Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Deeq Lacageed Oo Gaadhsiiyay Jaamacada Gabiley
December 20, 2009


Jaaliyadaha reer Jabuuti iyo Somalilanad wadanka Tunisia ee ka shaqeeya baanka hourmarinta Africa ayaa maanta deeq lacageed oo dhan $7,432.60 (Todoba kun, afar boqol iyo laba iyo sodon doolar iyo lixdan senti) ku wareejiyay jaamacada Gabiley.. deeqdaasi oo ay ugu talo galeen inay kaga qaybqaataan dhismaha jaamacada gabiley.

Xaflada lagu wareejinayay jaamacadaasi ayaa waxaa kasoo qaybgalay gudoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib), gudoomiye kuxigeenka Dr C/laahi Cumr Cigeh, dhiinka kuliyadaha jaamacada gabiley Xasan Aw Daahir, Maayarka Gabiley Aadan Muxumed Badde, Macalimiinta iyo ardayda jaamacadaasi.
Gudoomiyaha Gobolka gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib) oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu horayn ilaahay uga mahad celiyay maadaama maanta ay dhex taagan yihiin jaamacadii gabiley ee Timacadde University oo ahayd riyo ay dadka reer gabiley mudo badan ku riyoon jireen.

Badhasaabku isagoo ka waramaya baaxada uu leeyahay gobolka iyo dadka ku nool ee faraha badan ayaa waxaa uu yidhi "gobolkani waa gobol aad u balaadhan wuxuu leeyahay afar dugsi sare oo ku kala yaal Arabsiyo Allaybaday, Gabiley iyo wajaale. Baaxada intaa leeg oo ahayd bilaa jaamacad mudo dheer, maantuu ilaahay qadaray inay suurto gasho taasoo ay iska kaashadeen dhamaan dadwaynaha reer gabiley, oo aan loo kala hadhin, nin walibana wixii uu ka qaban karayay ka qabtay.

Waxaan halkan mahadnaq balaadhan uga soo jeedinayaa jaaliyadaha reer Somaliland iyo reer jabuuti ee ka shaqeeya bangiga horumarinta afrika ee xaruntiisu tahay wadan Tunisia uuna wakiil ka yahay Dr Maxamed Mahdi Aw Yuusuf, oo soo gaadhsiiyay jaamacada Timacadde lacag qadarkeedu dhan yahay $7,432 doolar. Waxaa kale oo ay jaaliyadaasi qayb libaax ka qaateen oo ay horena usoo caawiyeen jaamacadihii hore dalka uga hirgalay ee kaw ka ahayd jaamacada Camuud iy Hargaysa. Jaamacada Timacadena waa tii sadexaad ee ay shaqaalaha bangiga horumarinta afrika soo caawiyeen.

Waxaa kale oo badhasaabku halkaasi ka xusay dhamaan jaaliyadihii hore usoo gaadhsiiyay deeqaha jaamacada gabiley oo ay ugu horayso jaaliyada Finland, Sweden, Norway, Abdu dabay iyo shakhsiyaadkii deeqaha gaarka ah ugu deeqay jaamacada. Iyo sadexda xisbi qaran oo deeqsiiyay jaamacada Timacadde iyo ganacsatada magaalo ganacsiyeedka wajaale oo qayb libaax ka qaatay oo lacag ilaa iyo afar iyo toban kun oo doolar ah soo gaadhsiiyay jaamacada.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka jaamacada Timacadde Dr C/laahi Cumar Cigeh wuxuu uga mahadnaqay shaqaalaha baanka Africa deeqdaasi lacagta ah ee ay soo gaadhsiiyeen jaamacada gabiley isagoo sheegay inay ka gudoomeen ujeedadii lacagtaasi loogu talo galayna ay ku bixin doonaan.

Shakhsiyaadka somaalida ah ee ka shaqeeya baanka afrika ee deeqdaasi soo gaadhsiiyay jaamacada Gabiley ayaa uu dhiinka kuliyadaha jaamacadaasi Xasan aw Daahir uga mahad celiyay uuna sheegay in ilaahay ka abaal marin doono. Waxaa kale oo uu Xasan Aw Daahir si gaar ugu mahad naqay Maxamed Mahdi Aw Yuusuf Samatar.

"Aadbay u mahadsan yihiin, aadbaananu u xasuusan doonaa, taariikhdani way noo gali doonaan, cid alla cidii gacan noo fidisa (jaamacadda timacadde) waanu qornaa.
Waxaanu doonaynaa inaanu dadka reer Somaliland gaar ahaan gobolka gabiley u horseedno, oo aanu samaysano halku dheg la yidhaahdo Hal doolar bixi oo jaamacad dhis, hal doolar bixi oo dhakhtar dhis, hal doolar dhis oo wado dhis, waxaanay noo noqon doontaa" waxay ka mid ahaayeen kalmadihii uu munasibadaasi ka yidhi dhiinka kuliyada waxbarashada ee jaamacadaasi.

Dhiinka kuliyada waxbarashada Jaamacada Timacadde Xasan Aw Daahir waxaa uu sheegay in maanta laga baxay wakhtigii la sugi jiray cid wax caawisa, dadka reer gabileyna ay tashadeen oo waxay qaateen inay iyagu waxqabsadaan. Annaguna hadaanu nahay odayaasha maamula jaamacada waxaanu doonaynaa inaanu dhagaxa dhigno taalo cilmiyeed waligeed socota oo da,aba da,a kasii dhaxasho.

Maayarka Gabiley Aadan Muxumed Badde ayaa isaguna hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladaa lagu wareejinayay deeqda lacagta ah, ayaa sheegay inay labadaa jaaliyadood inay ka shaqeeyeen wax ka mid waxyaabaha ugu muhiimsan horumarinta bani aadamka ee laga shaqeeyo tanina waa tii ugu muhiimsanayd ee maanta waxka tari lahayd baahiyaha jaamacada.

Maayarku waxaa kale oo uu mahadnaq usoo jeediyay ninka soo ururiyay ee wakhtiga siiyay in deeqdani soo gaadho jaamacada Dr Mahamed Mahdi Yuusuf iyo dadka kale oo horumarka jecel kana qaybqaatay bixinta qaadhaanka, waxaanu intaa ku daray taariikhda waxbarashada gabiley isagoo xusay inay goobta maanta jaamacada laga dhigayaa ahaan jirtay dugsigii sasre ee qalax. Dugsiaga sarena loo dhisayo goobta cusub ee hada jaamacada lagu dhigto markaa, dhamaystirka dhismaha cusub ee dugsiga sare ayay ku xidhan tahay in jaamacada qalax lagu wareejiyo. Dhamaystirka dhismaha jaamacaduna wuxuu u yaalaa dadwaynaha reer gabiley meelkasta oo ay joogaan.

Deeqdani oo ah tii ugu horaysay ee soo diraan jaaliyadaha reer jabuuti iyo Somaliland ee ka shaqeeya baanka horumarinta Afrika ee fadhigiisu yahay wadanka Tuniisiya. Deeqdanina waxwayn ayay ka tari doontaa dhamaystirka dhismaha jaamacada Gabiley.

Ahmed Sh. Nour
Mobile 4464945 or 4422120









 







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp