Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Kulan Xiise Leh Oo Ka Dhacay Holland - Gebagabadii Mooge Festival
December 14, 2009


Kulan aad u xiise badan isla markaana looga hadlayay "In dhaqanka Soomaaligu kobcin karo is-ixtiraamka iyo tixgelinta fikirka kale" oo ay soo abaabuleen ururka Dhaqanka ee Kayd ayaa lagu qabtay Magalada Nijmegen ee Waddanka Holland. Ugu horayn kelmadii furitaanka ayaa waxaa soo jeedisay Agaasimaha ururka Kayd Ayaan Maxamuud Cashuur ujeedada kulanka, kaas oo ay tilmaantay inuu daba socdo Bandhigii Mooge Festival oo sannadkan bishii Julaay lagu qabtay magaalada Hargaysa, sidoo kale Ayaan ayaa waxay ka dhawaajisay in bandhigaasi uu furay daaqad cusub oo ilaa tuulooyinka waddanka laga arkay in la dhaqaajiyo maskaxda biniáadamka iyo wax soo saarkeeda lagana faa'iideeyo.

Waxa ka soo qayb galayaasha madashaasi ay aad u danaynayeen joogitaanka qaraayo bulshadu aad u tixgaliso isla markaana uga soo socdaalay waddamo kale oo aan ka xusi karno Jaamac Muuse Jamac iyo Maxamed Baashe X. Xasan. Waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey horeba Jaamac Muuse Jaamac oo ka soo kicitimay waddanka Italy kana mid ah xubnaha ururka Kayd, Jaamac wuxuu faahfaadhin dheeraad ah ka bixiyay in urur ahaan ay danaynayan abuuridda Edeg ay ummada Af-Soomaaliga ku hadashaa keeda Cilmiga Diiniga leh, kan Maadiga bartay, ka dhaqanka suugaanta ku wanaagsan, iyo ka waddama shisheeye ku koray, isku dhaafsan karaan fikirkooda kuna soo bandhigi karaan waaya-aragnimadooda si loo helo fikirka wanaagsan ee kama danbaysta ah ee anfacaya dhammaantood.

Dhanka kale wuxuu iftiimiyay qoraagu in Ururka Kayd ahaan ay xooga saaraan ururinta dhigaalka (Taariikheed) ee ummaddu leedahay, maddaama buu yidhi tariikhdu soo rogaal celiso loona helo wanaag iyo xumaan wixii kuwii inaga horeeyey lahaayeen, dabcan loogana qaadan lahaa intii waanagsayd loona joojin lahaa xumaantii hore.

Daawasho muuqaal xiisa badan oo laga soo diyaariyay Bandhiggii Mooge Festival Hargeysa kadib, waxaa lagu soo bandhigay madasha laba buug oo qorayashu guud mar ku samayeen labada nuug oo kala ah Diiwaanka Qosolka iyo Suugaanta Nabadda iyo Colaadda, iyo macnaha guud ee ay labada buug xambaarsan yihiin, waxaa halkaas iyaduna muuqaalo sawirro soo bandhigtay Faadumo Cali oo dhowaan waddanka Somaliland booqatay ahna guddoomiyaha Ururka Araweelo kana mid ahayd qaban qaabiyaasha kulankan, waxayna sharraxaad kooban ka bixisay in mashruuc la filayo inuu ka fulo Somaliland 2011 kaas oo ah ka faaiidaysiga Tamarta Cadceeda.

Ugu danbayntii waxaa halkaas dadku saf u galeen iibsashada buwaag halkaas taalay oo ku qoran luqada Soomaaliga iyo Shirkadda Xawaaladda ee Dahabshiil oo Goobtaas ku soo bandhigtay ogaysiis dadkii meesha yimi aad ugu riyaaqeen laguna war galinayay in haatan mudo Lix bilooda Shirkaddaasi dib uga hawl gasho waddanka Holland, kulankaas ayaa ku dhammaaday raynrayn iyo farxad.
 

Ahmed Adam
qurbac01@hotmail.com





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp