|
|
XIKMADDA TODOBAADKA
|
|
| |

April 12, 2009
Su'aal:
Inkastooy u badnaayeen hadana xisbiyada kale dad ka tirsan ayaa dhageysan
jirrey ama aan xisbi ka tirsaneyn oo kuwa aan xisbigaa hadlaya ahayni maxey
kasoo dooni oo ay kadhageysan xisbi aan xisbigoodia ahayn.
Jawaab:
Dadku aad buu u maskaxfuraa. Qofkastaa isagoo xisbiguu ka tirsanyahay taageersan,
ayaa wax u diidayaa jirin, inuu xisbiyada kalena habeenkey hadlayaan dhageysto.
Su'aal:
Oo maxuu ka faa'iideysanayaa qofka aan xisbigiisa ahayn ee uu dhageysanayo.
Jawaab:
Adeer, weynoobe sideedaba ragan xisbiyada ka hadlayaa dad
aqoon leh ayey ahaayeen. Waxan ay ku hadlayaana, gole ka fuul mayahay ma ahayne
inkastooy warqad ka akhriyeyn , waxey ka soo shaqeeyeen soona diyaarsadeen oo
maskaxdooda ku duubana ayuu ahaa. Inta badan qofku markuu xisbi galeyo wuxuu
ahaa qof muddo dhageysanayey, xisbiyyada hadaladooda ka dibna gala xisbiga uu
hadaladiisa la dhaco.
Su'aal:
Oo qaab kale oo xisbiyada loo kala doortaa miyaanu jiri jirin.
Jawaab:
Mayee.. wuu jirey. Qof aad saaxiib tihiin ama haasaawe wadaag leedihiin,
siyaasadana ka sheekeysataan, ayaa kugu qancin karayey inaad xisbi hebel gashid.
Su'aal:
Soo mar mar sidan imikaba dhacda beelbeel xisbiyada looma geli jirin ?
Jawaab:
Adeer bahashaa goor qabow lasoo qaadye wakhtigan aan kaaga sheekeynayo lama
adeegsan jirrin. Horta ereyga beel lama aqoon ee qabiil baad maqli jirtey.
Qabiilkana waalaga xanaaqi jirrey. Hal ku dhega aad loo adeegsan jirrey waxa uu
ahaa,"Qabyaaladu hadhacdo"
Su'aal:
Waaw! Oo beel iyo ardaa lamaba aqoon oo lama adeegsanjirin ayaad leedahay?
|
|
|
|