Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Alshabaab Nin Ay Sugayeen In Uu Isqarxiyo Oo Hargeysa Ka Degay
December 19, 2009


Qiso aad u yaab badan ayaa kudhacday Ururka Alshabaab oo dhowaan khilaaf kale uu soo kala dhexgalay isla markaasina kala qeybsanaantooda si aad ah maalmahani loo dareemayo.

Wiil lagu magacaabo Bile Cali oo loo diyaarinayay in uu isqarxin fuliyo kana tirsanaa Ururka Alshabaab ayaa eheladiisa waxa ay u warameen Radio Muqdisho codka jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in arrintani soo socota ay kudhacday.

Waxa ay sheegeen in uu lasoo xiriiray wiilkooda kadibna uu ku wargeliyay in dhowaan uu doonayo in uu fuliyo fal isqarxin ah isla markaasina degmada Dayniile uu kusugan yahay.

Waxa uu sidoo kale ka codsaday in ay cafiyaan ciddiisa maadaama hawshani uu kujiro dib dambena aysan isku arki doonin taasi oo murug weyn ku abuurtay cidiisa meel ay kasoo qabtaanna ay waayeen.

Mid kamid ah ehelada oo u waramay Idaacadda Dowladda ayaa waxa uu sheegay in dhowr maalmood kadib uu kasoo wacay wiilkooda Magaalada Hargeysa taasi oo si aad ah u farxad gelisay waxaana ay ka wareysteen sida uu uga baxsaday iyo falka uu sameyn lahaa waxa uu iskaga daayay.

Wiilkaasi isqarxin lahaa oo lagu magacaabo Bile Cali oo iminka kusugan Hargeysa waxa uu sheegay in markii uu arkay wax aanu ilaaheey raalli ka yahay in uusan aheyn uu gartay in uu ka dhuunto iskana daayo arrintaasi oo uu u dhuuntay Hargeysa sidaasina uu uga baxay Ururka Alshabaab.

Sidoo kale waxa uu xusay in Khilaaf xoogan uu soo kala dhaxgalay Alshabaab taasina ay keentay in ay ogaadaan dhalinyaro badan iyaga oo ah in waxa ay wataan Shabaab aanu diin aheyn oo uu yahay wax dano gaar ah laga leeyahay.

Ehelada ninkani isqarxin lahaa sidoo kale waxa ay sheegeen in wiilkooda markii hore uu ku qal qaaliyay in hawshani uu galo si uu janno ugu tago dad ay kamid yihiin Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) Afhayeenka Alshabaab iyo rag kale oo ay wiilka qaraabo yihiin taasina ay keentay in isaga uu fahmo ujeedka isla markaasina u cararo Magaalada Hargeysa.

Waa qorshihii ugu horeeyay oo ay Alshabaab ku fashilmeen kadib markii la sheegay in khilaaf uu soo kala dhex galay ururkaasi isla markaasina labo u kala baxay.


Source: Raxanreeb


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp