Xisbiga Tallada dalka haya ee UDUB, ayaa maanta dhambaal tacsi ah oo tiiraanyo
leh u diray qoyskii, Xisbiga KULMIYE
Iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee maxdaxii
Olalaha doorashada Xisbiga KULMIYE ee gobolada galbeedka Somaliland Marxuum-
Cali Guulleed ( Cali Maarshaal), oo maanta ku geeriyooday shil baabuur.
Sidaasi waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu shabakada wararka ee
Qarannews News, soo gaadhsiiyay Guddoomiyaha Siyaasada ee xisbiga UDUB Md. Cumar
Jaamac Faarax, waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan:-
"Anigoo ku hadlaya magacayga iyo Magaca xisbiga tallada dalka haya ee UDUB
waxaan dhambaal tacsi ah u diraynaa qoyskii iyo qaraabadii, xisbiga KULMIYE iyo
Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Ilaahay ha u naxariistee Marxuum- Cali
Guulleed (Cali Maarshaal) oo ahaa madaxii olalaha doorashada xisbiga KULMIYE ee
gobolada galbeedka Somaliland, waxaanu xisbi ahaan ilaahay uga baryaynaa inuu
Marxuumka Naxariistii
jano ka waraabiyo, qoyskii, xisbiga KULMIYE iyo shabciga Somaliland ee uu ka
baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin.
Sidoo kale, waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu shaafiyo oo uu caafiyo labada
masuul ee kale ee ku dhaawacmay shilka baabuur ee ka dhacay dulleedka Magaalada
Berbara ee kala ah Guddoomiye Ku Xigeenkii labaad
*****************************************Tacsi****************************************************
TACSI
ANAGOO AH DHALINYARAD MAGALAD HARGEISA WAXAANU TACI U DIRAYNAA ALLA HA U
NAXARIISTEE AQOON YAHAN CALI GULED ( MAARSHAAL ) OO MAANTA KU GEERIYOODAY
DULEEDKA MAGAALDA BERBERA EE XARUNTA GOBOLKA SAXIL WAXAANU MARXUUNKA ILAAHAY U
GA BARYAYNAA IN UU JANADII FARDOWSA KA WARAABIYO INTII SHILKAA KU DHAAWACAN
TAYNA UU ILAAHAY U FUDUDEEYO QOYSKII UU KA BAXAYNA WAXAANU LAANAHAY ILAHAY HA
IDINKA SIIYO SAMIR IYO IIMAN XISBIGII UU KA BAXAY EE KULMIYE ILAAHAY HA IDINKA
SIYO SAMIR IYO IIMAN AAMIN AAMIN AAMIN
MAGACYADA DHALIN YARAD
* CABDIWAHAB ADAM AXMED
* CABDIFATAAX MUXIYADIIN CAREEF
* CABDILAAHI ADAN CABDILAAHI
* MOHAMED OMAR ABDULAHI
* SALEBAN CABDISITAAR DUBAD
* CABDINASIR YUSUF BULXAN
* JAMAC ABDI JAMAC
* MUSTAFE MOHAMED ABDULAHI
* SICIID MOHAMED MOHAMUD DABAARE
* XASAN CUMAR CABDILAHI
* CABDIBASID CABDIRAXMAN AHMED
* RIDWAAN MUXUMED CABDI
* MOHAMED IBRAHIM ABDI SAYLICI
* YASIN CABDILAHI IBRAHIM
* CABDIRAXMAN CALI ADAN
* GUD.D.DARAS. FOOSI AXMED ROOBLE
IYO DHALIN YARO KALE OO BADAN
*******************************************************************
Dhambaal tacsiyadeed oo ka yimid xisbiga Ucid.
Geeridii Cali -bay sheegayeen Gacal ha waayeen!! Inaalilaah wa ina
ilahahi raajacuun.
Geeridu waa xaq Ilahayba quraankiisa inoogu sheegay " in nafwalba
dhadhamin doonto mawdka" , haddii ay cidi waaraysana Nabigeeni Muxamed (SCW)
iyo Ambiyadii Ilahay doortay ayaa waari lahaa,...siddaas oo ay tahay
Geeriyuhu kala naxdin badan , Somalidu waxay ku maahmaahdaa Geeridu nimaadan
aqoon iyo Geeljiray ku fiican tahay balse geeljirahana qof uunbaa garanaya
oo ka murugoonayaa - Geeridu Warka Dalki naga soo gaadhay iyo Geerida
Naxdin ta leh ee ku timid Guddomiyihii Ololaha Xisbiga Kulmiye Ali Gulaid
waa mid Naxdin huwan - oo aan marxuumka Ilahay uga baryayno in uu
Janooyinkiisa qaaliga ah ugu deeqo.
Ali Gulaid oo ahaa Aqoon yahan siyaasi , muwaadin xaalala oo
wadankiisa Jecel , wuxu ku caan baxay dal jacayl ,Halkan, aqoon, iyo Deeq
sinimo dadka jilicda san u gacan furan, bulshaawi ah oo dad dhex galeh -
tacsidaydan waxaan si toosa u gaadhisiinayaa Xaaski , Ubadkii , Ehel , xigaalkii
iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaan si
gaara u tacsiyadaynayaa dhamaan reer Xaaji Muxumad Guuleed , waxa kale oo
aan tacsi gaar ah gaadhsiinayaa Xisbiga Kulmiye Meel kasta oo ay joogaan ,
waxa inaga baxay nin wayn oo ay adag tahay in aan buuxino Kaalintii uu ku
aadanaa.
Ugu danbayntii , Anigoo ku hadlaya Magacayga ,ka guud ahaan Reer
Aadan Cali ( Aaden-Dhari) , Ilahay Iilka neecaw udgoon iyo ha ku siiyo
naruuro , Aakhirana Janooyinkiisa qaaliga ah ha ugu bariiyo - AAMIIN -
AAMIIN!!
Anigoo ah Cabdiacasiis Garaad Saleebaan Aw-Daahir Afqarshe waxaan anigoo aad iyo
aad uga naxsan ugana tiiraanyeysan uga tacsideynayaa qoyskii, qaraabadii,
asxaabtii iyo dhamaan shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba, geeridii
naxdinta lahayd ee ku timid Marxuun Cali Maxamed Guuleed (Cali Marshaal) oo
shilkii gaadhi ee saaka ka dhacay Berbera ku geeriyoodey.
Marxuunka waxaan illaah uga beryayaa inuu janadiisii firdowsa geeyo inagana
dhamaanteen uu samir iyo aamiin inaga wada siiyo. Aamiin
Sidoo kale halkan waxaan uga duceynayaa raga dhaawacmay ee marxuunka la socday,
anigoo illaah uga beryaya inuu caafimaad taam ah siiyo, dhibkan soo gaadheyna
uga dhigo dembi dhaaf. Aamiin
Maanta waxay inoo tahay hadaanu nahay reer Somaliland maalin madow maadaama nin
culusna uu inaga baxay, rag kalena ay dhaawac yihiin oo weliba uu dhawacoodu
qaar aad u culus yahay. Waxaan aad iyo aad uga xumahay ugana cudurdaaranayaa
inaan ka soo qeybgeli karin aaska marxuumka Cali Maxamed Guuleed anigoo xilligan
arrimo khaas ah u jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Inaa Illaahu Wa Inaa illaahu Raajicuun
Hadaanu Nahay Dhamaan Jaaliyada Somaliland ee Kunool koonfurta California
Waxaanu Tacsi udiraynaa dhamaan Eheladiih uu kageeriyooday iyo Dhamaan umada
Somaliland Meelkasta oo ay joogaanba Murxuun Ali Guuleed (Ali Marshal) , Eebana
waxann uga baryaynaa in uu ka waraabiyo Jana Fardoosa.
Waxaanu leenahay Qoyskii uu marxuun Ali Marshal kabaxayna dhamaantood, Samir iyo
Iimaan.
AAmiin, AAmiin, AAmiin
1. The family of Mohamed E. Bullale.
2. The Family of Haji Muse Abdi Mire
3. The family of Hassan Mohamed Adan (Sheef)
4. The family of Hassan Mogeh Hersi
5. The family of Mohamed Ali Ahmed
6. The family of Hussein Osman Farah
7. Bashir Hassan sheekeye
8. The family of Abdirashid Hassan Sheeheye
9. Fadumo Ali Ahmed
10. The family of Gulaid Abokar
11. Amina Nur
12. The family of Khadar Mohamed
14. The family of Ismail Muse
15. The family of Mustafa Mohamed
16. Hassan Mohamed
17. Muluki Barre.
18. The family of Ismail shamhad
19. The family of Mohamoud Kaba Tole
20. The family of Ibrahim siyaad
21. The family of Abeeb jama
22. Fardooza Muse
23. Mohamed Ismail
24. The family of Adan Hassan Iiman
Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Tix gaaban oo gabay ah oo loogu
baroordiiqayo Marxuum Cali Xaaji Muxumed Guuleed, Waxaa tirinaya Mubarak Mohamed
Nur qoorubaxay Halkan ka dhegayso Tixdaas gaaban ee baroordiiqda ah
Hadii mawdku ruux daynayoo dunidu waarayso
ambiyadii ayaan laga dileen laysu soo diraye
In dadoow la wada mootan yahay waa daliil dhaba'e
hadbase taw danbaysaa Nafluhu dib u xasuustaa!
Hadii maanta duug lagu hubsaday Dirici Maarshaalba
halyey diran dulqaad iyo wanaag daacadnimo sheegtay
dun wanaag daryeelkiyo xaquu abid la duubnaado
salaadaan daayicin waqii duug intuu jiraye
allaylehe nin damaluu ahaa Daacada ilaahe,
Duco iyo waxaan marinayaa diin intaan kare
dariiqii rasuulkiyo kuwaad siisay derajaadka
Janadaada doorka ah kuwaad daarta uga yeeshay
ee naarta laga dayray iyo diga kulaylkeeda,
adaa daayinow kara waxaan cidina diidayne
Naxariista duugmada markaa laga dareerayo
malagyada la soo diray midkaad dowga garansiiso
dibnihiisa tawxiid midkii kara dabuubtaada
ee aan dariiqii ka lumin dawyada siraadka
Allaha daayinow inaad janada meelsan uga doorto
Oo fardawsa uu dego ayaan kaa duraansadaye,
dayartiyo agoontuu ka tegay daa'imiyo maato
samir aan ka duugoobin iyo doobi naxariisa
iyagana docdoodii ka yeel daawa lagu raysto
Anaguna diwaanada tacsida waa u diraynaaye
Kulmiye iyo dadweynuhaba waw maalin dayra ahe
damiirkiyo caqliga iyo jidhkaa noo dubaaxsamaye
Xusuustiisa baan naga damayn boqol diraacoode
Allahayoow digniin noogu filan duubigaa jabay
Aniga oo ah Daahir Ismail X Aden
waxa aan Tacsi u diraya qoskii iyo qaraabadi iyo waliba
Xisbiga Kulmiye, geeridi naxdinta lahayd aa ku timid Alle ha u naxariisti Ali
mohamed Guuled {Ali marshal} oo ku geeriyoday shil Baabuur. manta oo ay Bishi
tahay 6/8/09
Barbara agteda.
Allahay waxa aan uga baryaya in uu janada geeyo, qoyskii iyo qarabadi uu ka
tagayna samir iyo iiman ka siyo . waxa kale oo aan iyagana Alle uga baryay in uu
caafiyo kuwa ku dhawacmay shilkaas.
Daahir Ismail H Aden {wriye}
daahir
72@hotmail.com
uk
Birmingham
Ilaahay waxaanu ka baryayna inuu Marxuum Ali Gulaid (Marshall) naxariistisa
janno ka waraabiyo, ehelkiisi iyo qarabadiina samir iyo iiman ka siiyo. Waxxanu
kale illaahay ka barinay innu Cabdiraxman Cabdilqadir, Maxamad Xaashi Cilmi iyo
ciddi kale daawac ka soo gaaday shilkii baabuur iyagana badbaadiyo oo cfimaad
siiyo.
Ina lilaahi wa ina ileyhi rajicuun
Hassan Abdillahi Abbey Iyo Yusur A.F. Abrar
Abdirahim Abby Farah and family
Abdillahi Haji Ahmed and family
We, the California and Arizona Somaliland community, are mourning for the
unexpected and sudden tragedy death which came upon our beloved and dear member,
Ali Haji Muhumed Gulaid, best known as Ali Marshall. May Almighty God rest his
soul peacefully in Heavens. Ali, a pillar of our community, a strong Somaliland
advocate and a real national hero, is not only a loss to Reer Haji Muhumed
Gulaid, but a loss to the whole nation of Somaliland.
We, The Somaliland Community of California, are expressing our hearty felt
sympathy and condolence to all Haji Muhumed Gulaid family and to all
Somalilanders while they are mourning during this difficult period of their
lives. Our prayer is with you. We pray for Almighty God to rest the soul of our
beloved Marxuun Ali in peace and in heaven and to give us all and the family,
the strength, the wisdom and the faith to endure this very difficult time.
Amin!
Members of California and Arizona Somaliland Community
Jaaliyada somaliland ee germany waxay tacsi u dirayaan
geeridii naxdinta lahayd ee ku timi cali guuleed cali maarshaal anagoo ka
tacsiyadaynayn dhamaan ehelkiisii iyo dhamaan shacabka somaliland waxkale oo aan
iyagana ilaahay uga rejaynaynaa dadkii la dhaawacmay in ilaahay caafiyo
dhamaantood waxnaan leenahay cali gulled wuxuu ka baxay dhamaan shacabka
somaliland ilaahay dhamaanteen samir iyo iimaan alle ha inaga siiyo
dadka diraya tacsida oo kala ah
Guddoomiye : Mohamed Hussein Dhacsi
Guddoomiye ku xigeen : Ahmed Guled Caqli
C/laahi Yusuf
safiya Haji Muse
Ahmed hussein Rooble
SamSam Hassan
Ladna C/rashiid C/laahi
Huda Ali Jama
Ismail Aden Ahmed
Mustafe A/raxman Mumin
Najma Ismail A/lahi
NAsir Hadadir
************************************************************************************************
Waxaan anaga oo Jaaliyada Bristol ee Uk oo
ka tiiraanyeysan tacsi u diraynaa dhammaan qoyskii, qaraabadii,
ehliyaddii, asxaabtii iyo dhammaan Madaxda iyo xubnaha ka tirsan
Xisbiga Kulmiye meel kasta oo ay joogaan, anaga oo uga tacsiyadeynaya
geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Marxuum Cali Maarshaal oo ku
geeriyooday shil Baabuur, anaga oo Ilaahay uga baryaya inuu marxuumka
ugu deeqo naxariis kana waraabiyo Janatul fardowsa. Waxaan isla
markaas Ilaahay uga baryaynaa in uu caafimaad deg-deg ah siiyo Muj.
Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Faarax, Muj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo ciddii
kale ee shilkaas naxdinta leh waxyeelo ka soo gaadhay.
Anigoo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste),xaaskayga iyo caruurtaydaba waxaanu halkan
TACSI tiiraanyo leh uga diraynaynaa guud ahaan shacabka reer Somaliland,gaar
ahaanna Qoyskii- ehelkii -qaraabadii -Xisbiga Kulmiye iyo dhamaanba
asxaabtii,anagoo uga dacsiyeynayna geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Ali
Guuleed(Ali Maarshaal ) oo dhowaan ku geeriyooday shil baabuur.
Ali waxaanu ILLAHAY uga baryaynaa in uu naxariisti JANO ka waraabiyo intii uu ka
geeriyoodayna SAMIR iyo iimaan ka siiyo,inta dhaawaca ahna waxaan ILLAAHAY uga
baryaynaa in uu caafimaad buuxa siiyo.
Sympathy Letter to Fallen Hero Ali
Gulaid Ali’s family and Somalilanders at large
I was deeply saddened to hear of comrade
Ali Marthal’s sudden death and I would like to express my very sincere sympathy
to the family and all Somalilanders on behalf of Community of Somaliland in
Southern Africa.
Ali Marshal was regarded as a great
leader, committed for a change that takes place in Somaliland, I had worked
closely with Ali in 2004 on International Media Campaign for the cause of
Somaliland, a project initiated by Somaliland forum. Indeed Somaliland has lost
a great man.
May the Almighty grant Ali Marshal
Jannatul Firdowz, and may Allah give a speedy recovery to those who injured in
the unexpected car accident .amin amin amin
Our thoughts and Du’aas are with his
family at this sad and difficult time.
Sincerely
Saeed Furaa
Media Relations Officer
Community of Somaliland in Southern Africa
(COSSA)
illaahay naxaristii janno ka waraabiyo marxun Ali M
guled Marashal,
Rest In Peace, all Somalilanders will miss him. He was a
great guy.
Nura Ahmed Waris
Water for life Project
Annanadel,Va
Somaliland Forum: Dhambaal Tacsi ahRef:
SF/EC/03
07/08/09Inaa
Lilaahi wa inaa Ileyhi raajicuunHadii
aanu nahay Ururka Somaliland Forum waxaanu dhambaal Tacsi ah u diraynaa Qoyskii,
Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii
iyo Guud ahaanba bulshada reer
Somaliland, anaga oo ugu Tacsiyadaynayna geerida Naxdinta leh ee ku timi Allah
naxariistii Janno ha ugu deeqee Marxuum Cali Maxamed Guuleed (Cali Maarshaal) oo
shil baabuur ku dhintay shalay Khamiistii
oo ay taariikhdu ahayd 06/08/09.Marxuum Cali Maarshaal Rabbi naxariistii Janno
ha ugu deeqee waxa uu ahaa halyey qaran oo wax badan usoo
qabtay dalkiisa iyo dadkiisa mudadii uu ifka joogay, waxaana marxuumku uu
ahaa nin wadani ah oo habeen iyo maalinba u taagnaa sidii uu dalkiisa u
gaadhsiin lahaa Horumar balaadhan gaar ahaan dhinacyada Dhaqaale, Siyaaso, iyo
Nabadgelyo. Halyey Cali Maarshaal Allah qabriga ha u nuuree waxa uu
ka tirsanaa ururka Somaliland Forum
muddo aad u dheer, kaalin balaadhana waxa uu ka soo qaatay mashaariicda
horumarineed ee Ururka Somaliland Forum uu
ka fuliyay Dalka Hooyo.
Ururka Somaliland Forum isaga oo aad uga
tiiraanyeysan geerida naxdinta badan ee ku timi Marxuum Cali
Maxamed Guuleed (Cali Maarshaal) waxa uu Allah uga baryayaa inuu
Marxuumka Naxariistii Janno ka waraabiyo, Bulshadii uu ka baxayna uu Samir iyo
Iimaan ka siiyo. Aamiin.
TACSIDANA WAXA DIRAAYA:
Inaa Illaahu Wa Inaa illaahu Raajicuun
Hadaanu Nahay Dhamaan Jaaliyada Somaliland ee Kunool Waqooyiga CarigaIngiriiska
Bristol Waxaanu Tacsi udiraynaa dhamaan Eheladiih uu kageeriyooday iyo Dhamaan
umada Somaliland Meelkasta oo ay joogaanba Murxuun Ali Guuleed (Ali Marshal) , ilaahayna
waxanu uga baryaynaa in uu ka waraabiyo Jana Fardoosa.
Waxaanu leenahay Qoyskii uu marxuun Ali Marshal kabaxayna dhamaantood, Samir iyo
Iimaan.
AAmiin, AAmiin, AAmiin