Somaliland Horta Website Somalilandhorta

WARAR WAABSAN

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Soo Dhaweynta Heshiiska
April 29, 2009

Heshiiska gududii dhexdhexaadineysay 3 gudoomiye xisbi ay soo bandhigtay, 3da xisbiba wey ogolaadeen waaney soo dhaweeyeen. Dadweynaha reer Somaliland, dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, neefbaa kasoo booday. Dhawrkii 7-aad ee ina dhaafay, xaalada dadku, waxay ahayd wadne-far-ku-hayn. Dadweynaha meel ay joogaanba waxaa laga dareemayey walaac laga baqayo, xumada siyaasada ee sare u kacday, in isku dhac yimaado. Illaahay waxaan ka baryeynaa in qodobada heshiiskaasi ay sidaa u hirgalaan, doorashada Madaxtooyaduna nabad iyo wanaag ku dhamaato, hawlaheena kalena aynu u madaxbanaano.

Warar Waabsan
April 29, 2009

Baladweyne sarkaal ka shaqeeya samafalka ayaa xallay gurigiisa banbaano lala eegtay cidise kuma dhiman.....Wadaad layidhaa Fu'aad, kana tirsan Alshabaab, laguna tuhunsanaa qaraxyadii Hargeysa ka dhacay October 29 2008 ayaa ka nabad galay dil lala beegsadey doraad.....Hargab doofaareedkii ayaa u muuqda ku seetada goostay oo kolba dal lagu sheegaayo.


April 28, 2009

Warar loo aanaynayo inuu ka soo baxay Xoghaya Guud ee Kulmiye ayaa sheegaya in wada hadaladii sadexda gudoomiye xisbi iyo gudidii dhexdhexaadinta ee maanta loo balansanaa in heshiiska la saxeexo, uu dib u dhacay. Sida laga soo xigtay xoghaya guud ee Kulmiye labada xisbi ee mucaaridka ahi qodobadii hordhaca ahaa ee ay gudiga dhexdhexaadin 3 gudoomiye xisbi u qaybisay, way ka biyo diideen, gaar ahaan mudo kordhinta madaxweynaha iyu ku xigeenka loo kordhiyaya oo ay gudida dhexdhexaadintu tidhi sideeday mudadaasi ahaynaysaa.

Banaanbaxii Oon Dhicin ....
April 20, 2009

Banaan baxii la filayey inuu hogaamiyo Kulmiye, maanta ayaan dhicin. Gudoomiyaha xisbiggu wuxuu maanta sheegay in ay aqbaleen codsiyo kaga yimi waxgarad badan oo bulshada katirsan, kana codsadey in aaney banaan bixin. Kulmiye waxuu ku kaaftoomey in uu xafiisyadiisa dalka ka furan shirar ka qabto halkaana dadka kula hadlo waxa kalee oo uu tibaaxay gudoomiyuhu in ay wada hadal diyaar u yihiin dalka nabadiisa ka shaqeynayaan. Mar laweydiiyey dhexdhexaadinta cidda wada waxuu sheegay in ay yihiin Guddida Anshaxa Doorashooyinka oo uu madax ka yahay Aadan Xaaji Baxnaan.

Warar Waabsan
April 13, 2009

Maalinta Dhireynta ee Somaliland oo beri ah April 14 2009, ayey Wasaarada Degaanka iyo Horrumarinta Reer Miyiga, u qeybisey maanta 10 kun oo geed oo abaqaal ah gobolada dalka si loogu beero magaalooyinka. Sadex markab, laga kala leeyahay wadamada Talyaaniga iyo Masar ayey budhcad badeedu la timi bada eegeysa Laasqoray, sidey BBCdu sheegtay. Madaxweyne Obama ayaa ku dhawaaqay in uu maamulkiisu budhcad badeeda la geli doono dagaal uu ku tirtiro markey ciidamada badda ee Mareykanku xoog kusoo furteen Captain Richard Phillips.

Warar Waabsan
April 4, 2009

Gaadhi maxkamada racfaanka ee gobolka togdheer leedahay laguna afduubay Burco ayey ciidamada amaanku ku soo qabteen Xudun gaadhigii iyo afduubayaashiiba...... Radio Hargeysa ayaa laga dhageystay meelo badan oo Geeska Africa sidda ADDIS iyo Kampala.....Pri-Ministerkii Denmark ayaa loo doortey xoghayaha guud ee NATO , waxase is hortaagey doorashadiisa inkastoo laga batey Turkiya oo ku saleysay diidmadeedaa qaabkuu u maamuley dhaqanxumadii lagulakacaysayidnaa Maxamed, Salla-Aahu Caleyhi Wasalam , markii lagu baahiyey saxaafada denmark sawir gacmeedyadii sharaftiisa wax udhimayey. Mahadsanid Turkiya adeer sax oo geli.

Warar Waabsan
April 3, 2009

NATO ayaa maanta xuseysa 60 guuradii NATO.....UDHIS ayaa ku dhawaaqday inney gogol u fidineyso Xukuumada Xisbiyada iyo Komishanka si ay isugu soo dhaweyso.....Badhasaabka Gabiley ayaa soo kormeeray dhulkii roobabaku dhibaatada u geystay......Degmada Wajaale roobabku waxa ey dileen 5,000, 2qof iyo 3 qof oo ku dhaawacmay.....Gabadh yar oo aan lahayn meel ay ka saxarooto, jirteyna 5 cisho ayaa Hospital Banaadir, Xamar, dakhtaradu ku guuleysteen in ay dabada u furraan.

Warar Waabsan
April 1, 2009

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la yidhaa Caamir Maxamed Cali ayaa maanta lagu toogtey xaafada Shabis ee Xamar oo dhaawac u yaala dakhtarka........Xukuumada Sheekh Shariif ayaa lasoo noqotay, codsigey Jaamacada Carabta lacagta kaga codsatay, markay saluugtay qadarka lacagta iyo shuruudaha lagu xidhay kana doorbiddey in ay dowladaha carbta qaarkood tooskaalmo uga cuskato.......Sudaan ayaa wada heshiisiin la heshiisiinayo Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Daahir Uweys oo imika ku sugan Kharduum.



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp