Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muxuu Ka Yidhi Safarkiisii Maanta Ee USA
December 27, 2009


Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta socdaal ugu ambo-baxay wadanka Marayanka.

Ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa ayuu Axmed-siilaanyo xog-waran ku saabsan ujeedada socdaalkiisa ku siiyay saxaafada.

“Maanta waxaan u ambobaxayaa dalka Itoobiya, halkaana waxaan rajaynayaa inaan uga sii gudbo dalka Maraykanka, socdaalkaygani waxa uu daaran yahay, iyada oo aan safarkaa dibada ugu baxayo ku rajo waynahay inaan la kulmo rag badan oo daneeya dalka Somaliland nolosheeda iyo mustaqbalkeeda, waxanaan la kulmi doonaan qurba jooga reer Somaliland, dawlada Maraykanka iyo cidii kale ee aan u arko inay maslaxad u wadaan Somaliland qadiyadeedana gaadhsiino.

Taageerayaal badan oo aanu ku leenahay dibada ayaanu iyagana gaadhsin doonaa istiqaalada xisbiga” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye. Intaa ka dib ayaa war-fidiyeenadu halkaasi ku waydiiyeen su’aalo la xidhiidha safarkiisa, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyay Axmed-siilaanyona waxay u dhaceen sidan;

S: Beryahan dambe xisbiga kulmiye waxaad wadeen olole la xidhiidha xoojinta siyaasadiina arrimaha dibada, si qoto dheer ayaad adigu uga hadashay xidhiidh aad rabtaan inaad la yeelanataan dawladaha Jaarka, gaar ahaan Itoobiya, iminkana Maraykanka ayaad tagtaygsaa, dadka qaar waxay leeyihiin siiilaanyo waxa uu isku diyaarinayaa kursiga?

J: Xisbi baanu nahay, doorashana waanu u diyaar-garoobaynaa, fariintayada ayaanu dunida gaadhsiinaynaa, in aanu xidhiidh la yeelano siyaasada xisbigana u sharaxno dawladaha dadyawga iyo dawladaha dunida ayaanu rabnaa.

S: Warbaahinta qaarkood ayaa qorayay in xisbiga kulmiye uu ka jiro khilaaaf ah inay masuuliyiinta qaar gaadheen inay yidhaahdaan waanu iscasilaynaa, muxuu yahay muranka idin soo kala dhex-galay?

J: Aniga iyo dadka aanu iska soo horjeedno dacaayadahoodu naguma yara, xisbiga kulmiye wuu isku duuban yahay xoog wayn yahay wax khilaaf ah oo na dhexyaalaana ma jiro.

S: Waxaad sheegtay in aad la kulmayso jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan ee Maraykana iyo dawlada lafteeda, markaa ma booqasho ayaad ka heshay dawlada Maraykanao oo cid baa kuu qorshaysan inaad la kulanto, mise waad daydayaysaa marka aad tagto cida aad la kulmi doonto?

J: Way qorshaysan tahay cida aan la kulmayaa, woo marti qaad rasmi ah ayaan haystaa, waxa ka mid ah cida aan la kulmayo dadka daneeya Somaliland iyo doorashadeeda waxa ka mid ah horumarinta iyo ictiraaf raadinta Somaliland waxyaalaha aanu kala hadlayno iyo taageerada doorashooyinka.

S: Ilaa hada wax xog ah oo rasmiya oo la hayaa ma jirto markaa maxaad la carcaraysaan?

J: Wakhtigaas ayaa doorashadii dhacaysaa cid odhanaysaa ma jirto balse gudidii iyo dhaqaale keenayaashii iyo wixii oo dhan hawlihii way socdaan oo waynu u daynaynaa wanaan ku kalsoonahay inay komishanku si wayn hawhsoodii ula socdaan

S: Qaramada Midoobay cuno-qabatay ayay ku soo rogeen wadanka Erateriya, kulmiye ahaan sideed u aragtaan?

J: Horta inagu dunida xidhiidh aynu la leenahay ma jirto, xuduudna lama wadaagno, ganacsi inagama dhaxeeyo dabcanse geeska ayaynu ku wada noolahay waxa ka dhaxeeya Qaramaada Midoobay waa wax iyada u taala inagase wa xina saamaynaya maaha.



Source: Somalilandpress












 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp