Somaliland Horta Website Somalilandhorta

WARAR WAABSAN

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Rasaas Ayey Is Weydaarsadeen Kooxaha Burcad-badeedka Ee Haysta Markabka waxayna Iska Dileen 3 Maleeshiyo
September 30, 2008

Wararka ka imaanaya gudaha markabka hubka saaran ee afduubka loogu haysto badda Somaliya ayaa sheegaya in halkaasi rasaas ey isku weydaarsadeen kooxaha burcad-badeeda ee haysta markabta islamarkaana iska dileen 3-maleeshiyo. Ilaa iyo iminka la ogeyn sababta keentay in ey dhexdooda islaayaan ayaa sidoo kale ku hanjabay in ey dilayaan shaqaalaha markabka saaran hadii la isku dayo in awood loo sheegto. Madaxfurasho dhan 20-milyan oo dollar ayey sheegteen burcad-badeedu inay doonayaan., waxaana ey horay u beeniyeen lacag lagu sheegay 35-milyan oo doolar in. Shaqaalaha saaran markabkan oo bilowgii ka koobnaa 21-ruux ayaa waxaa iminka isugu soo haray 20-ruux, kadib markii uu wadno xanuun u dhintay sida uu Tv-ga soo wariyay kabtankii markabka oo lagu magacaabay Vladimir Kolobkov.

Markabkii Ukraine Laga Lahaa...
September 28, 2008

Markabkii Ukraine Laga lahaa ee ay afduubtay Budhcadbadeedka maamulka Garoowe, ayaa taagan meel xeebta Xil dacawo u jirta 7 mile. Markab kuwa dagaalka oo Mareykana iyo ku Ruush ah inta la hubo ayaa dul taagan oo isha ku haya. Dayuurado hellicopter ahina intey maraakiibta ka duulaan ayey dul heehaabayaan. Waxa lagu dadaalayaa in hubkaa saaran aan markabka laga dejin. Illaa imika waxaa lagu guuleystay in aanu jirin wax xidhiidh ah oo beriga iyo Markabka oo Budhcadu haysato ka dhaxeeya. Badmareenkii markabka saaraa 1 nin oo ruush ah ayaa xanuun u dhintay . Budhcadu waxay dalbatay 20 million dollars (U S), dawladda Kenya waxay ku dhawaaqday, in aanay wax wadda hadala ah budhcadaa la yeelaneyn. Waxa ugu weyn ee warwar laga qabaana waa hubkaasoo gala gacan aan xilkas ahayn.

Warar Waabsan
September 27, 2008

Afhayeenkii Budhcad badeedka afduubtay markabkii laga lahaa Ukraine ayaa wareysi usiiyey Laanta Afsoomaliga ah ee BBC-da ayaa ku dhawaaqay in ay doonayaan lacag madax furasha ah oo dhan 35 malyuun oo dollarka. Markabkii waxa uu ku suganyahay xeebta Xaradh dheere iyo Hobyo u dhaxaysa waxaana ku daba jirra Todoba markab oo kuwa dagaalka ah. Dalxiisayaashii lagu afduubay koonfurta galbeed ee Masar ayaa sii deyntoodii weli wada hadallo ka socdaan.

Warar Waabsan
September 26, 2008

Markab laga leeyahay Ukraine oo u siday qalab melateri, kana mid yihiin taangiyada 72, ayaa saaka budhcad-badeed ka afduubtay xeebaha Somalia. Laba dhalinyara ah oo Soomaali ah midkoodse haysti jensiyada Jarmalka, ayaa maanta lagala degay, madaarka magaalada Kooloon dayuurad ka baxaysay kuna socotay Amsterdam iyagoo lagu tuhmay inney damacsanaayeen in ayku kacaan falal argagixiso. Qoyska kooban Hooyo iyo 3 caruurah oo Soomaali ah ayaa South Africa lagu dilay, baangado iyo mindiyo. Guri ay deggan yihiin 2 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka impigati, magaalada Baydhabo ayaa xalay baasuuke iyo banbanayaal lala dhacay.

Warar Waabsan
September 23, 2008

Baarlamaanka impigati ayaa gaashaanka ku dhuftay diidmadii uu diiday C/Laahi Yuusuf in uu u hogaansamo ansaxintii ay ansixinwaayeen 10kii Wasiir ee hore isku casilay oo mar 2aad maanta kacodsady in uu go'aankooda aqbalo. Jangeli Jr. oo maanta ku dhawaaqay innuu shirweynaha qaramadda midoobay ka qeybgalayo issagoo ah Masuulka arrimaha dibada ee Impagati. Waxaa la ogyahay innuu ka midyahay 10ka wasiir ee is casilay ee la an saxin waayey. Waxa kale oo uu sheegay in C/Laahi Yuusuf mashquul ku yahay hawlo kale oo gudaha ah sida dhismihii maamulka Banaadir.

Muqdisho - 30 Dhimasho iyo 90 Dhaawaca
September 22, 2008

Shariikada galad, dayuurad ay leedahay, maray saaka ku soo dageysay, Madaarka Muqdisho ayaa madaarka lala dhacay madaafiic; kuwaas ooo madaafiic kale lagaga jawaabay. Dhimashada illaa imika waa 30, halka dhaawaca la geeyay Madiina iyo Keysaney uu 90 caga cageeyay. Bakaaraha iyo dadkii ka dukaansanayey ayey dhibaatada xoogeedu ku dhacday

Warar Waabsan
September 17, 2008

Madaarka Muqdisho oo maalin labaadii ayaan duulimaadyo kusoo degeyn kana kacayn. Tiliyihii Ciidanka Bileyskaee Boosaaso ayay xalay toogteen niman hubaysani kuwaasoo la qabtay, taliyihiina Dakhtarka yaalo. Kuxigeenkiisi ayaa isna budhcad ku afduubtay Degmada garacad, kaasoo laga badbaadiyey inkasta oo ay gaadhigiisii gubeen. Siminaar la xidhiidha qaabka doorashada loo qabto ayaa lagu soo gabagabeeyey Laascaanood.

Madaxweyne Rayaale iyo Wefdigiisii oo Maanta Soo Gaadhay Dalka Jarmalka
September 17, 2008

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefidigii uu hogaaminayay ee socdaalka ku marayay Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka , ayaa maanta soo gaadhay Caasimada dalka Jarmalka ee Berlin. Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa garoonka diyaaradaha ee Dalka Jarmalka ku soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Xukuumada Jarmalka iyo jahliyada reer Somaliland ee dalkaasi. Wefdigaas oo ka kooban Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Marwada Koowaad Marwo Huda Barkhad Aadan , Wasiirka Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.

Warar Waabsan
September 16, 2008

Ciidamada Fransiiska ee komandooska ah ayaa soo furtay xalay 2 muwaadin oo budhcad badeed Puntland ka tirsani ay ku haysteen buuraleyda xeebaha Puntland; halkaas oo ay 6 budhcad ah gacanta ku dhigeen midna ay dileen. Madaarka Muqdishoi ayey ka baaqdeen 2 duulimaad oo maanta la filayey in ay ka soo degaan, taas oo la filayo in tahdiidkii Alshabaab sabab u yahay.

Warar Waabsan
September 15, 2008

Mr. Mugabe iyo Morgan Jengaray ayaa maanta Harare, Zimbabwe, ku saxeexay heshiis awood qeybsi ah. Guusha usoo hoyatay Zimbabwe waxaan ka dhacin guusha uu halkaa ka helay Mr: Thabo Mbki ee duplamacyga ah; isagaoo ahaa masuulkii dhexdhaxaadinta ka odeyeeyay. Wasaarad Qorsheynta Somaliland ayaa ku dhawaqday qorshe ay kula xisaabtanto Hayaddaha Qaramada Midooba iyo kuwa kalee caalamiga ah. Khilaaf cusub ayaa ka dhex oogmay C/Yusuf iyo baarlamaanka Impagaati, markuu waxba kama jiraan ku sheegay, qaraarkii ay ku diideen ansaxintii 10 Masuul iyo 3 ku xigeen ee iskood isku casilay in dibloogu soo cesho maamulka Nuur Cadde.

Paris: Madaxweyne Riyaale & Weftigii Uu Hogaaminayay Ayaa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay France
September 14, 2008

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Wafti Culus uu Hogaamianayo ayaa kasoo dagey gagida diyaaaradaha ee Paris, waxaana goobtaasi kusoo dhaweeyay dadweyne Somaliland ah oo aad u tiro badan iyo Mas'uuliyiin sare oo katirsan Dowlada fransiiska isla markiiba waxaa madaxweyneha & waftigiisa loo galbiayay goobtii loogu talo galay, wararka ay hadhwanaagnews helayso waxa ay sheegayan in President Riyale uu Bilaabi doono bari oo isniin ah lakulanka madaxda Dalka faransiiska.

Warar Waabsan
September 9, 2008

Budhcad badeed 5 ah, marka intii kale baxsatey, ayaa markabkii maraynkanka ahaa ee qabtay, u sii daayey. 5-taa budhcad badeed ee lasii daayeyna, Boosaasey nabad ku joogaan. Nin budhcad badeedka shalay u hadlay, VOA wuxuu u sheegay iney lacagtey helaan Puntland gasho oo ay isku xidhan yihiin dad degan Puntland oo marmar maal geliya. Kismaayo waa bandoo kadib markii 2 nin oo cadaan ah lagu dilay magaalada.

Warar Waabsan
September 8, 2008

5 eedeysane ayey maxkamada Berbera horteeda kaga cadaatay eed ahayd inay falal budhcad badeednimo ka fuliyaan xeebaha Somaliland. Midkiiba 15 sanoo xadhig ah ayaa lagu xukumay, 4 hawshaa kula jirayna iyagoo maqan ayaa lagu xukumay midkiiba 15 sanoo xadhiga, halka 2na lasii daayay markii lagu waayay denbigaa. 8 Gabdhood oo Somali ah una shaqeynayey 27 billood iyaga oo temporary ah, ayaa markay jagooyin Parmanent ahi banaanaadeen shariikadii ay u shaqeynayeen oo ah UPS Magaalada Toronto ay tidhi dharkiina dhaadheer gaabiya ama kor u qaada si aydaan naftiina khatar u gelin.

Warar Waabsan
September 2, 2008

Itoobiya and Djibouti ayaa hir gelinaaya Mashruuc ku wajahan dayactir fidsan oo Railway-ga labada dal isku xidh wax ka tari doona. Iyaba Waa Yaabe Maxamed Abuubakar oo ku dhashay wadanka Nigeria, ahna 84-Jir ayaa qabay 86 haweena. Maxkamad Islaamiya ayaa ku xukuntay dil, laakiin markuu 4 dumara mooyee intii kale furay ayaa dilkii laga saamaxay.

Ceerigaabo: Macalimiinta Dugsiyadii Hoose Dhexe Oo Shaqo Joojin Sameeyay
September 1, 2008

Waxaa maanta macalimiintu shaqo joojin ku sameeyeen dugsiyadii hoose dhexe ee xukuumadu maamulaysey ee degmada Ceerigaabo, ka dib markii ay ku soo rogeen ardada lacag kordhin, taas oo ardadu mudaharaad balaadhan ka samaysay ay ardadu kaga soo horjeedaan lacagta lagu kordhiyey, gudoomiyaha wasaarada waxbarashaduna mudane Jaamac Cabdi Muuse uu amar ku bixiyey inaan lagu kordhin lacagta, halkaas oo macalimiintu ku khilaafeen amarkii gudoonka waxbarashada gobobolka iyagoo maantana shaqo joojin sameeyey. Ardada ayaa lagu arkayey banaanka dugsiyada hoose dhexe halkaas oo aanay ka helin adeegii waxbarasho ee ay u baahnaayeen isla markaana kaga soo huleelay dugsiyadii iyagoon xisaskoodi soo qaadan.

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ku Hanbalyeeyay Dhalashada Ramadaan
September 1, 2008

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayale Kaahin, waxa uu maanta u diray dhambaal hambalyo oo uu umadda reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan gudo iyo dibedaba iyo guud ahaan dadka islaamka ah oo dhan ugu hambalyeynayo bishi Ramadaan ee barakaysanayd oo maanta kawsatay. Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisaasi ku yidhi “waxa aan umadda reer Somaliland iyo islaamka oo dhan ilaahay uga baryayaa inuu khayrkeeda iyo barakadeeda ina siiyo Bishaa Ramadaan , sanadka dambena inagu gaadhsiiyo Caafimaad , Barwaaqo iyo Bash Bash”.

H A M B A L Y O
August 31, 2008

Muuse Ibraahim Bookh, Ismaaciil Cumar Sheekh Muxumed, Cabdifataax Axmed Yuusuf Ducaale, Yaasiin Cabdi Muxumed, Zubeer Maxamed Cabdi, Axmed Cabdifataax Axmed iyo Xuseen Cabdifataah Axmed, dhamaantood waxay hambalyo u dirayaan Saciid Cabdi Muuse Iyo Amran Maxamed Ismaaciil Kaahin oo arooskoodu ka shacay wadanka Canada gaar ahaan Magalada Toronto. Waxaanu leenahay noqda kuwii isku raaga, ubad khayr qabana kala hela...... Amiin Amiin!



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp