Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Shirjaraa'id Oo Ay Maanta Ku Qabteen Gudida Bacadlayaashu Xafiiskooda Magaalada Gabiley
December 29, 2009


Xubnaha gudida bacadlayaasha ayaa maanta shir-jaraa,id oo ay kaga waramayaan warar maanta Wargayska Jamhuuriya baahiyay ku qabtay xafiiska gudida bacadlayaasha ee gobolka Gabiley.

shirkaasi jaraa,id ayay gudida bacadlayaashu kaga xog warameen taariikhdii sooyaalka ahayd ee dhulka danta guud ee bacadluhu dagan yahay lahaa, shirkaasi jaraa,id oo ay u dhanaayeen dhamaan xubnaha ganacsata suuqaasi ayaa waxay qoraal dheer usoo gudbiyeen warbaahinta kala duwan ee dalka.

gudida bacadlayaashu waxay beeniyeen oo ay ku tilmaameen been cad oo aan geed lagula soo gabanayn warbixin uu inanka yar ee dhulka danta guud ah damacu ka galay ku sheegay wargayska Jamhuuriya in ay waxa alla waxa warqado ee uu sitaa uu yahay been-abuur marka laga reebo warqada uu wasiirka ka sito, oo wasiirkana uu ku khalday warqadaha been abuurka ee uu sito.

sidoo kale waxay shirkaasi jaraa,id kaga warameen taariikhda sooyaalka ah ee uu suuqa bacadluhu lahaa, waxaana ka mid ahaa hadaladii gudida bacadlayaasha "hadaan kaaga waramo taariikhda bacadlaha gabiley, waxaa goobtan loo aqoonsaday inay noqoto dhul danguud ah sanadkii 1972dii, taasi oo laga dhisay sariibada hilibka, hadhuudhka, caanaha iyo bacadlaha. waxaa sidoo kale isla sanadkaa loo aqoonsaday dhul danguud ah meelaha ay ka midka yihiin baanka dhexe, dawlada hoose, saldhiga booliiska, iyo goobo kale oo faro badan. waxaa kale oo la cadeeyay in ninka dhulka sheeganaya iskadaaye awowgiina aanu waxba ku lahayn meeshaasi.

markii burburku dhacay ee dalka dib loogu soo noqday ayaa dawlada hoose ee Gabiley ku dajisay sifo sharci ah, isla intii loogu talo galay in laga dhigo bacadlayaasha sanadkii 1996kii. intii ka danbaysay waxaa ganacsatada suuqani dagan oo ka badan shan boqol oo meheradood laga qaadi jiray ilaa hadana laga qaadaa cashuuraha kala duwan ee dawladu qaado, waana goob ilaa hada dawlada hoose iyo shacabka reer gabileyba u aqoonsan yihiin inay tahay dhul danguud ah.

bacadlayaasha Gabiley oo ku yaala badhtamaha magaalada ayaa ka qaybqaata bilicda iyo quruxda magaalada, waana il ka mid ah ilaha dhaqaalaha ee gobolku ku faano, waxaa kale oo ay qayb laxaad leh ka qaataan barnaamijyada horumarinta gobolka iyo amnigaba".

dhanka kale gudida ayaa usoo bandhigtay saxaafada cadaymo sheegaya in dhulkani yahay dhul danguud ah, oo maayaradii kala danbeeyay ee magaalada Gabiley soo maraa ku caddeeyeen in dhulkani yahay dhul dan guud ah oo bacadlaha la siiyay, cidda ka hadashaana ay tahay cid xaalad abuur ah.
waxay gudida bacadlayaashu sheegeen in hadalada dhaleecaynta ee ay warbaahintu sheegtay aanay u sheegin sidii ay u yidhaahdeen, oo waxyaabo faro badan oo ayna sheegin lagu daray, ayna hayaan hadaladii iyo cajaladii laga duubay shirkii jaraa,id ee hore.

"waxaan hada leenahay wasiirka arimaha gudaha ee qaranku waa wasiirkayagii, wuxuna naga mudan yahay qadarin iyo ixtiraam dheeraada, wasiir wadar iyo waaxid midkee la qaadan karaa, waxay anaga nala tahay in wadarta ay ka mudan tahay waxwalba. waxaananu talo ku talinaynaa inaad waraaqaha ay maamulada kala duwan ee gobolku qoreen ku qanacdo, oo aanad qaadan warqadaha been abuurka ah. waxaananu mar labaad iyo mar sedexaad leenahay wasiir waxaa lagugu khalday warqado been abuur ah". waxay ka mid ahaayeen hadaladii gudida bacadlayaasha ee shirka jaraa,id qabtay.

Arinta muranka mulkiyada dhulka ay bacadlayaashu dagan yihiin ayaa noqotay mid joogto ah, oo mararka qaar gaadhay in hub la iskula boxo, ayna joojiyeen khasaarihii halkaa ka iman lahaa ciidamada booliska ee magaalada Gabiley.

Xubnaha Gudida Bacadlayaasha.

1. Cali Jaamac Rooble (Gudoomiye)
2. Cismaan Muxumed Xasan
3. Faysal Xuseen Yays (xubin
4. Shucayb Maxamed Muuse (xubin
5. Ibraahin C/laahi Xagaa (xubin)
6. Muxumed Xuseen Xasan (xubin)
7. Cabdi Wali Axmed (xubin)
8. Maxamed Odawaa Bulaale (xubin)
9. Axmed Cabdilaahi Cismaan (xubin)
10. Daahir Daa,uud
11. Cabdi Xasan


Source: Gabiley News






 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp