Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Koob Loogu Magacdaray Timacadde University Oo Ka Bilaabmay Gabiley Stadium
December 26, 2009

Maamulka Gobolka Gabiley ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray tartan kubada cagta ah oo ka furmay Gobolka gabiley kaasi oo ay ka qayb gali doonaan sideeda kooxood heerka Labaad ee gobolka Gabiley, koobkaasi oo loogu magac-daray jaamacada gobolkaasi ee Tima-cadde ayaa waxaa Maalgalisay Shirkada Dollar Store, fulintiisa ay lahaayeen Ururka Waayo arag.

Xaflada Furitaanka Tartankaasi oo si heersare ah loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo qayb Maamulka Gobolka Gabiley, Maamulka Degamda, Taliyaha Qaybta, Maamulka Shirkada Dollar Store, Ururka Waayo Arag, Kooxaha Heerka Labaad ee Gobolka Gabiley iyo marti sharaf kale oo aad utiro badan.

Badhasaabka Gobolka Gabiley, Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu Mahadnaq balaadhan usoo jeediyay shirkada Dollar Store iyo Ururuka waayo arag ee iska kaashaday fulinta koobkan loogu magacdaray Jaamacada gabiley.

Badhasaabku waxaa uu sheegay in ay Dhawaan Furi doonaan xafiiska Ciyaaraha ee Gobolka isaga oo Xusay in ay dhigi doonaan koobka xiga kan manta.

Maareeyaha Guud ee shirkada Maal-gelisay Tartankan Dollar Store, Mr. Deeq Cabdi Axmed oo ka hadlay furitaankii tartankaasi ayaa ciyaartoyda ku wargeliyay inay shirkadoodu u samayn doonaan kooxaha Somaliland ka ciyaara diraysyo u gaar ah oo aan ahayn kuwa ay ku ciyaaraan kooxaha caanka ah ee dunida.

Mr Deeq waxaa uu sheegay inay maamulka Gabiley kala tashan doonaan Calaamada Gobolka iyo Qaabka loogu samaynayo diraysyada ay ku ciyaari doonaan, waxaanu xusay in ay manta tahay bilaw balse ay halkaa ka sii anba qaadi doonaan.

Maayarka Gobolka Gabilay Aadan Maxamed Badde ayaa sidoo kale isna munaasibadaasi kula hadlay ciyaartayda ayaa ku dhiiri galayay inay muujiyaan Ciyaar wanaag iyo Akhlaaq suuban isaga oo kala dardaaramay Magacyada Ajaanibka ah ee la baxayaan.

Maayar Badde waxaa uu xusay in uu jeclaan inay iyaga laftoodu ka qayb galaan Ciyaaraha Noocan ah si ay udhiiri galiyaan Da,yarta ugana joojiyaan kuwa balwadaha ku jeeda inta badana wakhtigooda galiya.

Waxaa isaguna Kaladii Furitaanka halkaasi ka yidhi Tiyaha Qaybta Maxamed Faarax oo Mahadnaqay dadkii soo abaabulay hawashan, waxaanu kala dardaamay dhalinyarada inay ilaaliyaan Nabadgalyada, Anshax wanaaga, iyo Isu tanaasulka.

Taliye Maxamed Faarax waxa uu ku dhiirigaliyay dhalinyarada inay ilaashadaan Akhlaaqdooda iyaga oo ilaalinaya midkoodba midka kale.

Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Gabiley Nuur Sagaale ayaa isaguna uga Mahadceliyay Shirakada dollar store koobkan ay ugu magacdareen Jaamacada Gabiley, waxaanu Xusay in soo dhawaynayaa Cid kasta oo kala qayb qaadanaysa Horumarinta Ciyaaraha Gobolka Gabiley.

Ugu dambayntii, waxa halkaasi ciyaar aad u xiiso badani ku dhex-martay labada kooxood ee Timacadde iyo Heego, ciyaartaas oo ku dhamaatay barbar-dhac 1-1.

Tartankan oo ay ka qayb galayaan kooxaha Heerka labaad ee Gobolka gabiley kuwaasi oo kala ah: Naadiga Heego, Naadiga Timacadde, Naadiga FC Niil, Naadiga Cadho, Naadiga Sooyaal, Naadiga Gaashaan, Naadiga dhoobo, Naadiga Lion.

Koobkaasi iyo sida ay udhacaan Ciyaaruhu kala soco Maalin walba Shabakada Wararka ee Gabiley News oo heegan u ah Raali galinta Da,yarta Ciyaaraha xiisaysa.
 

 


Source: Gabiley News






 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp