Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Komishanka Doorashooyinka Oo Soo Guryo-noqday, Saandambena u Duulaya Nairobi
December 13, 2009


Komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa maanta markii Labaad dib uga soo laabtay Safar ay dhawaan ku tageen Xarunta Dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Xubnaha oo Garoonka Diyaaradaha Cigaal Airport ugu waramay warbaahintu, waxay socdaalkoodan ku sheegeen in aanay wali hawshoodii shaqo ee ay u tageen Addis Ababa weli u soo dhamaan oo ay dib ugu laabanayaan Saandambe Xarunta Kiiniya ee Nairobi, halkaasi oo ay kula kulmayaan deeqbixiyeyaashii ay weli kaga laalayd rajada qabsoomida doorashooyinka iyo arrinta loo maaro la’yahay ee Server-ka.

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka, Md. Axmed Maxamed Xirsi (Geelle) oo ku hadlayay magacooda ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan; “Iminka ayaanu ka soo dagnay safarkii aanu ka tagnay Addis Ababa, Markii aanu tagaynay dhulka ayaanu soo marnay markii aanu tagaynay, sababtoo ah markii hore waxay ahayd in aanu tagno Nairobi oo aanu halkaa kula kulano nimankii khubarada ahaa ee Serverka ka shaqaynayay iyo nimankii kale ee deeqbixiyeyaasha ahaa, ka dibna fiisayaashii ayaa adkaaday, waxa naloo diyaariyay flight kale oo Jabuuti ah, ka dibna Jabuuti ka raacno Itoobiyaan Airline-ta, sidaana ku tagno Addis Ababa, markii aanu alaabtii raranay ayay Daallo ku raagtay halkii ay ka imanaysay,ka dibna waxa noo muuqatay in aanaan ka gaadhayn. Runtii balamo adag ayaanu lahayn nimankii khubarada ahaa ee Serverka labada jeer eegay iyo niman kale oo deeq-bixiyeyaasha ka tirsan.

Waxaanu isla garanay in aanu addis ababa tagno oo halkaas khubaradu noogu timaaddo, waxay yidhaahdeen annaga oo joogno Nairobi ayaynu halkaas ka xidhiidhaynaa oo waxaynu ku wada hadlaynaa Video Conference, balan adag buu ahaa oo runtii aanaan ka baaqan karayn.

Dhulka ayaanu marnay Saddex Landcruiser baanu ka kaxaysanay Wajaale 14 Saacadood baanu uk soconay, Aroortii lixdii baanu galay Addis Ababa, adigu 8 Deedii baanu shirkii galay.

Intaa ka dib waxa dhacday in xaaladii isbedeshay oo arrinkii ahaa waxaynu ku wada hadlaynaa Video Conference oo hawlihii aanu ka wada hadlaynay ayaa noqdo kuwo ka waawayn wax lagaga wada hadlo Video Conference. Waxaanu isla garanay in Todobaadkan gudihiisa tagno Nairobi. Saandambe ayaanu ku noqonaynaa Nairobi si aanu u soo dhamaystirano hawlaha noo dhiman. Waa hawl socoto wali oo anaan wax tafaasiil ah ka bixin Karin.”

Intaa ka dib, ka dib waxa la waydiiyay afhayeenka su’aalo dhawr ha oo ku wajahan socdaalkooda, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan;

S: Waa maxay hawsha aad kaga wada hadlayseen addis Ababa?
Waa arrimo dhinaca doorashooyinka ah caam ahaan, muhiimadu waa in aanu qabano doorasho.

S:Waxa jirta in laga dayrinayo natiijada ka soo baxaysa diiwaangelinta, oo la leeyahay bilaa diiwaan-gelin baa lagu galayaa, sababta aad Video Conferenceka aad u galaysaana ay taas tahay, bal dadka u cadee waxaad aad shirka kala yeelanaysaan deeq-bixiyeyaasha?

S: Diiwaangelin laga tagayaa ma jirto, waxa aanu annagu ku shaqaynaynaa heshiiskii xisbiyada ee adduunku inagu dhexdhexaadiyay qodobada ugu waawaynaa heshiiskaasna waxa ka mid ahaa in doorashooyinka lagu galo diiwaangelin, iyo in la saxo Serverka. Sixidii uun baanu daba soconaa.

Khubaradii eegtay waxa laga qaban karo ayaanu u tagaynaa iyo kharash baanu u baahanahay talaabo kasta oo la qaadaa waxay u baahan tahay kharash iyo qalabka cusub ee Serverka laga gelinayo halka laga gelinayo iyo qorshihii dambe ee doorashada mustaqbalka.










 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp