Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Boosaaso Oo Caawa Bandow Lagu Soo Rogay
December 15, 2009


Waxaa guud ahaan caawa la joojiyey dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dib dhacdooyinkii amaan darida ee magaalada soo maray saacaduihii la soo dhaafay.

Ciidamo boolis ah oo dheeraad ah iyo kuwa daraawiishta ayaa la dhigay guud ahaan wadooyinka dhexmara magaalada, waxaana goor hore dadka lagu wargeliyey in la joojiyo dhaqdhaqaaqa illaa waagu ka baryo.

Kontoroolka koonfureed ee ah halka isku xirta Boosaaso iyo gobolada kale ee dalka ayaa iyaduna la xiray iyadoo gaadiidka safarka ah ee soo geli lahaa magaaladana lagu celiyey kontoroolka.

Waxaa la arkayey iyadoo goobaha ganacsiga ee baararka cuntadu ka mid yihiin irdaha loo laabay xilli hore bandowga dartiis.

Waa habeenkii koowaad oo ay bandow gasho Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland in muddo ah, waxaana tallaaba bandowga lagu micneeyey sugida amaanka iyo in laga digtoonaado falal kale oo amaan darri.

Qarax xaley ka dhacay magaalada ayaa dilay 4 askari iyadoo uu dhaawacay 9 kale oo ka tirsan ciidamada amaanka oo miino loo dhigay wadada hareerteeda.

Dhinaca kale waxaa saacadihii la soo dhaafay xarunta madaxtooyada ka socday kulan amaanka ku saabsan oo ay lahaayeen masuuliyiinta maamulka ee xagga amaanka, inkastoo aan la ogeyn waxa ka soo baxay kulankaasi haddana waxaa loo badinayaa in masuuliyiintu ay kaga arinsanayeen xaalada amaan ee magaalada.


Source: Raxanreeb





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp