Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Dufcadii shanaad ee ka Qalinjabisay Dugsiga Sun Rice Institute oo Maanta Xaflad Loogu Qabtay Magaalada Gabiley
December 31, 2009


Dufacdiii shanaad ee ka qali jabisay Dugsiga Barashada Luqadaha ee Sun Rice oo maanta lagu qabtay Hotel Askar ee Magaalada Gabiley.

Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib), Maayarka Degmda Gabiley aadan Muxumed Badde, Maamulka iyo Macliinta Dugsiga Sare iyo Jaamacada Gabiley, Xubno ka mid ah Golaha Deegaanka,Cuqaal iyo Maamulka dugsiga Sun Rice Institute.

Furitaankii Xafladaasi waxaa hadal kooban ka jeediyay Maamulaha Dugsiga Sun Rice C/wacaab Jaamac Cumar waxaana uu si qoto dheer uga waramay Marxaladihii kala duwanaa ee Dugsigu soo maray isaga oo Xusay in Dufcadini tahay Dufcadii shanaad ee ka qalinjabisa Dugsigani.

C/wahaab waxa uu aad u dhiiri galiyay Ardaydii halkaasi ka qalinjabisay iyo Dadaalka ay muujiyeen waxaana uu ku booriyay inaanay maanta wax barashadii halkaasi ku dhamaynin balse ay tani tahay furihii aqoonta, waxa kale oo uu sheegay in ay waalidku ka war hayaan Ubadkooda.xidhiidh joogto ahna la sameeyaan Macalimiinta.

Maamulaha Dugsigu waxa uu sheegay in Dugsiga maanta ay ka qalin jabiyeen 35 arday kuwaasi oo ka qalin jabiyay Luqada Ingiriisiga, halka qaar ka mid ahi ay ka qalin jabiyeen Waxbarashada Dadban.

Waxaa isaguna Xafladaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) waxaanu mahad naq balaadhan usoo jeediyay Maamulka iyo Arday Dugsiga Sun Rice, isaga oo hanbalyeeyay Ardaydii maanta dhamaysatay Luqada Ingiriisiga.

Xafladaasi oo ay dadwayne badani ka soo qayb galeen waxaa hadalo ka soo jeediyay Maayarka Gabiley, Kormeerka Waxbarashada Gobolka, Xildhaano ka tirsan Golaha deegaanka Gabiley, waxaanay Dhamaantood ku dhiiri galiyeen Ardayda ka qalin jabisay Dugsiga inay Waxbarasha halkaasi ka sii wadaan. Iyo halkaasi uga soo jeediyay Dardaaran iyo Talooyin wax ku ool ah.

Dugsiga Sun Rice oo ka mid ah Dugsiyada Luqadaha lagu barto ee Gobolka Gabiley ayaa inta badan ay aad ugu xidhan yihiin Ardayda Gobolka Gabiley, Dugsigaasi oo Maamul ahaan lagu tilmaamo inuu aad uheer sareeyo tayada Macalimiinta iyo Qaabka uu waxbarashada u bixiyo.


Source: Gabiley News




 





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp