Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Madaxwaynaha Somaliland oo Marti Qaad Ka Helay Boqortooyada Sucuudiga Arabia, Todobaadkana Lagu Wado
December 26, 2009


Madaxwaynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay in uu marti qaad rasmi ah ka helay boqortooyada Sucuudi Arabiya, waxaana la filayaa in uu booqashadiisii ugu horaysay ku tago dalkaasi todobaadkan. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka boqortooyada Sucuudiga marti qaadka ay boqortooyadu u fidisay waxaa ka shaqeeyay wafti wasiiro ah oo ku sugan dalka Sucuudiga oo ka kooban ama kala ah Wasiirrada Madaxtooyada, Diinta iyo Awqaafta iyo Duulista iyo Hawada, oo gudashadii waajibaadka xajka u tagay dalka Sucuudiga, waxaana ku taageeray Ganacsadaha Carbeed ee Aljaabiri oo isagu suuro geliyay in xoolaha Somaliland ay tagaan dalkaas.

Waa markii ugu horaysay ee Madaxwayne Somaliland ahi uu baaqasho ku tago dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii. Waxaanad moodaa in xidhiidhka Somaliland iyo Sucuudi Arabiya waji cusbi u furmayo tan iyo intii xoolaha Somaliland loo furay Sucuudiga.

Wadanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa ah wadanka ugu wayn mandaqadaas, isla markaana ah wadanka shidaalka ugu badan soo saara ama dunida u dhoofiya, door muhiim ahna ku leh golayaasha caalamka, isla markaana wax wayn ka tari kara qadiyada madaxbanaanida ama ictiraafka Somaliland haddii uu u soo jeesto.

Dalalka Carabta ayaanu jirin xidhiidh fiican oo Somaliland la leedahay, hasa yeeshee wixii ka danbeeyay socdaalkii uu madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku tagay dalka Isu-taga Imaaraatka carabta waxa si wayn isu soo tarayay xidhiidhka Somaliland iyo Carabta sanadkan dhamaanaya ayaa bilowgiisi Madaxweyne Rayaale marti qaad ka helay dawlada Kuwait, halkaas oo kulan guul ku dhamaaday uu la yeeshay xiligaa amiirka dalkaas.

Warkan oo aanu ka soo xiganay wargeyska Maalmaha ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ma sheegin wax war ah oo dhinaca xukuumada somaliland ka soo baxay oo arintan ay kaga hadlayaan, hasa yeeshee waxa uu wargeysku intaa ku daray in Madaxweynuhu todobaadka soo socda safar ugu bixi doono dalka Sucuudiga, lana kulmi doono masuuliyiin dalkaas ka tirsan.

Xiligan ayaa waxa sucuudiga ku sugan xubno ka mid ah golaha wasiirada oo uu ka midyahay wasiirka duulista iyo hawada mudane Warancade iyo wasiirkii aqaafta iyo wasiirka madaxtooyada iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga, kuwaasi oo baryahanba xagaasi kulamo isdaba joog ah ka galaayay.

Madaxweyne Rayaale ayaa hore u booqday dalalka Imaaraadka, Yemen iyo Kuwait, socdaalkani la shaaciyay ee aan ilaa hada la cadayna hadii uu rumoobo waxa uu noqonayaa socdaal mihiim u ah xukumada Somaliland iyada oo labada shicib ee Somaliland iyo Sucuudigu ay leeyihiin xidhiidh aad u qoto dheer.


Source: Qaran News





 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp