Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Gudoomiyaha Kulmiye Ee Degmadda Tog-wajaale Oo Beeniyay Warar Ay BBC'du ka Faafisay Oo Sheegaysay In La Xidhay
December 22, 2009


Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-wajaale Maxamed Caantaynle, ayaa Caawa beeniyay in isaga la xidhay, waxaanu ku tilmaamay war aan sal iyo raad toona lahayn, kooxo sheegtay magaca xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-wajaale kuwaasi oo damacsanaa in buuq iyo falal amni darro ah inay ka ridaan magaalada Tog-wajaale.

Maxamed Caantaynle Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Tog-wajaale oo xalay u waramayay Maandeeq waxa uu intaasi ku daray inay maalmahan danbe ashkhaas dano gaar ah leh ay isku dayayeen inay dantooda gaarka ah ay u adeegsadaan magaca xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay inay kooxahaasi aanay haba yaraatee shaqo ku lahayn laanta xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-wajaale balse ay ahaayeen koox ay qaraabo yihiin Maayarkii Wajaale ee la beddelay dhawaan kuwaasi oo maleegayay rabshado iyo buuq, waxaase la yaab leh magaca xisbiga ee ay isku dayeen inay adeegsadaan, taas oo ah mid xaqiiqada ka fog in la yidhaahdo laanta xisbiga Kulmiye ee Degmada Wajaale ayay kooxdani ahaayeen waana gaf badheedh ah oo uu ka danbeeyo Guddoomiyihii Degmada Tog-wajaale ee xilka laga qaaday.

“Aniga oo ku hadlaya magaca laanta xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-wajaale ahna Guddoomiyaha Xisbiga ee Degmada Tog-wajaale. Waxaan si cad u beeninayaa in cid ka tirsan Laanta Xisbiga Kulmiye ee Wajaale ay isku dayeen wax ku lidi ah maamulka Tog-wajaale. Haba yaraatee, waxaan cadaynayaa inay Laanta Xisbiga Kulmiye ee magaalada Tog-wajaale ay soo dhawaynayaan sidii kooxdaasi sheegtay magaca Xisbiga sharciga loo horkeeni lahaa,” ayuu yidhi Maxamed Caanteyle.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Degmada Tog-wajaale waxa uu sidoo kale beeniyay warar la been abuuray oo lagu baahiyay shalay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, warkaasi oo sheegayay in Guddoomiyaha Kulmiye ee Degmada Tog-wajaale la xidhay, waxaanu Caantaynle Arrintaasi ku sifeeyey been qaawan oo ay isla kooxdani samaysay.


Source: Gabiley News






 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp