Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Cusbitaalka Shifo Oo Xadhigga Laga Jaray Dhismayaal
December 14, 2009


Munaasibad ballaadhan oo maalintii Isniinta (maanta) lagu qabtay cusbitaalka Shifo ee magaalada Ceerigaabo ayaa xadhigga lagaga jaray dhismayaalka cusub ee loogu tala galay bukaanka V-I-P-da oo hay'adda Menhal dhowaan kukordhisey cusbitaalkaas. Sidoo kalena waxa halkaas lagu sagootiyey dhakhaatiirta muddooyinkan ugu dabeeyey hawlahooda kala duwan ka wadey cusbitaalkaas oo isugu jirtey dhakhtarrada Qalliinka Guud, Qalliinka Haweenka, Daawaynta Guud, iyo Daawaynta cudurrada haweenka ku dhaca.

Munaasibaddan oo ay kazoo qayb galeen Wasiir-kuxigeenka caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo), Agaasime-Aniis Saalax X. Xasan(W/Arrimaha gudaha), Xildhibaan-C/raxmaan Yuusuf Xartan (Golaha Wakiillada), Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Madaxda kale ee laamaha dawladda ee Ceerigaabo, Madax-dhaqameedyada (Boqorro, Salaadiin, iyo Cuqaal), Culimaa'u-diin, iyo marti-sharaf kale oo badan ayaa guud ahaan waxa lagaga hadlay marxaladaha caafimaad ee bulshada reer-Sanaag ku sugnaayeen cusbitaalkan (Shifo) ka hor iyo hawlaha waxqabad ee muddadii cusbitaalkani ka jirey Ceerigaabo iyo weliba guud ahaan kaalinta caafimaadku kaga jiro nolosha aasaasiga ah. Sidoo kalena waxa halkaas si aan loo kala hadhin mahadnaq ballaadhan looga soo jeediyey laguna sagootiyey dhakhaatiirta kala ah:- Dr-Maxamuud Axmed (Shiine) oo muddo kusiman laba toddobaad qalliinnada lacag la'aanta ah iyo daawaynta indhaha cusbitaalkan ka wadey. Dr-Ismaaciil Axmed Aare (Madaxa Cusbitaalka Boorama) oo isaguna muddadaas qalliinnada iyo daawaynta cudurrada dumarka cusbitaalkan ka wadey, iyo labada dhakhtar Dr-C/qani Xasan Jaamac iyo Dr-Mustafe Maxamed Axmed oo iyagu ka mid ah dhakhaatiirta dhammaysatay kulliyadaha caafimaad ee jaamacadaha dalka oo in muddo ahba hawlahooda shaqo ka wadey cusbitaallada Ceerigaabo, balse muddadii shaqo ee loo cayimay oo dhammaatay darted dib ugu laabanaya hawlahoodii waxbarasho.

Sh-Maxamed Cali Biixi oo munaasibaddan wacdi diini ah ka jeediyey ayaa mahadnaqaas dhakhaatiirta kasokow waxa hadalladiisii kale ka mid ahaa
"Baahideenna caafimaad intan kuma eka maantana Ceerigaabo wax yar iyo wax weyn-ba way u baahan tahay". Isagoo saxaafadda la hadlayana wuxu intaas kusii daray.

"Awelba Ceerigaabo waa loo hadal badnaa oo xataa waxa jirtey xilliyo saxaafadda Hargeysa qoreen Ceerigaabo waa Buurdhuubo iyo Ceerigaabo waa Buro Somaliland ku taalla iwm, idinkuna haddii magaaladii aad u dhalateen iyo dadkiinna aad wax nuqsaan ku ah ka qortaan aakhirona waa idinku denbi, taariikhduna ma naxdo oo iyaduna ma illoobi doonto".

Xasan Axmed Cabdalle (Gudida Cusbitaalka Shifo) oo halkaas ka akhriyey qoraal dheer oo dhinacyo badan isugu jirey ayaa isagoo sheegay uguna mahad celiyey dhismihii ugu horreeyey ee hay'adda Menhal 2002-dii ugu deeqday cusbitaalkan iyo ilaa maanta marxaladaha is beddel iyo heerka waxqabadkiisu marayo ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa

"Guud ahaan ilaa maanta iyo maalintii la bilaabay cusbitaalkan Shifo ee Ceerigaabo waxa sidii uu joogto ugu shaqayn lahaa xilka ugu weyn iska saaray Dr-Maxamuud Axmed (Shiine) iyo guddida oo ku wehelisey, muddadii cusbitaalkani shaqaynayeyna bukaannada lasoo xidhiidhay waxay ku dhow yihiin qiyaastii 20,000 qof, halka dadka indhaha loo qalayna qiyaastii gaadhayaan 1500 qof, qalliinnada kale ee lagu sameeyeyna ay ka badan yihiin 500 qof". Isagoo ka hadlaya dhismayaalka cusbitaalkana wuxu yidhi "2008-dii waxa hay'adda samafalka ee Qarnul-Afriiqi cusbitaalkan kusoo kordhiyeen dhisme hal waadh oo ragga ah, qaybta qalliinka, qaybta bukaan eegista(OPD), qaybta shaybaadhka iyo X-Ray, iyadoo dhaqdhaqaaqa waxqabadka caafimaad ee cusbitaalkani sameeyeyna laga soo bilaabo May 2009 uu isugu jirey:-

a. May 2009 Daawayn guud iyo qalliinnada iyo daawaynta indhaha oo cusbitaalkan ay ka fuliyeen Dr-Maxamuud Axmed (Shiine) iyo Dr-Maxamed Salaad.
b. 01-30-kii June 2009 Waxa si joogto ah ka hawlgalay Dhakhtar Masri ahaa oo qalliinnada dumarka ah oo kharashkii iyo mushaharkii muddadaas ku baxayna noqday US$ 5000.
c. Bilawgii May 09 ilaa haddan qaybta shaybaadhka waxa ka hawl gala Dr-Akbar (Bakistaani ah) oo katirsan shaqaalaha cusbitaalka Menhal Hargeysa.
d. July 2009 waxa cusbitaalka ka hawl galay Dr-Maxamuud Axmed Ismaaciil (Tuke) iyo Dr-Maxamed Salaad. Isla July waxa kaloo ka hawl galay Dr-Xuseen Maxamuud (Rikoodh) iyo Dr-Cabdi Jibriil Xagar, dhakhaatiirtaas oo qalliinno iyo daawayno kala gaar ah ku takhasusay.
e. August 2009 waxa ka hawl galay Dr-Aadan Casayr oo Xanuunnada Maskaxda iyo Neerfaha ah.
f. Labadii bilood ee ugu danbeeyey Oct.& Nov. waxa si joogto ah cusbitaalkan uga hawl gelayey Dr-C/qani Xasan Jaamac iyo Dr-Mustafe Maxamed Axmed oo muddadaas daawayn guud iyo qalliinno badan ka fuliyey.
g. December 2009 waxa cusbitaalkan daawayn guud iyo qalliinnada indhaha iyo qalliinnada dumarka ka fuliyey Dr-Maxamuud Axmed (Shiine) iyo Dr-Ismaaciil Axmed Aare".

Isagoo ka hadlaya una mahad celinaya gacan ka geystayaalka cusbitaalkan islamarkaasna intooda badan tilmaamay taageerada cid kastaaba geysatey iyo sida ay u kala mudan yihiinna wuxu yidhi "Mahadda kowaad waxa leh Allaha innoo suurta geliyey cusbitalkan, mahadda kalena waxa leh gacan ka geystayaasha kala ah:-

1. Mahadda kowaad Hay'adda Menhal.
2. Marxuum-Maxamuud Maxamed Guure.
3. Hay'adda Qarnul-Afriiqi.
4. Maayor-Ismaaciil X. Nuur.
5. Maxamed Siciid (Dahabshiil)
6. C/raxmaan Faarax Xarbi (Al-Xarbi Trad).
7. N/doon-Max'ud Dirir iyo Faarax Ciise
8. Samafale codsaday in magaciisa la qariyo.
9. Axmed Maxamed (Tirike)
10.Shirkadda Golis.
11.Hay'adda Menhal "mar kale"
12.Baashe Cabdalle Guuleed. Iyo
13.Dalladda TOSSA.

Ugu danbayn Xasan Axmed Cabdalle wuxu yidhi "Annagoo mahad ballaadhan usoo jeedinayna cid kasta oo gacan ka geysata cusbitaalkan. Waxannu baaq usoo jeedinaynaa samafalayaasha hantidooda u hura meelaha noocan ookale ah gaar ahaanna qurba-joogta reer-Sanaag oo aannu leenahay (Geedkiina adigaa saran Gurigiina adigaa og), cusbitaalkiina wuxu ku jiraa xaalad bilaw ah, waxayna arrintu joogtaa meel wax laga sii amba-qaadi karo, (Wax yarna ha kala xishoonnina, Wax weyn-na ha ka lexejeclaysannina).

Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna fagaarahaas ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa "Cusbitaalkan (Shifo) waa cusbitaalkii kowaad ee hay'adda Menhal gacanteeda soo galay annaguna markii aannu ogaanney waxannu ka codsannay in Ceerigaabo loogu deeqo, waana nalaka aqbalay, shuruudihii nalaku xidhayna waxa ka mid ahaa in uu cusbitaalku is-wadi karo xag maammul iyo xagga adeeggaba, annaguna waannu aqbalnay, sidaas ayaana qaybtii kowaad cusbitaalkan ku dhisantay guddidan hawsha waddaana ku samaysantay". Isagoo Maayorku ka hadlaya dhinaca taageerada loo fidiyey cusbitaalkana wuxu yidhi

Cusbitaalkan cidda wax gashatay reer-Sanaag ayaa ugu yar, qolyo mar dhexe nala soo xidhiidhay oo qurbaha jooga oo yidhi cusbitalka lacag baannu ururinnay oo u haynaana muddo badan waxa naga qaadatay hadba shuruudo ay noo soo yeedhiyaan iyo shirar badan iyo hadal badan, welina waxba nagama soo gaadhin, waxayna muuqdaan kuwo aan waxba soo wadin, haddii aannu waraysannayna waxa ay hayaan waa US$ 60,000, intii iyaga hadalkooda aannu ku jirneyna wax ka badan oo dhawr boqol oo kun oo dollar ah meelo kale iyo dad aan Ceerigaabo u dhalan ka yimid ayaa Ilaahay keenay oo cusbitaalkan lasoo gaadhsiiyey, markaa qolyahaas lacagta haya waxan leeyahay waxad ogaataan lacagta waxa lagu bixiyey caafimaadka Ceerigaabo oo wax aan caafimaadka ahayn aan la gelin karin, weliba cusbitaalkan (Shifo) haddii aad kala biyo-diiddeen waxan leeyahay cusbitaalka guud ayaa u baahane kaas geliya, waayo waa iskumid labada cusbitaal, dadkii lacagtan bixiyeyna waxan leeyahay lacagtiinna in caafimaadka la geliyo u amra ama lacagtiinna dib uga qaata nimankaas". Wuxuna Maayorku intaas kusii daray "Muddadii labada dhakhtar ee dhallinyarada ahaa Dr-C/qani Xasan Jaamac iyo Dr-Mustafe Maxamed Axmed innala joogeen waxay innoo sameeyeen qalliinno iyo daawayn badan, muddadii koobnayd ee ay innala joogeen labada dhakhtar ee waaweyn iyagana Dr-Ismaaciil wuxu daawayn iyo eegis ku sameeyey 472 qof, halka uu qakkiinkana ku sameeyey 17 qof, sidoo kalena Dr-Shiine wuxu daawayn ku sameeyey 400 qof halka isaguna uu qalliinka indhaha ku sameeyey 81 qof, waxadna mooddaa intiisa badan cusbitaalka waxa ka maqan waxqabadkeennii hadday wasiirro tahay, hadday baarlammaan tahay iyo hadday dhakhaatiirteennii tahay intaba markaa waxan leeyahay reer-Sanaag weli maynu tashane aynu tashanno oo wax qabsanno".

Wasiir-kuxigeenka Caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo) ayaa ugu danbayn hadal kooban oo u halkaas ka yidhi waxa ka mid ahaa "Caafimaadku waa wax aan laga maarmi karin marnaba waana meelaha ugu kharash badan oo dawladaha ugu waaweyn qaarkood ayay adag tahay in ay daboolaan, haseyeeshee in la dedaalo oola tashado waxna la qabsado waa loo baahan yahay". Isagoo ka hadlaya dhinaca wax isku darsigana Tallaabo wuxu yidhi "Iyadoo Dr-Shiine loo diidey warqaddii oggolaanshaha ee cusbitaalkan ayaannu Hargeysa ku kulannay isagoo Pakistan ku socdey, kaddibna waxan Idhi iskaga tag anigaa warqaddan kazoo qorayee, sidaas ayaan warqaddii kusoo diray, markaa haddii ay tahay maxaa lagu soo darsaday cusbitaalkan aniguba intaas waa ku darsaday, mana jirto kharash jeebka wasiirradu kazoo saari karaan oo marnaba ay gacanta ka dhiibi karaan, waayo iyaga ayaan kharash badanba helin". "Anigu aad ayaan ugu mahad naqayaa Menhal oo markii aan xanuunsadayna waxa lay dhigay meel wanaagsan si wanaagsanna waa la iigu shaqaynayey oo waxadba I moodaysey ninkii meesha lahaa".

Xildhibaan-Cartan, Boqor-Maxamed Nuux, Suldaan-Maxamuud Cabdi(Warqabe), Yaasin Sh-Dalmar, Cuqaasha beelaha iyo dhammaan xubnihii kale ee halkaas ka hadlaya ayaa iyaguna si weyn ugu mahad celiyey Hay'adda Menhal, Guddida cusbitaalkan, Dhakhaatiirta kazoo hawl gashay, iyo guud ahaanba taageerayaasha in kastaba ha le'ekaatee gacan ka geystey cusbitaalkan (Shifo) Ceerigaabo, waxana halkaas lagu boorriyey oo loogu baaqay muwaaddiniinta jecel horumarinta hawlaha caafimaadka iyo gaar ahaan qurba-joogta reer-Sanaag in taageero buuxda cidkastaabahalkeeda uga fidiso cusbitaalkan oo ah kan maanta lagaga nastay dhibaatooyinkii iyo socdaalladii dheeraa ee baadiddoonka caafimaad loo geli jirey, ahna manta cusbitaal u muuqda mid hawlihiisu isasoo tarayaan oo horumar muuqda samaynaya hadday tahay xagga maammulka/guddida iyo hadday tahay xagga adeegyada looga baahan yahay goobaha noocan oo kale ah intaba.


Source: Qaran News




 




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp