo La Furay
February 8, 2009

Madaxweyne Rayaale, Masuuliyiin kale oo ay weheliyaan Al -jaabiri, Madaxa shirikada dhistay maxjarka Berbera, ayaa maanta xadhigii ka jaray maxjarkii Berbera. Maxjarku wuxuu qaadayaa 350,000 neef oo adhiya, xeryihii xoolaha lagu xareynayey, meeshii daaqii iyo biyaha loo dhigayey, shey baadhkii intuba wey u dhanyihiin maxjarka. Xoolahaa lagu nasinayaa Maxjarkaa caafimaadkoodana lagu sugayaa, kadibna la siinayaa shahaadad cadeyneysa in xooluhu caafimaadqabaan. Muddo ayaa qeyb ganacsatada ahi kasoo horjeeday heshiiska xukuumadu la gashay Al-jaabiri; kaas oo u muuqday in Al-jaabiri suuqa xoolaha loo xidhay, laakiin wixii xajkii ka danbeeyay waxaa la isla gartay in ay cid kastaa xoolaha dhoofinkarto.

Murashixiinta Madxweynaha Iyo Ku Xigeenka Ee UDUB.............
February 4, 2009

Murashaxiinta Madaxweynaha Iyo Ku xigeenka Xisbigga UDUB, Shirweynihii Xisbigga UDUB oo maanta la soo gabagabeeyey, waxa loo magacaabay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweyne kuxiggeen Axmed Yuusuf Yaasiin, isla markaa iyagoo loo doortay inney gudoomiye iyo gudoomiye kuxigeen u noqdaan 5 sano ee soo socda. Xoghayaha Guud waxaa loo doortay Jaamac Yaasiin Faarax halka ku xigeenkiisana loo doortay Cismaan Garad Faarax Shirweynuhu waxa kaloo oo uu ansaxiyey, waxkabadel iyo kaabid Gudida qaban qaabadu soo bandhigtay shirweynaha. Waxa shirweynaha ka sooo qaybgalay 734 ergay iyo Marti Sharaf gaadhaysay 374 qof.



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp