Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Xaflad Xil wareejin Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Sool Oo Maanta Ka Dhacday Magaalada Laascaanood
December 16, 2009


Xafladii xilwareejinta Gudoomiyaha Cusub Ee gobolka Sool Faarax ASkar Xuseen Iyo Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Maxamuud axmed Ex- Gudoomiyihii hore Ee gobolka Sool ayaa maanta waxay ka dhacaday Xarunta Maamulka Gobolka, Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxgarad Cuqaal, Garaado oo uu ka mid yahay Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil Ducaale iyo Masuuliyiinta gobolka Heer gobol iyo mid Degmo.

Munaasibadii Xil wareejinta Ayaa lagu bilaabay sida caadada ah qadar aayadaha quraanka kariimka ah kadibna waxaa laguda galay furaataankii xaflada waxaana ugu horayntii ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka sool ahaana sii hayaha Gudoomiyaha, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay in dhamaan bulshada ku dhaqan gobolka sool ay taageeraan nabada meelna looga soo wada jeesto ninka xumaha wada.

sidoo kale waxaa ka hadlay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni wuxuuna sheegay in ay soo dhaweynayaan Boolis ahaan Gudoomiyaha cusub isagoo Taliyuhu sheegay xusay inay tan u waheliso gaadiid loo keenay Booliska oo uu sheegay inay gaadiid yari haysatay, taana uu aad ugu faraxsanyahay,

waxaa kale oo hadlay Taliyaha Ciidanka somaliland ee u qaabislan hubka iyo rasaasta Mr. Doolaal Faarax Cawaale ee jiida hore ee laascaanood wuxuuna taliyuhu ku dheeraaday la doonayo in shacabka magaalada iyo ciidanka dagaal la dhex dhigo kaas oo ay ka war hayaan dad war xumo tashii ahina ay wadaan balse aysan dhici doonin wuxuuna taliyuhu sheegay in Idaacadaha iyo bag-yada qora waxaan jirin ay sumcadooda ilaa shadaan kana waan toobaan waxaan jirin inay daabacaan.

waxaa sidoo kale ka hadlay Cali Qamar oo ah odayaasha ruug cadaaga ah Ee Bulshada Deegaankan ahna nin si weyn looga yaqaano deegaanada SSC, Cali wuxuu sheegay in cida ka shaqaynaysa qabyaalada iyo xumaha ay ku halaagsami doonto isga oo maahmaayo iyo murtiba halkaasi ku soo bandhigay ku wajahan in la ilaaliyo darisnimo wadaaga la iskana ilaaliyo wixii bulshada dhib ku keenaya.

waxaa kale oo ka hadlay Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil Ducaale Garaadka ayaa hadalkiisii ku bilaabay soo dhaweynta Badhasaabka cusub wuxuuna Garaadka ku xusay in nabad buuxda taalo magaalada Laascaanood iyo dhamaan gobolka sool garaadka ayaa sidoo kale halkaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo ay ka mid tahay in la taageero dhalinyarada ha ahaato dhinac shaqo dhinac sport, iyo Horumar bulshada gobolka.

Waxaa ka hadlay oo kale Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Mxamuud Axmed Cali Sandule oo tibaaxay in wakhtigii uu badhasaabka ka ahaa magaalada laascaanood ay wakhti adag ahayd balse Gudoomiyaha cusub uu helay jaanis aad u wanaagsan kaas oo ku timaamay fursad dahabi ah maadama xilgii uu gudoomiyaha ahaa ay ka duwan tahay, wasiirka ayaa halkaasi k wareejiyay xilkii Gudoomiye isaga oo sheegay In Gudoomiyaha cusub uu bil magacaabnaa balse ay hada la soo gaadhay xiligii xil wareejinta waxa kale oo u wasiirku halkaasi ku qabshay gaadiidka Booliska oo maanta halkaasi ay yaalen ilaa 4 gaadhi oo laba ay cusub tahay iyadoo 3 ka mid ah loo kala qaybshay saldhigayada magaalada halka mid ka mid la siiyay Degmada Yagoori Wasiirka ayaa xusay in Degmo kasta ay heli doonto gaadhi u gaar ah,

ugu danbayntii waxaa ka hadlay Badhasaabka cusub Faarax Askar Xuseen wuxuuna tibaaxay in uu si weyn ugu faraxsanayahy sida munaasibadan looga soo qaybgalay wuxuuna balan qaaday inuu la shaqayn doono bulshada gobolka sool isaga oo tilmaamay in maamul ahaan gobolka uu u baahanyhay wax qabad loona diyaar yahay, Gudoomiyaha iyo wasiirka ayaa socod ku soo maray laamiga dheer ee magaalada laascaanood iyaga oo muujinaya in Laascaanood tahay meel amaan ah xasilooni buuxdana ka jrto.


Source: Afnugaal







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp