Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Culimada Somaliland Oo Ka Hadlay Aragtida Diinta Islaamku Ka Qabto Fikirka Is-qarxinta iyo Xagjirnim
December 19, 2009


Culimada Diinta Islaamka ee Somaliland, ayaa ka hadlay saamaynta ay yeelan karto aragtida is-qarxinta iyo Xag-jirnimada ka jirta Koonfurta dalka Soomaaliya.

Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed oo ka mid ah Culimada Somaliland oo ka qaybgalay dood ku saabsan aragtida Diinta Islaamka ee isqarxinta iyo saamaynta ay yeelan karto oo ay shalay faafisay laanta afka Soomaaliga ee BBC-du, waxa uu sheegay in aanu fikirkaasi ahayn mid sal ku leh Diinta Islaamka. Taas bedelkeedana waxa uu tilmaamay in fikirka is-qarxintu saamayn taban oo aan wanaagsanayn ku yeelanayso, isla markaana sumcad tirayso Diinta Islaamka. "Sida runta ah, wixii deriskaaga ku dhacaa adigana meel kaama jiraan oo ninkii qayrkii loo xiirayow, soo qoyso adiguna weeye. Markaa wanaag iyo xumaanba wixii jiiraankaaga ku dhacaa way ku saamaynayaan. Sidaa darteed, arrimahaa maanta ka taagan jaarkayaga ama Soomaaliya ha noqdeen ama Yemen ha noqdeen ama Puntland oo maalmo dhawayto dhibaatooyin cusubi ka dhaceen - qaraxyadii hore ee ka dhacay Hargeysa iyo Boosaaso, runtii markay kuwaas oo kale dhacaan dadka argagax bay ku abuurayaan, arrin kastana way saamaynayaan. Xataa waxaan qabaa, Cibaadadii inay wax u dhimaysaa, duruustii Masaajidada ka soconayay ayay wax u dhimaysaa, Jaamacaddaha iyo iskuulada ayay wax u dhimaysaa, dhaqaalaha, baayac-mushtarkii iyo hawshii socday bay wax u dhimaysaa. Sidaa darteed, waa arrin guud ahaan Nabadgelyada khalkhal gelinaysa oo aad moodaa inay dadku markiiba u xidhxidhanayaan inay Qaxooti cusub oo ay ka soo doogeen ay dib ugu noqdaan," ayuu yidhi Sheekh Yuusuf Maxamed.

Mar uu ka ka jawaabayay su'aal laga waydiiyay talaabada ay Culimo ahaan qaadeen ee ay wax kaga qabanayaan korodhka fikirka is-qarxinta, waxa uu ku jawaabay; "Culimo ahaan annagu waxyaabaha aanu ka qaban karo ee aanu ka qabanay waxa ka mid ah; in aanu isku dayno dhalinyarada iyo dadka aanu wax u dhigaynay in aanu ka wacyigelino arrimaha noocaas oo kale ah inay ku kacaan, sababtoo ah waa arrin Diin ahaana dhibaato keenaysa oo Diinta khalad laga fahmayo oo xataa qofkii aad Diinta soo gelin lahayd ee aad ugu yeedhi lahayd ee aan marka hore Muslim ahayn ama qofkii aan Cibaadada ku fiicnayn ee aad ugu yeedhi lahayd inuu Cibaadaysto, laga yaabaa inuu ka sii fogaado oo uu yidhaahdo; ‘Diintani caynkaa hadday tahay oo la is-qarxiyo oo dadka la laynayo, anagu maxaanu ka soo doonaynaa inuu Shaydaanku ku yidhaahdo ayaa suurtogal ah."

Sheekh Yuusuf Maxamed waxa uu sheegay in loogu hanjabay in la dili doono haddii uu ku sii taagnaado wacyigelinta la xidhiidha in fikirka isqarxintu aanay Diinta sal ku lahayn, waxa uu kooxaha fikirka is-qarxinta aaminsan ee Soomaaliya ka dagaalamaya, in marka hore ay ka soo laabtaan aaminaadooda fikradaha ka jira Afgaanistaan, isla markaana ay joojiyaan dilka dadka aan waxba galabsan. Sidoo kale, waxa uu ku taliyay inay iska dhaafaan in dhinaca ka soo horjeedaa ay ku timaadaan inay Diinta ka baxeen, taas bedelkeedana ay wax wada dhistaan oo ay dagaalada joojiyaan. "Mushkiladaa waxa lagaga bixi karaa, iyadoo aad arrinta mid Soomaaliyeed ka dhigtaan, kuwa kale aad iska soo horjeedaana isa soo horfadhiisataan....Waxaan leeyahay, Afgaanistaan iyo dibadda aad ku xidhan tihiin ka soo go'a, dad Soomaaliyeed noqda oo kuwa kale ee Soomaalida ah ee jooga wax wada dhista," ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; "Waxa loo baahan yahay hadday tahay Culimada, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo baayac-mushtarka in loo wada guntado sidii arrintaa looga hortegi lahaa - ama ha noqoto xaga wacyigelinta ama ha noqoto ilaalinta ay dadku Nabadgelyadooda ilaashanayaan."


Source: Qaran News




 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp