Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Ceerigaabo: Shirka Dardar-gelinta Cusbitaalka Guud
December 17, 2009


Shir ay soo qabanqaabiyeen guddida dhowaan loo magcaabay caafimaadka gobolka Sanaag ayaa maalintii Khamiista(maanta) waxa lagu qabtay xarunta cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo.

Shirkan oo ay kazoo qayb galeen Madaxda dawladda (heer-qara, heer-gobol, iyo jeer-degmoba), madax-dhaqameedyada beelaha, Madaxda shirkadaha ganacsiga, iyo dadweyne kale oo badan ayaa lagaga hadlay guud ahaan arrimaha dardar-gelinta cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, muddadii koobnayd ee guddida djowaan loo magcaabay joogtey xogtii ay heleen, baahiyaadka cusbitaalka iyo caqabadaha dhinacyada maammulka iyo adeegga ee halkaas hore uga jirey sidii loo xallili lahaa iyo waxyaabo kale oo badan.

Agaasimaha cusbitaalka guud ee Ceerigaabo Maxamed Cali Dhigane oo ugu horrayn halkaas ka hadlay ayaa isagoo ka warramay dhinacyada baahiyaadka iyo waxqabadka cusbitaalkaas iyo shaqaalahaba waxa hadalladiisii kale ka mid ahaa "Cusbitaalkan oo ah cusbitaalkii guud marka hore waxan idin xasuusinayaa in cusbitaalkani ka kooban yahay 22 qaybood, shaqaalaha ku qoranina yihiin 65 qof, haseyeeshee inta haddan gacantayada ku jirta ee si toos ah uga hawlgalaa waa 45 qof, inta naga maqanina waa dhakhaatiirtii iyo intii ugu aqoonta badnayd shaqaalaha, haddii waxyaabo hore oo cusbitaal ahaan naga qaldanaa jireenna waxannumaanta idiin caddaynaynaa annaga (madaxda cafimaadka iyo guddia) oo iskaashanayna in cusbitaalkani u furan yahay adeegga bulshadeenna oo mar kasta iyo saacad kastana shaqaaluhu heegan u yihiin, wax shuruud ahna aanay ku xidhnayn".

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi "Cusbitaalku shidaal ma laha marka laga reebo 10-litir oo lagu shaqeeyo malintii 2 saacadood iyo habeenkii 2 saacadood, wax laydh kale oo joogto ahna ma laha, shaqaaluhuna waxay dhibta ugu weyn ku qabaan mushaharkooda oo imminka saddexdii bilood ee ugu danbeeyey July-September ay baanka yaalliin oo nala leeyahay bangigu kaash ma hayo". "Kabka dawladda oo inta badan keena isqabadka maammulka cusbitaalka iyadana annaga iyo guddidu waa ka wada hadalnay oo waa isla xallilney sidii loo maammuli lahaa".

Guddoomiyaha Guddida Caafimaadka Gobolka Sanaag Ch-Caaqil Axmed Kulli-kulli oo isaguna halkaas hadal kooban ka yidhi ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa: "Annagu guddi ahaan dhowaan ayaa hawshan naloo magcaabay, waxannuna cusbitaalkan ugu nimid dhismayaal badankoodu dunsan yihiin, daawo aanay oollin, laydh lahayn, gaadiidka oo afar gaadhi ah hal mid (Ambalaaska) oo isagana inanka wadaa muddo laba sano aanu mushahar qaadani ka shaqaynayo, shaqaale niyad jabsan oo mushaharkoodii 6 bilood ka maqan yahay, gunno kalena aan qaadan, qaarkoodna voluntary yihiin, markaa guud ahaan xaaladdaasi waxay noola muuqatay mid u baahan gurmad waddaninnimo iyo dhaqaale, maantana waxannu Idin leenahay Go' madhan baannu sidnaaye ha lagu guro".

"Reer Ceerigaabo waxay la mid yihiin dadkii Somalia ka qaxay waayo markaad Hargeysa iyo magaalooyinka kale tagto dhakhtarka ugu wanaagsani waa reer Ceerigaabo, macallinka ugu wanaagsani waa reer Ceerigaabo, kan shaqaalaha ugu aqoon badani waa reer Ceerigaabo, meesheenniina waynu aragnaa markaa waxan leeyahay aynu tashanno waxna wada qabsanno". Sidaas waxa isaguna halkaas ka yidhi agaasimaha guud ee dhallinta iyo cayaaraha Cali Yufle.

"Anigu muddo badan oo aan hawsha cusbitaalkan ku jirey markii aan soo afjari kari waayey ayaan iskaga hadhay, laakiin maanta guddidan aannu keennay waa kuwii inammada kantarroolka ka samaystay cusbitaalkan wax ka qaban lahaa, tan kale maalin dhowayd oo dhismayaalkii cusbaa ee Shifo Hospital xadhigga laga jarayey qoraalkii laynoo akhriyey ee bilaw ilaa dhammaadka cusbitaalka ka warramayey waxan u arkayey in uu la mid yahay nidaamkii madaxweynayaasha Ingiriisku ku dhaqmi jireen, aniguna waxanba isku qoomammeeyey lacag badan oo siyaasadda iyo jaad aan ku bixiyey haddaad gashan lahayd cusbitaalkaas". Sidaas waxa yidhi Aniis Saalax X. Xasan (agaasime arrimaha gudaha ka tirsan).

Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna fagaarahaas hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi: "Cusbitaalkan sidaynu la soconno muddo dheerba waxuun baa ka si ahaa, innakana waainnaku ceeb cusbitaalkeennii guud ee gobolku shaqayn mayo, hawl kastana haddii aan laga daalin waxuun baa ka hagaaga, markaa waxan leeyahay horta guddidiinnu haddii aad waxba hagaajin kari weydaan sidii guddiyadii hore midba mar yuu iska tegine fagaare iyo shir noo qabta, shaqaalahana waxan leeyahay waad xun tihiin wallee loo badiye bal ama wax beddela ama meesha iskaga taga, reer-Sanaag ahaanna waxan leeyahay cusbitaalkeennii guud waa aragtaane fadhiga ha laga kaco oo aan wax qabsanno, qolyaha jaaliyadda debedda oo lahaa caafimaadka Ceerigaabo ayaannu lacag u haynaa iyagana maalintii dhoweydba waanigii sheegayoo kolleyba warkii gaadhye waxan leeyahay wixii aad caafimaadka u hayseen cusbitaalkan guud ayaa u baahane geliya".

Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre ayaa isaguna kulankan hadalladii uu ka yidhi waxa ka mid ahaa: "Reer-Ceerigaabo haddaynu nahay waxan idiin sheegayaa xafiisyada dawladda iyo agabka yaalla hadday cusbitaal tahay, hadday iskuul tahay, iyo hadday mid kale tahayba waxad ogaataan idinkaa iska leh, qofkamas'uulka ka ahina waa adeegihiinnii, waynuna ognahay oo Ceerigaabo meel shaqadeedu wanaagsan tahay ma jirto, kuwa joogaana waa reer Ceerigaabo cidda ay ku hallaynayaanna garan mayo, haddii wax yari xumaadaanna waxad tidhaahdaan guddoomiyihii gobolka mee, markaad is tidhaahdo waxuun bedelna waxad noqotaan qabiil, markaa idinka (daweynaha) laftiinnu ma oggolidin in wax hagaagaan, waxadna ogaataan haddii aad idinku wax xumaynaysaan anigoo Burco u dhashayna waxba hagaajin kari mayo, waxanna is leeyahay markii horeba waxaynu ka dagaallannay wuxu ahaa sharciga waxaynuna u dagaallamayney oo rabney sharci darro iyo in aan waxba hagaagin, sharciguna waa waxa inna kala hagaya ee cid kastaaba xaquuqdeeda ku helayso haddii kale dulmi badan ayaa dhacaya". Isagoo hadalkiisa sii watana Badhasaabku wuxu yidhi: "Mushaharrada maqani waa wax aynu gobollada dalka la qabno oo awelba saddexdii bilood ayaa mar laysasoo raacin jirey laakiin imminka lix bilood ayay maraysaa mase aha waxinnaga innoo gaar ah". Ugu danbayn wuxu intaas kusii daray: "Jaaliyadaha debedda waxan arkaa dad wanaagsan oo cid ay wax la qabsadaan waayey, balse iyagana waxan u sheegayaa in xilligan guddiyo wanaagsan loo magcaabay caafimaadka iyo waxbarashadaba, waxanna ka codsanayaa in lagu taageero guddidyadaas hawlaha ay u xilsaaran yihiin".

Wasiir-kuxigeenka Caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo) oo ugu danbayn halkaas ka hadlay ayaa isagoo dhinacyo badan ka hadlay waxa hadalladiisii kamid ahaa "Cusbitaalkan taariikhdiisa haddaan wax yar ka taabto xilligii aynu soo galnay dalka waxannu sidanney 20-tons oo daawo ah iyo qalabkii laboratory-ga, maalintii lixaadna cusbitaalkan ayaannu furnay, xafiisyadana dhammaantood waa qalabaynay, kaddibna waxa dhacday kii bukaanka ahaa iyo kii ilaalinayey in ay u shuraakeeyeen oo istoodhadii la jabsaday, kaddibna dhaawacyadii meelo kale oo magaalada debedda ka ah aannu u qaadnay, markaa waxan leeyahay horta qoladeennii soo gashay iimaan la'aantu debedday innaka soo raacday, qolyihii kale ee aynu halkan afarta beelood isku noqonnayna waxba innakama beddeline iyaguna inyar oo kasii daran ayay innaku kordhiyeen, xilliyadii ka danbeeyey ee ayka mid ahayd waqtigii hay'addii Copy halkan degganayd oo shaqaalahana lacag badan siin jirtey cusbitaalkana ay daawadu tiilley ayaa shaqaalihii cusbitaalku waxay kala raaceen labadii gaal ee Talyaaniga ahaa oo Campaign ka dhex jirey xataa midkood la dakhray, markii danbena Ina Cigaal waxannu ku nidhi dadkayagii dariiqaas ayay ku dhammaadeen oo isaguna labadii dhakhtar wuxu u qoray midkiiba lacag mushaharkooda iyo gunnadoodaba ka dheeraad ah oo dhan US$ 500, waxyaabahaas oo dhan waxba waa ku hagaagi waa yeen, qolyaha debeddana waa wada hadalnay oo waxbaa laga filayaa, markaa waxan leeyahay waar aynu kala danbaynta iyo nidaamka hagaajisanno". Isagoo Tallaabo intaas kusii daray "Waarammada bangiga yaalla reer Ceerigaabow macnahoodu waa lacag kusoo shuba, mar haddii wasaaraddii waarannadii soo jartay oo bangigu hayo idinkaa laydinka rabaa lacagtaas inaad keentaan, waynuna is ognahay oo wax badan ayaa qaldane cashuurtana bixiya sharcigana ha loo hoggaansanaado".


Source: Qaran News



 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp