XIKMADDA TODOBAADKA

 

Wareysi Balaadhan Oo Ay Somalilandhorta La Yeelatay Aw-Salla-Waat Bulsho Sawire - Qaybtii 7aad


April 20, 2009

Su'aal:  Inkastooy u badnaayeen hadana xisbiyada kale dad ka tirsan ayaa dhageysan jirrey ama aan xisbi ka tirsaneyn oo kuwa aan xisbigaa hadlaya ahayni maxey kasoo dooni oo ay kadhageysan xisbi aan xisbigoodia ahayn.

Jawaab: Meeshu aqoon korodhsi bey ahayd. Midda kale si qofku uga qaybgalo dooda dhexmareysa xubnaha xisbiyada ku kala jira waa in uu la socdoo hadalada xisbi kasta laga jeediyo.Tu kale dhanbey ka ahayd madadaalo iyo wakhtigood isku dhaafiso wax macno sameynaya.

Su'aal: Hadalada lajeedinayo ka sakow maxaa kale ee xisbiyada laga soo jeedin jirray

Jawaab: Horta berigaa xisbiyadu mey lahayn haween labisgaar ah sitaa u durbaano garaaca si ay u diiriyaan shirarkaa xisbiyada .Xisbigii Siyaad Bare ayaa nidaamkaa lahaan jirrey. Anigu hargeysaan ubadnaayo koleey waxaan i dhaafi jirrin, marka quraanka shirka lagu furo, gabaygii C/Laahi Suldaan (Timacadde) Oo xisbigga SNL ka gabyi jirrey iyo gabaygii C/Iidaan Hanqadh oo ka gabyi jirey NUFta, 2Allah ha u naxariistee .

Su'aal: Wax kalooy xisbiyadan imika kaga duwan yihiin berigaa hore xisbiyadii jirijirey.

Jawaab: Haa yoo waxaa ka mid ahaa qofka Xisbi ku jirraa waxa uu bixinjirrey wax la odhan jirrey "ISHTIRAAK" oo bishiiba mar ah ama sanadkaba uu qadimi jirey.?

Su'aal: Oo awsalaawaadoow adeer "ISHTIRAAK "waa maxay

Jawaab: Adeer erayga macnihiisu waa qaadhaan .

Su'aal: Oo xisbiyada ma lacagbaa lasiinjirrey?

Jawaab: Adeer haa laakiin intii soo gaadhay xisbigii siyaad bare waxay u haystaan in xisbiyada loo soo shaqo tago.

Su'aal: Dee malaha xisbiyadeenan maanta furan ayaaba ah kuwo loo soo shaqo tago ?

Jawaab: Adeer adaa yidhi siddey runtu tahay se inkastoo aanan xisbina ku jirrin, Wali maan maqal wax ka hadlaya qaadhaan joogta ah oo bilkasta xisbi la siiyo, inkastoon arkay iyadoo lacag tabaruc ah loo gurayo.

Su'aal: Oo adeer awsalawaadoow ninkaagan dhaqdhaqaaqii xisbiyada markii gobanimada loo halgamayey sidan ula socday maxaa kuu diidey inaad xisbiyada qaranka mid un ku biirtid ?






 

 

 



 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].