Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Iskaashi iyo Wada Shaqayn Maamul oo Markii U Horreysay Ka Hirgashay Gobolka Gabilay
December 19, 2009


Waxa golaha deegaanka ee Gabiley ahaan jireen kuwo khilaaf iyo maamul bedel badan kaga dhex muuqda golayaasha deegaanka

Sida aynu ka warhayno tan iyo markii la magacaabay gobolka Gabiley ee madaxweyne Rayaale u magacaabay badhasabka gobolkaasi waxa Gabiley noqotay mid hiigsanaysa waxqabad iyo isfahan maamul oo ka abuurmay deegaankaasi waxaana taasi ka midha dhaliyay badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) oo ah shakhsi kartidiisii iyo aqoontiisa ugu shaqaynaya deegaankiisa uu madaxda ka yahay.

Sido kale badhasaabka Gabiley waxa uu horseeday inay dadweynaha reer Gabiley oo wakhtiyadii hore iska hirdiyi jiray taageerada axsaabta rabshadana ka dhalan jireen maanta waxyaabahaasi meesha wey ka baxeen oo dadweynihii reer Gabiley taageerada axsaabta siyaasadeed waxa kaga weyn sideed wax u qabsan kartaan iyo kumaa wax idiin qabtay ama wax idiin qaban kara, rabashadihii caadifada taageerada axsaabta ee iska horkeeni jirtay dadka waxay noqotay wax laga badaw baxay.

Waxa isfahankaasi keenay badhasaabka gobolka Gabiley Mr Xabiib oo ah nin isku darsaday aqoon iyo karti, waxaana intaa soo raacda gobolka Gabiley waxa uu nasiib u yeeshay inuu helo maayar wanaagsan oo wada shaqayn fiican la leh maamulka gobolka iyo weliba golaha deegaanka ee Gabiley .

Maayarkaasi oo ah Aadan Muxumed Badde oo noqday maayarkii ugu horeeyay ee fadhiyada golahaasi hirgeliyay isla markaasina waxa uu maayarkaasi Gabiley sameeyay guddiyadii golaha deegaanka, taasi oo aanay lahayn wakhtiyadii hore.

Waxa golaha deegaanka ee Gabiley ahaan jireen kuwo khilaaf iyo maamul bedel badan kaga dhex muuqda golayaasha deegaanka ee dalka maantase waa gole deegaan dhisan oo fadhiyadiisii yeesha.

Sidaasi daraadeed waxaynu odhan karnaa haddii maamulka Gabiley wada shaqayntooda wacan lagu fara adaygo oo ay ku fara daygaan dadweynaha Gabiley waa hubaal inay horumar balaadhan la gaadhayo maantaba horumar ayaa ka muuqda gobolkaasi ee yaanay la garan waayin reer Gabiley.


Source: Gabiley News


 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp