Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Ceerigaabo: Raashin Loo Qaybiyey 3900 Qoysaska Baahanayaalka Ah
February 28, 2009


Lagasoo bilaabo bilihii ugu danbeeyey ee sannadkii inna dhaafay ayaa markii saddexaad maanta(Sabti) magaalada Ceerigaabo waxa ka bilawday qaybinta raashin la siinayo 3000 qoysaska baahanayaalka danyarta ee ku nool gudaha magaalada Ceerigaabo. Halka sida uu saxaafadda u sheegay sarkaal ka tirsan hay’adda waddaniga ee HAVOYOCO Mr-Qaddaafi Samriye magaalada Ceel-afweyn iyadana sidaas oo kale loo qaybiyey raashinkan 900 qoysaska baahanayaalka ah ee halkaas ku nool.

Raashinkan oo ay ku deeqday hay’adda caalammiga ah ee WFP ayna qaybintiisa fulinayaan hay’adda waddaniga ah ee HAVOYOCO ayaa isugu jira noocyo kala duwan sida Hadhuudh Misir Galleyda shiidan Saliid iwm waxyaabahaas oo dhammantood si habsami ah loo gaadhsiiyey qoysaska baahanayaalka ah ku nool magaalooyinkaas ee iyaga lagu ogaadey daraasadda hay’addan waddaniga ah ee HAVOYOCO iyagoo kaashanaya Maammulka Waayeellada Culimaa’u-diinka Xog-ogaallada iwm ay hore uga sameeyeen bulshada dhexdeeda islamarkaasna ka hor intii aan wax raashin ah loo qaybin qoysaskaas hore loo siiyey kaadhadhkooda si aanay marnaba meesha u soo gelin wax muran ama buuq oo ku timaadda habsami u socodka hawlaha xilliga raashin qaybinta.

Raashinkan ayaa ah kii ugu badnaa ee tan iyo inta la ogyahay deeq ahaan loogu qaybiyo qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan gobolka Sanaag.

Dhinaca kalena guud ahaanba qoysaskan baahanayaalka ee raashinkan loo qaybiyey iyo bulsha-weynta kale ee gobolka Sanaag ayaa si weyn hawshan samafalka ah uga mahad celiyey hay’adaha WFP/HAVOYOCO ee iyagu iska kaashaday deeqda iyo gaadhsiinta hawshan baaxadda weyn leh.


Source: Qaran News












 





 





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp