Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

   
 

Abwaan Boon Xirsi oo Fanaaniinta Reer Toronto U Samaynayaan Bandhig Faneed Si Abwaanka Loo Geeyo Dakhtar Dibadda Ah Loona Soo Daweeyo
April 19, 2009

 



Waxaa Magaalada Toronto Lagu qaban doonaa 25 April, 2009 Bandhig fanaadeed aad u balaadhan oo ay iskugu imanayaan Dhamaan fanaaniinta Degan Toronto taasi oo Loogu magacdaray Habeenkii Toronto iyo Boon Xirsi.

Abwaanka weyna ee caanka ah Boon Xirsi oo ku sugan imika magaalada Hargeysa ayaa waxaa soo foodsaray xanuun xaga indhaha ah oo uu waxba ka arkaynin balse loo baahan yahay in looqaado Dibadda amaba lageyo Dal Wax loogu soo qaban karo maadaama xanunnkiisu yahay mid dhakhtaro gooni ahi wax kaqaban karaan hadii alle yidhaahdo.

Dhamaan Jaaliyada Somaliyadeed ee Toronto Ku dhaqan gaar ahaan Reer Somaliland ayaa waxay u diyaar garoobeyn sidii Xafladan ugu taageeri lahaayeen abwaanka iyadoo u samaynaya "Fundraising" sidii loogu kaalmeyn lahaa Abwaan Boon Xirsi oo jooga Magaalada Hargeysa.

Hadaba Habaynimada 25 April ee Sanadkan 2009 ayaa waxaa Toronto ka dhacaya bandhig faneed aad u balaadhan waxaana dadweynaha laga codsanayaa inay kasoo qeyb galaan oo ay tikidhada iibsadaan hamoogaanina Habaynka 25 April 2009

Somalilandhorta.