Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Somaliland Iyo Sannadka Cusub
December 31, 2009 - Qoraalkii: A. Y. Dualeh


Sannadkan tegay haraatidiisa iyo kan soo socda herdidiisa ladaba Allah ha inaga badbaadiyo. Aamiin. Waxba yeynaan dibugu noqon wixii sanadkan ina soo maray. Dhib kasta aynu soo mara e, gaar ahaan xagga siyaasada, kasoo doogney, bal aynu isku dayno in aynu eegno, arrimaha sannadkan cusub in aynu waajahno dhinnaca geedi socodka dimmuqraadiyada, arrimahaas oo sida muuqata dhowr ah, arrinkastaana culeyskeeda leedahay.

Doorashada Madaxtooyada ayeynu immika hawlaheeda faraha komishankii kula jiraa halkey mareyso hawshaasi immika waa sixiddii xoggtii ku jirtey Serverka . Mudadey arrintaasi qaadanaysaa waa gacan uurkujirta . Waxeynu Ilaahay ka baryeynaa, in ay muddo macquul ah kusoo gebegabowdo, kadibna Komishanku cayimo taariikhda coddeynta doorashadu dhacayso. Waxa kale oo aynu Illaahay karajeyneynaa in dhinacyadu dhamaan ogolaadaan natiijada sixida Serverka.

Doorashooyinkii dowladaha hoose ayaa iyaguna inna sugaya. Bishan December ee maanta dhamaatay 14keedii ayey ugu buuxdaa 7 sanno Dowladaha Hoose ee maanta Somaliland ka dhisan; kuwaas oo doorashadoodu ahayd 14kii Dec 2002 laba sanno eyey mudadoodii sharcigga ahayd dhaafeen taariikh umudeysan doorashada dowladaha hoosana ma xusuusni. Miyaaney aheyn in wax inooga yaalaan doorashadaa dowladaha hoose wakhtigga la qabanayo? Waxa ay iigu muuqataa arrintaasi tu aynu fudeydsanay oo aynaan qiimahay ku lahayd geedi soccodka dimuqraadiyadeena qadarin. Kafurmeyso arrintaasi in lagudo galo oo loo mudeeyo wakhti ay doorashadaasi ay dhacdo sanadkan aynu ku jirno.

Golaha Guutido, arragtideyda waa mid aan laga maarmi karin. Qaabka loo yaqaano"Presidential System" Ee Madaxweynuh Fullinta hogaaminayo ayaa laba Aqal oo xeer Dejineed u baahan si ay isku saxaan, dhidibadana ugu aasaan Maamulka iyada oo ay sidaa tahay ayaa mudadii Golaha Guurtidu ku egtahay bishan May ee sannadkan beri bilaabmaya. Xeerkii laggu dooran lahaa Golaha Guurtidu diyaar maaha. Runtii maba jirro waxaa ina seegay, xukuumada, xeerdajjin iyo xisbiyaba in 4tii sanee tegay ladiyaariyo lana ansaxiyo xeer laggu doorto xubnaha Golaha Guurtida. Ma laga gaadhsiinkaraa, bisha May, sannadkan, ka hor in xeerkaa diyaar lagga dhiggo oo ay golayaashu ansaxiyaan? Ma filayo. Muddo kordhin cusub oo guurtida ah ayaa afka soo kala haysa waxaan soo jeedin lahaa, kol hadduu dastuurku dhiggayo, in mudada guurtidu sannad ka danbeyso muddada Golaha Wakiilada muddada Golaha Wakiiladuna ku egtahay 29 Sep 2010 in la isla eego in Golaha Guurtida loo kordhiyo muddo ku eeg 29 Sep, 2011, mudadaa dhexdeedana la diyaariyo lana ansaxiyo xeerkii lagu dooran lahaa Golaha Guurtida dad badan ayaa ka sasi soo jeedintaa, laakiin markaan rogrogay, anoo aminsan in guurti loo baahan yahay taladaa wax dhaama waan garran waayey.

Doorashadii Golaha Wakiilada ayaa iyana sanadkan beri bilaabmaya wakhtigeedii joogaa oo ay Sep 2010 shantii sanno kaga buuxdaa waxaa Illaahay mahadii ah xeerarka Doorashada Madaxtooyada, dowladaa hooseniyo Golaha Wakiiladuba waa diyaar oo hore ayeynu ugu dhaqanay markaa su aasha ina hortaalaa waa 3dex doorasho sannadkan ma qabankaraa? Aynu qabanee kharash ma u haynaa? Deeq bixiyayaashuse 3 doorasho ma maalgellinkaraan jawaabaha su'aalahaa aniga oo akhristaha u daayey waxaan qabaa 3 doorashaba in la qabtaa sannadkaa ha la israaciyo dooroshooyinka Madaxtooyada, Dowladaha Hoose iyo Gollaha Wakiilada. Amma 2 ha laga dhiggo oo Madaxtooyada iyo dowladaha hoose ha la is raaciyo Madaxtooyada inta gaarloo qabto doorashadda Golaha Wakiilada iyo Dowladaha Hoose ha la is raaciyo.

Gabagabo, haddeynu dadaalo danta guudna aynu eegno, dareenka xisbinimana sarre uga kacno muujinana niyad samaan iyo mideysnaan, waxaan qabaa in aynu qancinkarro dadka daneeya, Dimuqraadiyada Somaliland iyo dadweyneheenaba. Doorasho ayaa inna daashatey oo inna wareerisay. Mar uun aynu 5 sanno oo is xigta ka nassano oo aynu danaheena kale ku foofno; isla markaana barano in haddii doorasho kasta aynu mudadeeda qabano aynu nolol caadi ah oo aanu saameynin buuq dooroshooo joogta ahi noolaan karro.

Qoraalkii: A. Y. Ducaale
 





 





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp